logo
 
QIIMAHA MACEESHADA MAGAALADDA JIGJIGA OO KOR UKACAY.
Waxaa Maalmahan dambe si xawli ah kor ugu sii kacayay Maciishadii Magaalada Jigjiga, iyadoo waxyaabihii quutul daruuriga ahaa qiimayaashoodii hawada isku shareereen sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Soomaaligalbeed ee Magaalada Jigjiga.

Haddaba Sicir bararka ku yimid Maciishadii Magaalada Jigjiga ayaa waxaa loo aanaynayaa amase sabab looga dhigayaa iyagoo Sarifka lacagaha qalaad uu kor u kacay isla markaana lacagtii Itoobiya oo qiimaheedu hoos udhacay, toddobaadkan bilowgiisii ayaa waxaa Sarifka Dollarka Maraykanka waxaa Bangiyada lagaga sarifayay Boqolkii Dollar 1330 Birr iyadoo Suuqa madawna uu ka marayay 1400 Birr, sidoo kale Alaabihii kale ee Magaalada soo gali jiray ayaa iyaguna hakad ku yimid iyadoo xuduudaha iyo goobihii ay Alaabtu kasoo gali jirtay la geeyay Ciidamo badan oo kuwa Guumaysiga ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee Sicir bararka ku yimid Suuqyada Magaalada Jigjiga ayaa waxay saamayn ku yeelatay Shacabka Magaalada Jigjiga iyadoo shacabkii lacagtii yarayd ee ay haysteen aysan waxba u goynayn lagana yaabo in bishii hore intii laba kiish oo Bariis ah goyn jirtay in maanta ay goyso un hal kiish haddaysan kaba badnaanin.

Waxyaabaha Qiimahoodu kor u kacay ayaa waxaa kamid ah Sonkorta oo Qiimaheedu Maanta Suuqyada Magaalada Jigjiga ka marayo 1000 Birr halkii uu bishii hore ka ahaa halkii Kiish ee Sonkortu 500 iyo ka yar, Daqiiqda, Baastada iyo Bariiska ayaa iyaguna qiimahoodu ku darsamay 300 ilaa 500 Birr qiimihii ay markii hore ahaayeen.

Isu soo duuboo Qiimaha kor u kacay ee ku yimid Maciishadii Magaalada Jigjiga ayaa ku soo beegmaya xilli Magaaladu ay cunaqabatayn kasaaran tahay dhanka Alaabaha iyo Badeecooyinka la soo galiyo oo badanaa Guumaysigu intay dhexda u galaan sidaa ku dhaca qofkii lahaana dila, iyadoo wixii yaraa ee soo gala Magaalada Qiimihii la yidhaaba ay Dadku ku gadanayaan.

Waxaana la sheegayaa in Allaabooyinka kacaya iyo Sicir Bararka ka jira Magaalada ay sabab u yihiiin Guumaysiga oo raba in Dhulkan uu noqdo mid waligii ku jira xaaladdan cakiran Maciishaduna ay kor u sii kacdo, waxaanad taas ku garanaysaa ilaa iyo hadda ma jirto Wax ay ka qabatay Maamul ku sheegga iyo Guumaysiga dhanka Maciishada iyo Sicir bararka midna.


  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>