logo
 
    
 WARAR HORE
GANACSATADA M/GODEY OO LAGU AMRAY IN AY GANACSIGOODA JOOJIYAAN.
Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Godey ee Xarunta Gobalka Godey ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka Jiro Qas iyo Jaha Wareer Xoogan oo ku saabsan Ganacsiga Magaaladaas kadib markii lasheegay in Ganacsiga Magaaladaasi ay keeni Karaan 3 Qof oo kaliya Dadka intooda kalana ay Ganacsiga isaga Baxaan.

Sadexdan Qof ayaa ah kuwo ay Wataan Maamul kusheega Magaalada Godey iyaga oo Shaaca ka Qaaday in ay Tallaabo ka Qaadi Doonaan hadii ay arkaan Cid kale oo arimaha Ganacsiga Faraha kula Jirto Taas oo Wal Wal iyo Argagaxba ku abuurtay Ganacsatada ku Dhaqan Magaalada Godey oo Markoodii harba Ul-booco ah ku Tukubaysay.

Arintan oo si Wayn looga Hadal hayo Gudaha Magaalada Godey ayay Walaac ka Muujiyeen Dadka Shacaka ah ee Halkaasi ku Dhaqan iyaga oo Markii horaba la Daalaa dhacaayay Dhibaatooyinka kale ee Gumaysiga kaga imaanaya.

Dadka siyaasada Gumaysiga lafa Gura ayaa arintanu ku Tilmaamaya in ay Horseedi Doonto Sixir Barar Xoogan oo Guud ahaanba Gobalka Ka Dilaaca iyada oo Waliba intii muda ahba ay ka jireen Abaaro Xoogan iyo Sanadihii Dambe oo aana Roobabka Loohelin sidii lafilayay.