|
CIIDAMADA GUMAYSIGA OO WIIL DHALINYARA AH KU DILAY TUULADA BAAR-GUUN EE DULEEDKA M/GODEY |
Wararka naga soogaadhayo Tuulada Baar-guun ee Duleedka Magaalada Godey ayaa ku waramaya in halkaasi ay Ciidamada Gumaysiga ku Dileen Wiil Dhalinyara ah oo Dadka Deeganka kamid ahaa Wiilkan oo lagu Magcaabijiray Maxamed wali Carab Gurey ayay Ciidamada Gumaysiga Toogteen Xili Habeen ah, Marxuumkan Geeriyooday ayaa Xili habeen ah kayimid meel Beer ah isaga oo Goordambe Gudaha Toolada usoogalay waxaa Islamarkiiba Gacanta ku dhigay Ciidamada Gumaysiga oo Tuulada kusgnaa iyaga oo ku ee Deeyay in Ninka Xiligani Tuulada gudaha usoo galayo uu Jabhadaha katirsanyahay.
Maxamed wali oo ahaa 21 Jir Caan ka ahaa Tuulada Baar-guun inbadana halkaasi kunoolaa ayay Dilkiisa Dadka Shacabka ah argagax ku abuurtay iyada oo lagu Aasay Qabuuraha Baar-guun ee halkaasi kuyaala, Mana jirto Cid looga Dacwoonayo Falkan ay Ciidamada Gumaysiga dadka Shacabka ah kula dhaqaaqayaan oo ah Fal ay Caadeysteen.
Aabaha dhalay Marxuumkan Geeriyooday oo kamid ah Odayaasha Tuulada Baar-guun ayaa Xaaladiisa Caafimaad laga Dayrinayaa kadib markii uu indhaha saaray Wiilkasa oo si Arxandara ah Xabad Loola dhacay Loona Saariyay Dambi uusan ku Luglahayn arintan ayaa ah Dhaqamada Cadawtinimo ee Ciidamada Gumaysiga laguyaqaano.
Siwalbooy ahaataba waxaa ku soo laablaabtay Dhulka S/galbeed ee lagumaysto Falalka Arxan darada ah ee Dadka Shacabka ah lagula kacayo kuwas oo ay ka caado yeesheen Ciidamada Gumaysiga ee uu Hogaamiyo kaligii Taliyaha waqtigiisa sii dhacayo. |
|
|