logo
 
MAYDADKA ILAA 4 WIIL OO DHALINYARA AH OO LAGA HELAY TOGGA M/JIGJIGA.
War goor dhawayd soo gaadhay Shabakadda Soomaaligalbeed ayaa xaqiijinaya in saaka la helay Meydadka ilaa 4 Wiil oo Dhalinyaro ah, oo Maaalmahanba la,laa Wiilashan ayaa meydkooda laga helay togga dhinac mara Magaalada Jigjiga, waxaana loo malaynayaa inay daadadku qaadeen Maalmihii ay Roobabka Xoogani halkaa ka Da,yeen

Warkan oo Shabakadda Soomaaligalbeed uu u xaqiijiyay mid kamid ah Ehelada 4 tan wiil oo magaciisa kusoo gaabiyay Ahmedyare ayaa sheegay in Wiilashan 2 habeen ka hor ay ugu dambaysay Xaafadahoodii isla markaana loo malaynayay in magaalada ay ka Maqanyihiin balse hadda un Meydkoodii laga helay Togga weyn ee dhinac mara magaalada Jigjiga.

Roobabkii maalmihii dhawayd ka Da'ayay mgaalada ayaa waxay keeneen fatahaado iyo daadad badan, taas oo dad badani ay waxyeello xooggan ka soo gaadhay, 4tan Wiilna waxay qeyb ka noqonayaan dadyowga sidan oo kale ay biyuhu ula tageen meelo badan oo kamid ah Degaanka haba ugu horeyso magaalada Jigjiga.

Maamul ku sheegga Fadhigiisu yahay Magaalada Jigjiga iyo Xafiisyada u qaabilsan Arrimaha noocan oo kale ah sida Xafiiska ka hortagga Masiibooyinka ayaan isagu waxba dhankiisa ka socodsiinin, mana jirto ilaa iyo hadda wax loo qabtay dadyowgan ku waxyeeloobay fatahaadaha Roobabka Xoogan ee halkaasi ka da,ayo.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>