| |
| |
| WARAR HORE |
|
MADAXWAYNAHA IIRAAN OO SHAACIYAY IN AY BILAABAYAAN BACRIMINTA MAADADA YUURAANIYOOMTA. |
Madax weynaha Wadanka Iiraan Max,ud axmadi Najad ayaa shaaca ka Qaaday in Dowladiisu ay Dib u Bilaabayso Samaynta Hubka Lugnerka isaga oo sheegay in ay 20% ay kor u Qaadayaan bacriminta Hubkaasi.
Madaxwayna Najad oo Maanta ka Hadlayay Sanad Guuradii 31 ee kasoo wareegatay markii Wadankaasi uu ka Curtay Kacaanka Islaamiga ah ayaa yirih:- “Mustaqbalka dhaw waan awoodnaa in aan Maadada Yuuraaniyoomta Bacrimino oo aan samaysano Hubka Lugneerka anaga oo Gaadhsiinkarno 20% ilaa 80%”.
Sidoo kale Axmedi Najad ayaa hadal Dheer kajeediyay Sababihii uu u dhashay Kacaanka islaamiga ah ee Wadankaasi ka Curtay Sandku markuu ahaa 1979, isaga oo lahadlayay Boqalaalan kun oo isugu soobaxay Magaalada Dahraan ee Caasimada Waddankaas.
Axmedi Najad ayaa sheegay Haday Hubka Lugneerka Samaystaan in aysan Cidina Khatar ku ahayn Balse ay Tamartooda ku soosaaran doonaan Waxaana uu sheegay in ay iska Difaaci Doonaan Cidkasta oo Weerarkaga yimiaado ama isku daydu ayuu yirih in ay wax faragalin ah kusamayso wadanka Iiiraan.
|
|
|
|
|