logo
 
CIIDAMO DABA-QOODHI AH OO SOO GAADHAY DEGMADA CEEL-BARDE EE GOBALKA BAKOOL
Wararka naga soo gaadhayo Degmada Ceel-barde ee Gobalka Bakool ayaa ku waramaya in Saaka Aroortii ay halkaasi soo gaadheen Qaar katirsan Maleeshiyaadka Daba-qoodhiga ee Ciidamada Gumaysiga u Adeega, iyaga oo watay ilaa Labo Baabuur oo ay Dad Shacab ah leeyihiin iyaga oo si Qasab ah uga Soo kaxaystay Magaalada Godey.

Maleeshiyaadkan Daba-qoodhiga ayaa lasoo sheegayaa in ay Fadhiisan ka samaysteen Duleedka Degmadaasi iyaga oo Halkaasi ka Samaystay Dheentooyin halkaasna Hoyi ka dhigtay mana Jirto ilaa iyo Hada Cid ay kala hadleen Sababta Dhabta ah ee ay Halkaasi u yimaadeen.

Daba-qoodhigan ayaa ah kuwo aad ooga Tirabadan kuwii halkaasi imaan jiray Mararka qaar, lamana oga ilaa iyo hada Sababta Xiligani keentay in halkaasi ay soogaadhaan Maleeshiyaadkan Daba-qoodhiga ah oo looga Bartay Tacadiyo kadhan ah Dad Shacabka ah.



  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>