|
CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO SOOGAADHAY DEGMADA CEEL-BARDE IYAGA OO ISGAADHSIINTIINA HAWADA KASAARAY |
War goordhawayd naga soogaadhay Degmada Ceel-barde ee Gobalka Bakool ayaa Sheegaya in halkaasi ay soogaadheen Qaar katirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyaga oo is-gaadhsiintiina Hawada kasaaray,Ciidamadan ayaa Goobta yimid kadib markii Maalmihii lasoo Dhaafay Degmadaasi kataagnaayeen khilaaf Xoogan oo u Dhexeeyo Dadka Deegaanka iyo Maleeshiyaad Daba-qoodhiga ah oo ay soodirsatay.
Ciidamadan ayaa waxaa Goobta uga soo horeeyay Bashiir Xaaji oo sheegta in uu yahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Fadhigiisuyahay Magaalada Jigjiga Waxaana Amar lagusoosiiyay in uu Ciidamada Gumaysiga usoo Gacangaliyo Shugri Xaaji oo ah Nin ay Walaalo yihiin Ninkaas oo ay Ciidamada Gumaysigu ku eedeyeen in uu Siyaasadahooda ka soo Horjeedo.
Shugri Xaaji oo ah Ninka Amarka lagu Bixiyay in Ciidamada Gumaysiga loogacan galiyo ayaa Magaalada isaga baxay isaga iyo Taageerayaashiisa, intaa kadib ayaa Ciidamadii Gumaysiga loogacan galiyay Xaaskii Shugri Xaaji iyo Caruurtiisii kuwaas oo hada Gacanta ugu Jiro Ciidamada Gumaysiga.
Degamada Ceel-barde ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafay kataagnaayeen Khilaafyo Xoogan iyada oo Marba marka ka Dambeyso Xaaladeeda Cirka isku siishareeraysay, balse arinta layaabka leh ayaa waxaa ay tahay Degmo katirsan Dhulka Soomaaliye ee Xorta ah in ay Ciidamada Gumaysiga soogalaan Dad Shacab ahna ka Xidh xidhaan. |
|
|