logo
 
NADIIR SAYID NUUR OO U SUXUL DUUBAYO SIDII MARLABAAD LOOSOO CELIN LAHAA IYO SHACABKA OO ARINTAA WALAAC KAMUUJIYAY
Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Nadiir uu maalmahan si hoose ula kulmayay Cabdi Iley isagoo waydiisanaya in Boos Shaqo lagu magacaabo maamul ku sheegga dhexdiisa, Nadiir ayaa la sheegayaa in uu xodxodanayo Cabdi Iley si uu ugu yaraan ugu magacaabo meel un Xafiiska Golaha sare ee Arrimaha Islaamka Katirsan.

Kulankan ayaa wali usocda si hoos ahaaneed oo aan wali la shaacin, waxaana la sheegayaa in wali uusan Nadiir ku guulaysan inay usuurtowdo Booskaas shaqo ee uu waydiisanayo Cabdi Iley inuu u magacaabo meel un, waxaana laga yaabaa inaysan usuurtoobin maadaama aad iyo aad loo nacay Nadiir, dad badana ay barteen intii uu horey u hayn jiray hoggaanka sare ee Golaha Arrimaha Islaamka ee Jigjiga.

Nadiir ayaa hadda ka hor soo hayn jiray Xilka Guddoomiyaha Golahan Arrimaha Islaamka ee Jigjiga balse laga qaaday waagii dambe, isagoo lagu soo eedeeyay inuu si dad ban ula dagaalsanaa Shareecadda Islaamka ee uu sheeganayay inuu hoggaan uga yahay Degaanka, wixii intaa ka dambeeyay Xabsiga Jigjiga ayaa la dhigay Nadiir oo muddo ku jiray ilaa markii dambe damiin ahaan lagu soo daayay, dad badan oo Arrimaha Nadiir sifiican u yaqaana ayaa kulankan isaga iyo Cabdi Iley ku tilmaamay mid xitaa Nadiir haddii meel loo magacaabo uusan sii wadaynin maadaama uula soo bixi doono dabeecadihiisi diin la dirirka ahaa iyada oo Shacabkuna aad u neceb yihiin.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>