| |
| |
| WARAR HORE |
|
SHIR AY YEESHEEN MAAMUL KUSHEEGA FADHIGIISU YAHAY JIGJIGA OO FASHIL KUSOO DHAMAADAY |
Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa ku Waramaya in Shir halkaasi ay ku yeesheen Wasiiro kusheega Cadowga u adeega uu Fashil ku Dhamaaday kadib markii ay isku afgaran waayeen arimihii halkaasi lagaga hadlayay.
Shirkan oo lagaga Hadlayay sidii ay Dad Shaqaale ah oo Cusub Shaqada uga Eryi Lahaayeen kuwa kalana ay Ugu Badali lahaayeen ayaa Fashilmay kadim Markii qaar iyaga kamid ah ay ka Dhawaajiyeen in arintani ay Keeni Karto in Dad badani ka Caroodaan iyagana Caqabad ku Noqoto.
Inatbadan Maamul kusheega Fadhigiisu yahay Magaalada Jigjiga ayaa Shaqada ka Erya Kumaan kum Qof oo aana waxba Galabsan Bil Walba Taas oo ah Dhibaatooyinka Shacabka intabadan ay ka Cabtaan mana Jirta Cid wax iska waydiiso Sababta Dadka Masaakiinta ah Shaqooyinka looga Ruqsaynayo Mar walba. |
|
|
|
|