|
CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO U SOO RUQAANSADAY G/HIIRAAN |
Sida uu ku soo Waramayo Wariyaha Shabakadda Soomaaligalbeed uga soo waramo Degmada Feer-feer ee Dhulka S/galbeed ee la gumaysto waxaa Habeenimadii Xalay Halkaasi soo gaadhay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kuwaas wato ilaa 6 Baabuur oo ah ku Ciidamad xanbaara iyaga oo saaka Aroortii usoo Ruqaansaday Dhanka Magaalada Balad-wayne ee Xarunka Gobalka Hiiraan.
Ciidamadan oo markii hore laga soo saaray Xerada Bidhgaydhka ee Magaalada Godey ayaa ah Ajandaha ay kusocdaan in ay sii Xoojiyaan Ciidamada kale ee Gumaysiga kajooga Deegaanka Kala-bayrka ee Duleedka Magaalada Balad-wayne.
Xoojintan ay Ciidamada Gumaysiga soo Xoojiyeen Ciidamadoodi hore ayaa ka Dambeysay Jab Xoogan oo soo gaadhay Maleeshiyaadka ay taageerayen ee Sheegta Ahlusunah-waljameeca, kuwaas oo Dharbaaxo Xoogan kala kulmay Magaalada Balad-wayne kadib Dagaal Xoogan oo ay kula Galeen kooxaha Xizbul-islaam iyo Al-shabaab.
Ciidamada Gumaysiga ayaa Walaac Xoogan ka qabo Kooxaha Islaamiyeenta ee Soomaaliya oo gacanta ku hayo intabadan Dhulka Soomaaliya kuwaas oo ay Xiitaa Gacanta ugu jiraan Gobalo badan oo kuyaalo Xuduud beenaadka udhexeeyo Dhulka soomaaliya iyo kan S/galbeed ee Lagumaysto. |
|
|