logo
 
SHIRWEYNE BALAADHAN OO KADHACAY WADANKA SOUTH AFRICA
Jaaliyadda beesha absame ee kunool wadanka South Africa ayaa shirweyn oo ay isugu yimaadeen waxay ku dhisteen maamul cusub oo badala maamulkii hore ee ay lahaayeen jaaliyadaasi

Shirka waxaa lagu furay wacdi uu soo jeediyey Sh.Axmed weli wuxuuna ku dheeraaday ilaalinta midnimada. sidoo kale waxaa isna goobta katiriyey gabay qiira leh oo uu ugu magacdaray midnimo Abwaan Kaad .

waxaa kaloo halkaas ka hadlay Odayaasha beelaha Absame iyo Adeerkoo oo ka kooban inta ay beeluhu kakooban yihiin. waxayna salaadiinta iyo cuqaasha reerku ku dheeraadeen inaan marnaba gorgortan laga galin ilaalinta midnimada beesha. odayadii meesha ka hadlay waxay kala ahaayeen

Ugaas C/raxim Mux'ed Cabdi (Gacanlow)
Suldaan Maxa'ed Cumar nasiib
Deeq Ibraahim Qalinle
Mataan Yuusuf
Abwaan C/kaad
Sharif Maxamud Mahdi Cali
SH.Shaakir
Suldaan Farxaan M.Xasan
Cumar wanakiir C/Laahi
Xasan Xaaji Muxu'ed
Bashiir Bocoole

shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo abaabul ayey dadku waxay fursad u uheleen inay cadkooda bogtaan si is afgarad ahna ay ku doortaan maamul cusub waxayna doorteen maamulkan hoos ku qoran.

C/qaadir Axmed C/Llaahi (tolman) Gudoomiyaha Beesha
C/raxiim Muxu'ed Cabdi (gacanlow) G/xigeen
C/fataax Sadiq Sayid Xoghayn
waxaa kaloo intii uu shirku socday lamagacaabay iyo gudi ka kooban xubnahan hoos ku qoran.

Suldaan C/Llaahi Kaad
Sharif Maxa'ud Mahdi
Sh.Shaakir
Bashiir Bocoole

Gudoomiyaha ayaa khudbad qiima badan halkaasi ka jeediyey wuxuuna aad ugu mahad celiyey gudidii isaga ka horeysay iyo wixii fiicnaa ee ay qabteen wuxuuna ka codsaday inay caawiyaan maamulkiisa cusub si loo hormariyo loona xoojiyo jiritaanka maqaamka ay jaaliyadu kaga jirto jaaliyaadka kale iyo sidii ay hormar lataaban karo ugu dhaqaaqi lahayd.
wuxuu gudoomiyuhu gababadii shirka udardaarmay dhamaan umada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan beeshiisa inay ku dhaganaadaan shicaarka shirka oo ahaa MUSLIMNIMO-MIDNIMO-GUUL.

waxaa kaloo shirka ka hadlay halgamaaga weyn ee caanka ah Suldaan Cabdi Cumar Fayax wuxuuna ku nuux nuuxsaday inayna hurdo banaaneyn inta aynu laajiga nahay lana iibinayo hooyooyinka iyo wiilasha s/galbeed wuxuuna ku baaqay in midnimo lagu dadaalo.
Shirkaas ayaa gabi ahaanba ahaa shirsiwanaagsan loo soo agaasimay oo sidoorasho iyo rabitaan ah ay xubnaha lasoo xulay ku yimaadeen maamulka.


  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>