logo
 
ODAYAASHA IYO WAXGARADKA GOBALKA HIIRAAN OO EDEYMO USOO JEEDIYAY CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA
Odayaal dhaqamedyo iyo Waxgarad kale oo kasoo jeedo Gobalka Hiiraan ee Badhtamaha Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa,id kuqabtay Magaalada Muqdisho ayaa edaymo usoo jeediyay Ciidamada Gumasyiga Itoobiya iyaga oo ku eedeedyay in ay Dab ka Hurinayaan Gobalkaasi.

Afhayenka Odayaashaasi Dr:Maxamed Cabdulle maxamed oo markuu kulankaasi dhamaaday Saxaafada lahadlayay ayaa Canbaarayn Dusha kaga tuuray Ciidamada Gumaysiga, isaga oo intaa ku Daray in wax walba oo Gobalkaasi kadhacana ay Ciidamada Gumaysiga ay ka Dambeeyaan.

Gobalka Hiiraan ayaa waxaa Todobaadyadii lasoo dhaafay kataagnaa Dagaalo Xoogan kuwaas oo u Dhexeeyo kooxaha Islaamiyiinta iyo Kooxda Sheegata Ahlusunah-waljameeca oo taageero Buuxdo ka helayso Ciidamada Gumaysiga Taas oo Qas iyo Jaha wareer Gobalkaasi ka Abuurtay.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>