|
MAXAABIISTA KU JIRTO XABSIGA WAYN EE MAGAALADA JIGJIGA OO XAALADOODA LAGA DAYRINAYO. |
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maalmahan dambe ay xadgudubyo aan caadi ahayn ka jireen Xabsiga weyn ee magaalada Jigjiga, warkan oo aanu ka helany mid kamid ah dadka ku jiray Xabsigaas oo dhawaan la soo daayay ayaa sheegay in Maxaabiista ku jirta Xabsigaas ay xaaladoodu haatan xun tahay oo aan haba yaraatee ninka looga sheekeeyaayi uusan u dulqaadan karin Xaaladda Maxaabiistu ku jirto. Sidoo kale Maxaabiistan ayaa la sheegayaa in maalmihii dhawayd ee Roobabka waaweyni ka da'ayeen magaalada qaarkood ciqaab ahaan banaanka loogu soo bixiyay oo iyagoo feedho qaawan Roobkii dhanaa dushooda ku da'ayay, oo markii dambe jidh dil lagu sameeyay iyagoo jidhkoodii Roobku dilay. Haddba Arrintan ayaa qeyb ka ah Xad gudubyada lagu sameeyo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada magaalada Jigjiga oo waayadan dambe aad looga calaacalayay, iyadoo in badan Maamul ku sheegga ka jira halkaas uu dunida been ugu sheego in Maxaabiista uu u roon yahay, waxaa wararkaas burinaya oo caddaymo sheegay Maxaabiista qaarkood oo Nasiibkood ka soo daayay Xabsiga Magaalada Jigjiga ee Ciqaabta Darani kajirto. |
|
|