logo
 
    
 WARAR HORE
GAADIIDKA KA SHAQEEYA G/DHAGAX-BUUR OO AWAAMIR CUSUB LAGU SOOROGAY
Xafiiska Gaadiidka ee magaalada Dhagaxbuur ayaa la sheegayaa in uu halkaas ka bilaabay hawlo uu lambaro cusub ugu samaynayo gaadiidka jooga magaaladaas sida uu ku soo waramayo Wariye ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Soomaaligalbeed oo jooga Magaalada Dhagaxbuur.

Xafiiskan ayaa la sheegayaa inuu ogaysiiyay dhammaan hantiilayda iska leh Gaadiidka iyo Gawaadhida kaleba inay sida ugu degdegga badan ay Gawaadhidooda ugu soo diiwaan galiyaan Xafiiska si ay u qaataan Lambaro cusub oo ay yeeshaan Gawaadhidaas, Gawaadhidan ayaa markii hore u badnaa kuwo aan lahayn wax lambar ah oo magaalada dhexdeeda iyo meelo ka baxsan isooga kala socon jiray bilaa lambar taasna ay keentay dhibaato dhanka gaadiidkii oo hadduu Shil galo aan la heli karin.

Haddaba dadka iska leh Gawaadhida ee ku sugan magaalada Dhagaxbuur ayaa maalmahan si xawli ah Baabuurtooda uga diiwaan galinayay Xafiiska Gaadiidka ee Dhagaxbuur iyagoo Sheegay inay middani tahay fursad looga baxayo lambar la'aantii horey u haysan jirtay Gawaadhida joogta Dhagaxbuur.

Isu soo duuboo Guud ahaan Dhulka Soomaaligalbeed ee laguumaysto ayaa caajis iyo khayaano uu ku socdo Maamul ku sheegga Kililku ayaysan marnaba u oggolaan Maamul ku sheeggaas iyo Guumaysigu in Degaanku uu gaadho hormar la taaban karo oo xitaa Adeeggii Gaadiidka ay dhacdo in Baabuurtu ay bilaa lambaro iskaga socdaan Degmooyinka qaar, taas oo keentay in Hantiileyda gawaadhidan lagu adkeeyo canshuurta loogu samaynayo lambarada balse hadda aad mooddo in xogaa wax yar laga dabciyay inkastoo aan lagaran karin in sidaa loogu wadayo dabaca oo dad badani ka faa'iidaysan karaan Arrintan.
Wariye ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Soomaaligalbeed oo jooga Magaalada Dhagax-buur.

Xafiiskan ayaa la sheegayaa inuu ogaysiiyay dhammaan hantiilayaasha iska leh Gaadiidka iyo Gawaadhida kaleba inay sida ugu degdegga badan ay Gawaadhidooda ugu soo diiwaan galiyaan Xafiiska si ay u qaataan Lambaro cusub oo ay yeeshaan Gawaadhidaas, Gawaadhidan ayaa markii hore u badnaa kuwo aan lahayn wax lambar ah oo magaalada dhexdeeda iyo meelo ka baxsan isaga kala gooshi jiray iyaga oo aan wax lambar ah aana lahayn.

Haddaba dadka iska leh Gawaadhida ee ku sugan magaalada Dhagax-buur ayaa maalmahan si xawli ah Baabuurtooda uga diiwaan galinayay Xafiiska Gaadiidka ee Dhagax-buur iyagoo Sheegay inay middani tahay fursad looga baxayo lambar la'aantii horey u haysan jirtay Gawaadhida joogta Magaalada Dhagaxbuur.

Isu soo duuboo Guud ahaan Dhulka Soomaaligalbeed ee laguumaysto ayaa Wax isdabamarin iyo khayaano uu kuhayo Maamul ku sheegga Fadhigiisu yahay Magaalada Jigjiga iayag oo baabura Dadka Shacabka ahna ku sooroga Awaamir Caynkan oo kala ah si ay Laaluusha uga qaataan Taa oo ah Waxyaabaha intabadan Gumaysiga lagu yaqaano.