logo
 
INA ILEY OO DABA-QOODHI SHIR UGU QABTAY M/JIGJIGA XILI KUWII HORE AY KALA FIRXADEEN
Waxaa Maanta Magaalada Jigjiga Daba-qoodhi Shir ugu Qabtay Cabdi Iley isaga oo u sheegay in ay Dagaal kala hortagaan Jabhada Halkaas ka Dagaalama Xili kuwii hore ee uu aruuriyay ay kala Firxadeen kuwaas oo isaga baxay kadib markii ay Fahmeen waxa loosamayay in ay tahay in ay shacabkooda Xasuuqaan.

Shirakan oo Maanta kadhacay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxmed Cabdile Xassan ee Magaalada Jigjiga ayaa lasoo Sheegayaa Dhalinyaradii kasoo Qayb gashay in ay Dhanaayeen ilaa 20 Tameeyo Qof kuwaas oo ubadnaa Caruur Masakaxda laga Xaday.

Maamul kusheega Fadhigiisu yahay Magaalada Jigjiga ayaa ku Guul Daraystay Howlaha Caynkan oo kala ah iyaga oo Dhalinyaro Badan oo ay Meelaha ka Qorteen ay isaga Carareen kadib Markii ay u adkaysan waayeem Amarada lasiinayo oo ah in ay Shacabkooda Xasuuqaan.

Cabdi Iley oo ah Calooshiis u Shaqayste ayaa Ciidamada Gumaysiga ka Dhaadhiciyo in uu Ciidamo u Qorayo hada ayaad moodaa in ay ka Dhamaatay Figradihii Noocaas ahaa ee uu Ciidamada Gumaysiga isaga gadi Jiray marhaduu Waayay Dhalinyaro uu Qorto Taa oo Horseedi karto ama soo dad jin karto in la,eryo Maadaama uu kasoo bixi waayay Balamihii uu Gumaysiga lagalay.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>