| |
| |
| WARAR HORE |
|
WAXAA MAANTA MAGAALADDA JIGJIGA SHIR LOOGU QABTAY DIRAWALADDA GAADIIDKA KA DHEX SHAQEEYA MAGAALADDA. |
Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta Shir la isugu yeedhay dhammaan Darawalada Gaadiidka loo yaqaano Baajaajta, Shirkan ayaa waxaa qabtay Xafiis ku sheega Gaadiidka ee Magaalada Jigjiga iyadoo ay ka soo qayb galeen dhammaan Darawalada iyo Hantiilayda Gaadiidka loo yaqaano Baajaajta. Shirkan ayaa waxyaabihii lagaga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Darawaladu ay u adkayn lahaayeen dhankooda amniga Magaalada Jigjiga, iyadoo sidoo kale amar lagu siiyay inay soo sheegaan qofkii ay garan waayaan amase ka shakiyaan waxaana la siiyay Lambaro gaar ah oo ay kala xidhiidhi karaan Booliska Magaalada Jigjiga. Waa markii u horeysay ee Shir noocan oo kale ah loo qabto Darwalada Baajaajta inkastoo hadda ka hor Baajaajta lagu soo rogi jiray awaamir gaar ah, balse Xafiiska Gaadiidku waxaa uu go'aansaday in Bishii dhawr jeer Darawalada Baajaajta Shir loo qabto. Maamul ku sheegga Degaanka ayaa isagu Aaminsan marwalba in Adeegga Gaadiidka yaryar sida Baajaajta loo Adeegsado Falalka lagu waxyeelaynayo Maamul ku sheeggaas, waxaana dhacda badanaa xilliyada Shirarka iyo Hawlaha gaarka ah ay leeyihiin Madaxda Maamul ku sheegga Degaanku inay hakiyaan dhammaan Gaadiidka oo dhan oo ay ugu horeyso Gawaadhida yaryar ee ka dhex shaqaysa Jigjiga ee loo yaqaano Baajaajta. |
|
|
|
|