logo
 
    
 WARAR HORE
DHALINYARADA KU DHAQAN MAGAALADA JIGJIGA OO UGAADHSI XOOGAN LAGUHAYO
Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Ciidamada Guumaysiga ay maalmahan ka wadeen magaalada Olole lagu doonayo in lagu Raafo dhalinyarta Magaalada Jigjiga, Warkan oo aanu ka soo xiganay Masuul ka tirsan Maamulada Xaafadaha Magaalada Jigjig ayaa noo sheegay in Qorshahan ay Wadato Wasaarada Gaashaandhiga ee Guumaysiga, oo ay ku doonayso in dhalinyar badan oo Degaanka u dhalatay ay Raafto si markaa ay ugu tababarto Ciidan ahaan kaddibna ay ka barbar dagaalaan Ciidamada Guumaysiga Itoobiya.

Haddaba dhalinyaro badan ayaa markay Warkan maqleen ka firxaday Magaalada iyagoo u Cararay Magaalooyin kale oo ka tirsan Degaanka, Raafkan ayaa dhalinyarta lagu raafayaa isagoon la ogaysiin waxbana lala socodsiin, waxaana Raafka dhalinyartan loo adeegsanayaa Booliska Xaafadaha oo qasab ku soo uruurinaya dhalinyarta sidaasna ugu dhiibaya Ciidamada Guumaysiga Itoobiya.

Arintan oo Dadka intooda Badan Argagax Galisay ayaana lagaranaynin Waqtiga ay Soo afjarmi Karto, Intabadan Ciidamada Gumaysiga ayaa Caadaystay Dhibaato walba oo Lagu wax yeelaynayo Dadka Shacabka ah ee ku Dhaqan Dhulka S/galbeed ee Lagumaysto.