logo
 
    
 WARAR HORE
GODOOMIYE KUSHEEGII GOBALKA FIIQ OO LAGA ERYAY XILKII UU SHEEGANAYAY
Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Guddoomiye ku sheegii Degmada Fiiq Axmed Yaasiin Cali ( Axmed badawi ) laga Eryay Xilkii Guddoomiyenimo ee Gobalka Fiiq, kaddib markii lagu eedeeyay inuusan kasoo bixin Xilkaas iyo waliba hawlo kale oo la Xidhiidha Musuq maasuq, Xilka qaadista Axmed Badawi ayaa waxaa ansixiyay Guddi uu dhawaan magacaabay maamul ku sheegga Fadhigiisu yahay Jigjiga, .

Gudoomiye kusheegan la,eryay ayaa isagu ahaa Nin ay aad u taageersan yihiin isla markaana saaxiibtinimo gaar ah ay ka dhaxayn jirtay Masuuliyiinta maamul ku sheegga soo maray balse markii haatan laga maarmay la iska eryay oo lagu eedeeyay inuusan sifiican uga soo bixin Xilkaas.

Maamul ku sheegga ka hawlgala Dhulka Soomaaligalbeed ee laguumaysto ayaa isaga lagu yaqaanaa inuu marba Shaqaalihiisa dibu habayn ku sameeyo taas oo faa'iido marnaba aan keenayn waayo kuwa la badalayo iyo kuwa lagu badalayo waa isku mid oo dhammaan waxay ka amar qaataan ama meesha keena waa Maamul ku sheegga khayaamay Shacabkiisa ku jira gacanta Guumaysiga Itoobiya.