| |
| |
| WARAR HORE |
|
DUQAYN AY KU WAXYEELOOBEEN DAD SHACAB AH OO KABADAN ILAA 60 QOF OO KA DHACDAY MUQDISHO. |
Duqeyn geysatey khasaare kale duwan oo naf iyo maalba leh ayaa mar qura ku bilaabatey xaafado dhowra oo ka mida Degmooyinka, Hodan, H/wadaag, Yaaqshiid, iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir, oo ka imaaneysay dhanka Xarumaha ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM.
Inta la ogsoon yahey dad kor u dhaafaya 20 qof ayaa ku dhimatey 45 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey duqeyntan oo dhamaan ah rayid.
Goobaha Madaafiicda ugu xoogan ku dhaceen, kharaaha ugu badana ka dhasheen waxaa ka mida Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo hareerihiisa oo la arkayey dad badan oo rayida oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo wadooyinka daadsan, inkastoo dhaawacaya la qaadey hadana in muddo ah waxaa sii yaaley dadkii duqeynta ku dhintey.
Waxaa xusid mudan in qaar ka mida gaadiidka Caafimaadka oo sida dadkii ku dhaawacmey duqeyntan ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ee ku sugan wadada Dabka rasaas ku fureen oo howlahooda shaqo hakuyeen.
Dadka intii kale ee duqeyntan ka badbaadey ayaa marqura ka baxey Suuqa, si ay naftooda ula baxsadaan, waxaana la arkayey dad badan oo Suuqa ka sii baxaya, halka dhaqdhaqaaqii kale duwanaa ee ka jireyna uu istaagey.
Waxaa jira Qoys ka kooban 5 qof oo madfac kula habsadey gurigooda oo ku yaalada agagaarka Xero Ruushka oo la sheegayo inuu gurigii ku gubtey oo xilli danbe iyaga oo dhuxuloobey laga soo saarey.
Waxaa sidoo kale jira gaari rakaab oo madfac ku habsadey xilli uu marayey agagaarka Isgoyska Bakaaraha xilli uu dad rayida uu sidey.
Waxaa sidoo kale jirta madaafiic xoogan oo si arxan daro ah loogu garaacey xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa waxa ayna sheegayaa wararka goobahaas aanu ka heleyno dad u badan Haween iyo Caruur oo guryahoodii ka cararey.
Madaafiicda maanta ilaa caawa Magaalada Muqdisho lagu garfaacey ayaa isugu jirtey Hoobiyaha iyo BM-ka iyo kuwo kale oo daryankooda qeybo badan oo Magaalada ah laga maqlayey.
Isku soo duuboo duqeyntan oo aan la ogeyn ujeedka rasmiga ah ee ka danbeeya marka laga reebo warar madax banaan oo sheegaya in madaafiic lagu weerarey qaar ka mida xarumaha AMISOM iyo kuwa DKMG, ayaa qeyb ka noqoneysaa midda joogtada ah ee sidan oo kale mar walba ciidamada shisheeye iyo kuwa DKMG ee la ologa ah ula beegsadaan goobaha dadka rayidka ayna ka soo gaarto khasaare kale duwan oo naf iyo maalba leh
Xigasho somalimirror |
|
|
|
|