CIIDAMADA NATO OO KU GUULDARAYSTAY GULUFKII COLAADEED OO AY KU QAADEEN DAALIBAAN.
Xarakadda Daalibaan ayaa ugu Baaqdey Warbaahinta Caalamiga ah inay soo arkaan Ciidamada Gumeysiga NATO ee Magaalada Marjah ku ooynaya, isla markaana ay Caalamka u gudbiyaan si ay u arkaan Cidda gacanta ku haysa Magaaladaasi. (Sawiro)
Wakaaladda Wararka ee AP ayaa sheegtay in Xarkadda Daalibaan ay Talaadadii Shalay ugu Baaqdey Warfidiyeenadda inay yimaadaan Magaalada Marjah ee Koonfurta Afqaanistaan si ay indhahooda ugu arkaan Cidda gacanta ku haysa Magaalada Marjah.
AP waxay intaa ku dartay iyada oo soo xiganaysa Qoraal ay Daalibaan ugu soo dirtay Wakaalada Emailka “waxaan ugu Baaqeynaa Dhamaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Caalamka inay Wariyayaal u soo diraan Marjah … si ay idhahooda ugu arkaan Xaaladda, Xaqiiqdana ug gudbiyaan Dadka…loona arko Cidda Gacanta ku haysa Magaalada”.
Wakaaladda ayaa tilmaantay in Tiro badan oo ka mid ah Wariyayaasha Warbaahinta Reer-galbeed ay xiligani si joogta ahi u tabinayaan Dagaalka loogu magac daray “Wadajirka” iyaga oo la socda Ciidamada Afqaanistaan iyo kuw Maraykanka.
Dhanka kale Daalibaan ayaa tiri “sida la wada ogyahay Cadowga wuxuu ku qasbay Warbaahinta Caalamiga isaga oo adeegsanaya Maal iyo xoogba sidii ay Dacaayad isaga Maslaxad u ah ugu sameyn lahaayeen, habkanina wuxuu ku indha sarcaadinayaa Caalamka wuxuuna ku qarinayaa Jabkiisa fadeexada leh ee ka soo gaaray Marjah ee degmada Naadi ee Gobolka Helmandi”.
Dagaalka ka socda Deegaanka Marjah oo kaliya waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo ka badan 15 kun oo isugu jira kuwa Gumeysiga NATO iyo kuwa Afqaanistaan, waxayna iska cabin xoogan si joogta ahi kala kulmayaan Xoogaga Daalibaan oo Tiro iyo Taba ka yar kuwa Gumysiga. Dagaalkan ay Gaashaanbuurta NATO Qaaday xiligani ayaa lagu tilmaamay midkii ugu Balaarnaa oo ay qaado tan iyo 2001, waxaana ka soo gaaray Khasaaro fara badan oo uga yimid dhinaca Miinooyinka dhulka lagu aaso.