|
DAD KUSUMOOBAY HILIB AY CUNEEN OO XAALADOODA CAAFIMAAD LAGA DAYRINAYO DEGMADA QALLAAFE |
Wararka naga soo gaadhayo Degmada Qallaafe ee Gobalka Godey ayaa ku waramaya in halkaasi Dadbadan ku Xanuunsan yihiin kadib markii ay Cuneen Helib Sumaysan kaas oo ahaa Neef Geel ah oo aay Dawaco Sumaysan Qaniintay, Isaga oo Lagoowracay Hilibkiisana Magaalada Lagu iibiyay iyada oo Qof walba oo Cunay Hilibkaasi uu ku sumoow.
Inta la ogsoonyahay Waxaa ilaa iyo hada Hilibkaas Sumaysan ku Geeriyooday Hal Nin kaas oo lagu Magacaabi Jiray Macalin Cabdiraxmaan, Waxaa aad looga dayrinayaa Xaalada Dadka Sumaysan kuwaas oo Tiradooda lagu sheegay ilaa Tobaneyo Qof, Waxaa Dadka aadka Xaaladooda looga Siidayrinayo kamid ah Xassan Macalin Cabdiraxmaan oo ah wiil uu Dhalay Ninkan Geeriyooday.
Dadkan Sumaysan Qaarkamid ah ayaa lasoo Sheegayaa in loo qaaday Dhanka Magaalada Godey bal si Xaaladooda Caafimaad wax looga Qabto iyaga oo lageeyay Cisbitaalka Wayn ee Magaalada Godey halkaas oo lagu Dhabiibayo.
Dadkii ka Dambeeyay Iibinta Hilibkan Sumaysan ayaa ilaa iyo hada aan Gacanta lagu dhigin hasa ahaa tee Waxaa ay yihiin iyo Magacyadoodaba waa layaqaanaa, Dhibaatadan ka Dhacday Degmada Qallaafe ee Gobalka Godey ayaa ah mid ku Cusub iyada oo Dadka halkaa ku dhaqana ay Hadal hayaan Arintan Kadiska ah ee Degmadaasi ka dhacday.
Wixii ka soo siyaado arintan iyo Dadka Sumaysanba Xaaladooda kala soco Shabakada Soomaaligalbeed.com |
|
|