logo
 
IS-DIINWAANGALINTA DOORASHA KU SHEEGA GUMEYSIGA ITOOBIYA OO BILAABATAY
Sida lagu Daabacay Shabakadda Waltainfo, ee Gumeysiga Wararka u faafisa, Jimcadii shalay waxaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Gumeysiga Itoobiya la soo gaarsiiyay 500,000 (Shan Boqol oo kun) oo ka mid ah Warqadaha Codbixinta Doorashadda Itoobiya ee loo yaqaano NEBE, taas oo dhacaysa 23 May 2010.


Waxaa Addis Ababa illaa iyo hadda la Qorshaynayaa inay iska Diinwaangaliyaan 1.3 Milyan oo Cod-Bixiyayaal ah, waa sida uu Sheegay Sarkaal ka mid ah Gudiga Doorashada Gumeysiga Itoobiya.

Ninka Sheegta inuu yahay Madaxa Doorashada ee Magaalada Addis Ababa ee lagu Magacaabo Getahun Gebremedhin oo u waramay Wakaaladda Wararka Gumeysiga Itoobiya (ENA) ayaa Sheegay inay Is-Diinwaangalinta ay Bilaabatay 27 January ee 2010 isla markaana ay socoto.

Getahun wuxuu intaa ku daray inay Doorashadani ka qeyb galayaan ku dhawaad 13 Xisbi, isla markaana ay Madaxtinimada u tar-tamayaan 117 Musharax.

Axsaabta u Tar-tamaysa Doorashada waxaa ka mid ah Unity and Democracy (CUD), Forum, the Oromo National Congress (ONC), the Ethiopian Peace and Democratic Party (EPDP), the All Ethiopia Democratic Party (AEDP).

Ninka Sheegta Madaxa Doorashada ee Magaalada Addis Ababa Getahun wuxuu kaloo Xusay inay jiraan 14 Musharax oo ka Madaxbanaan Axsaabta Itoobiya isla markaana iska Diinwaangaliyay Gudiga Doorashada.

Doorashadan oo looga Bartay Musuq Maasuq iyo Cadaalad Daro ayaa ah mid ay Qorshaynayaan in ay Mar kale Xukunka ku sii Kordhistaan Kooxda Tigreega ee uu Hogaamiyo Dhiigyacab Zanaawi taas oo aan Wax Mihiimad ah u lahayn Dhulka S/galbeed ee GumaysigaXagal Daaciyay.

Arintan ayaa ku oo aadaysa Xili Ciidamada Gumaysiga ay khaati ka taagan yihiin Jabahadaha Xornima Doonka ah ee Dhulkaasi ka Dagaalama, waxaana la filayaa inay Iska hor’imaadyo xoogani ka dhacaan Guud ahaan Dhulalka ay Gumeysato itoobiya, sidii horeyba looga Bartay Marka ay sidan oo kale Doorashadu u Bilaabato.

Sidoo kale waxaa la saadaalinayaa inay Magaalooyinka ugu Waaweyn Gumeysiga Itoobiya ay ka dhacaan Rabshado iyo Iska hor’imaadyo ka dhan ah Kooxda Tigreega ee uu Hogaamiyo Dhiigyacab Zanaawi.



  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>