| |
| |
| WARAR HORE |
|
MAAMUL KUSHEEGA MAGAALADA JIGJIGA OO SHEEGAY IN AY WAX KABADALAYAAN WARQADAHA AQOONSIGA |
Kuwa Sheegta in ay Matalaan Dawladda hoose ee Magaalada Jigjiga ayaa wada qorshe ay wax kaga badalaysaan Taysarooyinka laga qaato magaalada Jigjiga iyadoo sheegtay inay wax wayn ka badali doonto qaabka hadda Taysarada looga qaato magaalada, Ninka lagu magacaabo Dayib oo haatan sheegta in uu Agaasime kayahay dhanka bixinta Taysarooyinka oo u waramayay Shabakadda Warbaahinta Soomaaligalbeed ayaa sheegay in dhawr qodob laga badalayo sida loo qaato Taysarooyinka Magaalada Jigjiga isagoo carabaabay in aad loo adkaynayo sida loo bixiyo Taysarooyinka, wuxuuna sheegay in dammaanad adag lagu xidhayo qofka damca inuu qaato Taysarada Magaalada Jigjiga, waxaa kale oo uu sheegay in Xaafad walba loo samaynayo Tiro lambar taxane ah kaas oo qofkii xaafaddaas ka tirsan u sahlaysa inuu helo Taysarada. Haddaba Hawshan ay hadda hindisayso Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ayaan wali la shaacin inkastoo hadal haynta arrintani ay dadka daggan magaalada Jigjiga aad u hadal hayaan isla markaana dad badani sheegeen inay aad u adkaanayso arrintan haddii ay fuliso Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ku Adkaanayso Helista Tesaraha. Hindisaha Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ay ku hindisayso inay wax ka badasho qaabka loo bixiyo Taysarada magaalada Jigjiga ayaa ku soo Beegmaya xilli Dawladda hoose ay haysato Canaan badan oo kaga imaanaysa dhanka Maamul ku sheegga Fadhigiisu yahay Magaalada Jigjiga taas oo loogu canaananayo in Shaqsiyaad ku kacsan Maamul ku sheeggasi ay siisay Dawladda hoose Aqoonsiyo, waxayna kalifaysaa arrintani in Shaqaale badan oo ka tirsan Dawladda hoose ee Jigjiga ay shaqooyinkooda ku waayaan isla markaana markii hindisahan dawladda hoose uu dhamaystirmana la keeni doono Shaqaale kale oo xirfad u leh hawshaas. Intabadan Maamul kusheega Cadowga u Adeega ayaa soo bandhiga Hindisayaal kadhan ah Dadka Shacabka ah ee Reer S/galbeed kusaas oo lagu Dhibaataynayo Balse waxaa ilaa iyo hada aan Cadayn sida Howshani usuuro Gali karto iyada oo Dadka ku Dhaqan Halkaasi ay kasoo horjeedaan. |
|
|
|
|