|
KOOXAHA GUMAYSISA UU KU ADEEGTO OO KU DAGAALMAY GUDAHA M/QABRI-DAHARE. |
Wararka naga soo gaadhayo Magaalaad Qabri-dahare ee Xarunta Gobalka Qoraxey ayaa ku waramaya in halkaasi isku Dhac Xoogan kataagan yahay Kadib markii ay Is-risaaseeyeen Ciidamada Gumaysiga Samaystay ee Liyuu-booliska iyo Ninka Sheegta in uu yahay Godoomiyaha Gobalka Qoraxey Bashiir Axmed cawar, arinta ayaa sababtay in ay Labada Dhinac Dhexmarto Is-risaasayn Muda sacotay inkastoo ilaa iyo hada aana lasheegin Cid ku Geeriyootay.
Ninka wata Ciidamada Liyuu-booliska ee ay Ciidamada Gumaysiga ku Adeegtaan ayaa Soo weeraray Hoyga uu Magaalada Qabri-Dahare ka Deganyahay in Axmed Cawar iyaga oo sheegay in ay Xabsiga Dhigayaan Daba Qoodhi lasocday ina Axmed Cawar ayaa Bilaabay in ay iska Caabiyaan iyad oo Dadka magaalada ku dhaqana Cabsi Xoogan ku Beertay is-risaasaynta Kooxahan Daba Dhilifka ah ay is weedaarsanayaan.
Wararkii ugu Dambeeyay ee halkaasi naga soo gaadhayo ayaa sheegaya in ilaa iyo hada aana wax Xal ah laga Gaarin arintaa iyada oo labada Dhinacna Diyaar Garoow Xoogan ay ugu jiraan kuba sidii uu kan kale Meesha uga Saari lahaa Mana Jirto ilaa iyo hada Cid ka hadashay Khilaafkan Gacan kahadalka ah ee soo kala Dhexgalay kooxahan Gumaysiga u Adeega.
Siwalbooy ahaataba waxaa maalinba maalinta ka Dambeeysa soomuuqanaya Khilaafyada Xoogan ee u dhexeeya Kooxaha Gumaysiga u adeega iyaga oo intabadan isku Jaajuusi Jiray Ciidamada Gumaysiga qaar iyaga kamid ahna Xabsiyada Ladhigi jiray ayaad Moodaa in ay hada isbadashay Is-risaasayn iyo in ay iyaga Dhexdooda isweeraraan. |
|
|