|
XIISAD KATAAGAN DEGMADA CEEL-BARDE EE GOBALKA BAKOOL. |
Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-barde ee Gobalka Bakool ayaa ku waramaya in halkaasi Xiisadi kataagantahay kadib Markii Khilaaf ka Dhexbilaawday Odayaasha Degmadaas iyo Kooxo Daba-Qoodhi ah oo 3 dii Maalmood ee u Dambaysay halkaasi kusugnaa, Arintan ayaa timid kadib Markii Kooxahan Calooshood u shaqaystayaasha ah ay sheegeen in ay Halkaasi Xuduuda Marto Kana Mid tahay Dhulka Itoobiya ay Gumaysato Fadhiisina kasamaysanayaan.
Daba Qoodhigan ayaa sidoo kale Sheegay in ay Halkan ka Hirgalinayaan waxa ay Qabalaha ugu yeeraan kaas oo ay ugu Magacdarayaan (Maroodile), arinta ayaa Cadha wayn ku abuurtay Odayaasha iyo Waxgatadka Degmadaas iyaga oo Sheegay in ay Degmadani tahay Degmo katirsan Dhulka Soomaaliya Wax Qabala ahna aana lagasamayn karin Itoobiyana aysan Wax Shaqa ah kulahayn.
Ciidamadan Daba-qoodhiga ah ayaa ah kuwo Fadhiisin ka samaystay Duleedka Degmadaas kuwaas oo gaadhayo ilaa 100 Askari, waxaa ayna Lacago Baad ah ka qaadayaan Gawaadhida Xamuulka sida ee halkaasi maraysa.
Imaanshiyaha Ciidamadan Daba-qoodhiga ayaa timid kadib Dagaal Xoogan oo lagu jabiyay Ciidamada sheegta Ahlusunah-waljameeca oo ay Xulafo yihiin taas oo sababtay wixii markaa ka dambeeyay in ay Maleeshiyaadkan usoo ruqaansadaan Degmada Ceel-barde ee Dhacda Xuduud Beenaadka u dhexeeya Dhulka S/galbeed ee lagumaysto iyo Dhulka soomaaliya. |
|
|