logo
 
BEELO WALAALO AH OO DAGAAL KUDHEXMARAY TUULADA CUMAR-DOON EE DULEEDKA DEGMADA QALLAAFE
Wararka ka imaanyo Degmada Qallaafe ee Gobalka Godey ayaa ku waramaya in Tuulada Cumar-Doon ee Duleedka Degmadaasi Dagaal ku Dhexmaray 2 Beelood oo Walaala ah, Dagaalkan oo Dhacay shalay Galinkii Dambe ayaa inta la ogsoon yahay Waxaa ku Geeriyooday ilaa 3 Qof oo isugu jiro Dhinacyadii Dagaalamayay Halka 4 kalana Dhaawacyo kala Duwan soo gaadheen.

Xaalada Tuulada Cumar-doon ayaa lasoo Sheegayaa in ay hada Degantahay Wax Dagaal ahna uusanka jirin, dhanka kale Dhinacyadii halkaasi ku Dagaalamay ayaa ah kuwa halkaasi isku hor Fadhiyo.

Degmooyinka Qallaafe iyo Mustaxiil ayaa lasoo sheegayaa in ay saaka ka kala anbabexeen Odayaal iyo Waxgarad kuwaas oo ku Dadaalayo sidii ay Dabkaasi u Damin lahaayeen oo ay u Heshiisiin lahaayeen Dadkan Walaalaha ah ee halkaasi ku Dagaalamyo iyaga oo aan Wali soo gaadhin Goobtii uu Dagaalka ka Dhacay.

Intabadan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu yaqaanaa Hurinta Colaadaha iyo iska Horkeenida Beelaha Walaalaha ah ee wada Dago Dhulka S/galbeed ee lagumaysto iyaga oo Marba beel Hubeeyo si ay tankale Dagaal ula gasho.

wixii faah faahin ah ee kasoo siyaado kala soco Shabakada Wararka ee soomaaligalbeed.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>