|
MAAMUUL KUSHEEGA OO EDAYMO LOOGU SOO JEEDIYAY SHIR LOOGU QABTAY M/JIGJIGA |
Waxaa Maal mihii lasoo dhaafay Shir uga soconayay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dhulka S/galbeed ee lagumaysto Maamul kusheega Fadhigiisu halkaa yahay ee Gumaysiga ka hoos Adeego iyo Qaar katirsan Madaxda Gumaysiga ee Federaalka, Shirkan oo ahaa mid lagu Sheegay in lagu qiimayndoono Xafiisyada Qaar ayaana kasoo bixin wax lataaban karo.
Shirkan ayaa lasoo Sheegayaa in ay Canaan kala kulmeen Xulufadii uu Daa,uud Axmaar Hogaaminayay iyada oo Lagu eedayay in aysan Wax lataaban karo ilaa iyo hada Qabanin Gobalada Qaarna Amaan Xumi kusoo siyaaday.
Waxaa kaloo shirkan kasoo qayb galay Rag badan oo Gobalada Looga yeedhay iyaga oo lagu Eedayay in ay Lacago badani Dhunsadeen oo ay Diideen in ay Duurka ama Banaanka u Baxaan si ay Jabhadaha halkaasi ka Dagaalama ula Dagaalamaan.
isku soo wadaduuboo Waxaa Bilahan dabme siisiyaadaya Bookhashada ay Madaxda sarsare ee Gumaysiga ku imaanayaan Dhulka S/galbeed ee lagumaysto iyaga oo Cadaadis saarayo Calooshood u shaqaystayaasha u Adeega taas oo ah wax yaabaha intabadan Gumaystaha looga Bartay. |
|
|