|
GAADHI KU ROGMADAY INTA U DHAXAYSO HARAR & JIG-JIGA |
War hadda soo gaadhay Warsidaha Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in Gaadhi Noociisu yahay mini bas ah uu ku gadoomay jidka u dhaxeeya Harar iyo Jigjiga ee Dhulka S/galbeed ee La gumaysto.
Baskan ayaa la sheegayaa inuu siday 12 qof waxaana dhamaantood soo gaadhay dhaawac sahlan marka laga reebo darawalka oo uu dhaawac culusi ka soo gaadhay dhanka madaxa. Gaadhigan ayaa sida wararku sheegayaan ku gadoomay jidka laamiga ah ee u dhaxeeya Harar iyo Jigjiga, kaddib markii uu ka dhacay meel laalaabato ah oo u dhaw magaalada Harar, waxaana la sheegayaa in dhaawicii dadkaas la geeyay dhanka magaalada Harar oo hadda halkaas lagu dawaynayo. Ma ahan markii u horeysay ee Shil noocan oo kale ah ka dhaco wadada u dhaxaysa Harar iyo Jigjiga, waxaa bilihii aynu soo dhaafnay sida oo kale Shilal uga dhaceen isla jidkan u dhaxeeya Harar iyo Jigjiga, waxayna tani noqotay mid badanaa ku soo laalaabata wadadaas oo muddaba ahayd mid Jay ah oo wali aan laami laga dhigin.
Dhulka S.galbeed ee la Gumaysto ayaan lahayn Wadooyin Laami ah taas oo intabadan Sababta in ay Baabuur badani Gadoomaan, Mana jirto Cid isku Xil saartay hagaajinta ama Dayac tirka Wadooyinka. |
|
|