|
ROOBAB XOOGAN OO 48 SAAC EE LASOO DHAAFAY KA DA,AY GOBALO BADAN OO KATIRSAN DHULKA S/GALBEED EE LAGUMAYSTO. |
Wararka naga soo gaadhayo intabadan Dhulka S/galbeed ee Lagumaysto ayaa sheegaya in ay Roobab Xoogan ka De,een iyada oo Dadka iyo Duunayadaba ay ku Qabowsadeen, Xili ay Halkaasi Abaaro Kululi kataagnaayeen, Meelaha laga soo sheegaya Roobabka Xoogan ayaa Waxaa kamid ah Magaalada Jigjiga, Godey Qabri-Dahare iyo Degmooyin kale oo Gobalada kale katirsan.
Roobkii Xooganaa ee ka Da,ay Magaalada Jigjiga 24kii saac ee lasoo dhaafay ayaa ilaa iyo hada Saamayntiisii laga Dareemayaa Gudaha Magaaladaas iyada oo Xaafadaha Qaarna Dadka Biyo ugu Galeen, sidoo kale Waxaa iyana Magaalada Godey ilaa shalay Ku Da,ayay Roob Xoogan iyada oo Magaalada ay Jidadka Biyaha Dhexjiifaan, waxaa sidoo kale Roob kan lamid ah laga soo sheegayaa Magaalada qabri-dahare Shilaabo Haarcad Shay-koosh iyo Dhamaan qaybaha uu ka Koobanyahay Gobalka Qoraxay.
Nimcadan Eebe Dadka ku manaystay ayaa ah Mid ay Dadka ku Diirsadeen kuna Farxeen iyaga oo kusoo Jiray Abaaro Kulul oo Xoolaha iyo Dadkuba Saameeyay, Xili Roobaadkan ayaa ah Mid soo Deg degay kana soo hor maray Xiligii lafilayay.
Baabuur badan oo u kala Gooshi jirtay Gobalada Dhulka S/galbeed ee Lagumaysto ayaa lasheegayaa in ay Go,doonsanyihiin iyada oo isu Socodka Dhanka Baabuurta uu istaagay Meelaha Qaarna Maciishada Sarakac ku yimid aan badnayn Maadaama ay istaagtay Baabuurta Alaabaha Halkaaasi soo galin jirtay.
|
|
|