|
GUDDI LOOMAGACAABAY DOORASHO KUSHEEGTA KA DHACAYSO DHULKA S/GALBEED EE LAGUMAYSTO IYO RAGBADAN OO ISKA DHEXWAAYAY |
Waxaa lasoo saaray Liiska Gudi lagu Sheegay in ay Hogaamin Doonaan Doora ku sheegta ka Dhici doonta Dhulka S/galbeed ee lagumaysto Liiskan oo ka kooban ilaa 5 Xubnood ayaa usooro Gashay Shabakada S/galbeed in ay hesho Magacyadooda waxaa ayna u qornaayeen sida tan 1-Bashiir C/laahi Caydiruus 2-Maxamuud Dirir 3-Axmed Shide 4- Sarhaye Xidig 5- C/fitaax Sh.C/laahi.
Ragan oo laga soo Magacaabay Magaalada Adhis-ababa ee Xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa Dhamaantoodba ah Xilidhibaano sheegta in ay Kamid yihiin Fadaraalka Itoobiya marka laga reebo Ninka Lagu Magacaabo c/fitaax Sh.C/laahi oo isaga Sheegta in uuyahay Gudoomiyaha Xisbiga taladaha haye ee Dhulka S/galbeed.
Dhanka kale waxaa ay arintani Niyad Jab wayn ku noqotay Daa,uud Axmaar iyo Cabdi Iley oo Filayay in ay Liiskani Xubno ka noqdaan iyaga oo ku Hungoobay, waxaa Jirtay Codsiyo badan oo ay Qorteen Labadan Nin oo ay ku Codsanayeen in Gudigaa lagu soo daro balse Liiska ayaa Cadeeyay waxa ay Arintaasi kala kulmeen.
Shantan Nin ee Loomagacaabay Gudiga Doorashooyin kusheega ayaa ah Rag ku Dhaw Dhaw kaligii Taliya Zanawi taas oo keentay in uu arintani usoo Magacaabo, Gudi kusheegan ayaa soo Xuli Doono Dhamaan Xildhibaanada isu sootaagi Doono Doorasha kusheegtan, Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudigani ka Mamnuuci Doonaan Doorasha kusheegta Daa,uud Axmaar iyo Cabdi Iley in ay Doorashadani isu sootaagaan in kasto oo aan warkaa laxaqiijin.
|
|
|