logo
 
ZANAWI OO SHALAY KA FAA,IIDAYSTAY CADHADII UU U QABAY QADAAFI MARKII CUNA QABATAYNTA LASAARAYAY WADANKA ERITREA
Waxaa si wayn oga Faa,iidaysatay Shirkii Maal mahan ka socday Magaalada Adhis-ababa ee Xarunta Gumaysiga Itoobiya Malas Zanawi oo Wadankiisa lagu Qabanayay, isaga oo Fursad u helay Madax waynaha Liibiya Mucamar Qadaafi oo Siyaasad ahaan uu uga soo Horjeeday kadib Markii uu ka soo Horjeedsaday in Cuna Qabatayn lasaaro Wadanka Eretareya oo loolan Xoogani kala dhexeeyo Itoobiya.

Zanawi ayaa Bilihi u Dambeyayba ka shaqaynayay Sidii Mucamar Qadaafi Mardambe kursigan ugu soolaaban lahayn isaga oo kaga Faa,iidaystay Shirka oo Wadankiisa lagu qabanayay.

Midawga Afrika ayaa Hogaamiye u Doortee Madax waynaha Wadanka Malawim Ninka lagu Magacaabo Bingu Wa Mutharika kaas oo muda sanad ah hayn Doono isaga oo isla Shalayba kala Wareegay Mucamar qadaafi oo Sanadkii lasoo Dhaafay Xilkaasi hayay isaga oo aad ugu Raja waynaa in Sanad kale Dib loosii Doorto.

Arintan soo Shaac baxday ee Qadaafi iyo Zanawi ayaa laga yaabaa in ay Saamayn wayn yeelan Doonto maadaama uu Qaadifiyahay Hogaamiye Miizaan Culus kuleh Qaarada Afrika iyo Dunida inteeda kalaba taas oo Caqabad Xoogan ku noqon Doonto Kaligii Taliyahan Siidhahacayo.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>