|
DARA-WALADA KAXEEYA GAWAADHIDA KA DHEX SHAQAYSO M/DIRI-DHABA OO AWAAMIR CUSUB LAGU SOOROGAY |
Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Diri-dhaba ayaa ku waramaya in Xafiiska Gaadiidka ee Maamulka magaalada Diri-dhaba aya sharciyo cusub kusoo rogeen Gawaadhida ka dhex shaqaysa magaalada Diri-dhaba, Sharcigan cusub ayaa Darawlada Gawaadhida lagu amray inay ku dhaqmaan dhawr arrimood xilliyada ay wadaan gawadhida, Arrimahan ayaa waxaa ka mid ah, marka hore in Darawalka uu xidho markuu gaadhiga wado ama uu kaxaynayo Suunka Kursiga, Sidoo kale in inta uu Gaadhiga wado haddii uu Telefan u soo dhaco uusan qaban karin ama uusan ka jawaabi karin, Sidoo kale Gaadhigiisa inta uu wado qofkii banaanka kala hadlaa uusan lahadli karin ilaa intuu gaadhiga meel joojisto kaddib qofkii uu la hadlo. Haddaba Awaamirtan cusub ayaa waxaa qasab lagaga dhigay dhammaan Darawalada ka dhex shaqaysa magaalada Diri-dhaba haba ugu badnaadaan kuwa Tagaasida iyo Basaska kale ee magaalada ka dhex shaqeeya, ee Dad waynaha Daabula waxaana lagu soo rogay ganaax Darawalkii aan sharciyadaas cusub ku dhaqmin. Si kastaba ha ahaatee Sharciyadan cusub ee Xafiiska Gaadiidka Maamulka Diri-dhaba uu ku soo rogay Darawaladan ayaa ku soo aadaya xilli Adeegga Gaadiidka ee magaaladani uu waayadan dambe iska liitay oo Sharciyo la taaban karo aysan ka jirin magaaladan, iyadoo sharcigan hadda ka hor laga hirgaliyay Magaalada Addis Ababa, waa markii ugu horeysay ee Sharci noocan oo kale ah laga hirgaliyo Degaamada Soomaalida siiba Magaaladan Diri-dhaba, waxaana soo dhaweeyay Sharcigan dhammaan Darawalada iyo dadka kale ee hantiilayaasha Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladan Diri dhaba. |
|
|