logo
 
ROOBAB MAHIIGAAN AH OO 24 SAAC EE LASOO DHAAFAY KA DA,AYAY MAGAALADA DIRI-DHAB.
Roobab aad u waa wayn ayaa maalinimadii shalay ilaa Xalay ka Da'ayay Magaalada Diri-dhaba, Roobkan oo bilowday shalay Galinkii dambe ayaa si is-Dabajoog ah oga da'ayay ilaa habeenkii xalay ahaa oo dhan, iyadoo intii uu Roobku da'ayay guud ahaan ay joogsadeen gaadiidkii ay dadku raaci lahaayeen sida Tagaasida iyo Baajaajta.

Sidoo kale Roobkan ayaa keenay Daadad aad u waaweyn oo qaarkood ku soo rogmaday magaalada dhexdeeda, iyadoo Xaafadaha qaarna ay halis u jirsadeen in ay daadadku qaadaan, ilaa iyo hadana lama sheegin khasaaro uu Roobkii shalay ilaa xalay gaystey, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in buulal yaryar oo ku dhawaa togga magaalada dhex mara uu wabigu baabi'iyay.

Haddaba Roobkii maalintii shalay ilaa xalay ka Da'ayay magaalada ayaa ahaa Roobkii ugu weynaa ee maalmahan ka Da'a magaalada, iyadoo badanaa Roobabku ku yaraayeen magaalada marka loo eego Degaanka intiisa kale oo Roobab mahiigaan ahi ka Da'een, hadana waxaan odhan karnaa Roobkii shalay waxaa uu ahaa mid ay Dadku ku qabawsadeen.

Khasaaraha iyo waxyeelooyinkii ka dhashay Roobkii maalinimadii shalay ilaa xalay ka Da'ayay magaalada Diri-dhaba dib ayaanu ka soo sheegi doonaa iin Shaa allaah.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>