logo
 
DHALINYARO BADAN OO MAGAALADDA ADDIS ABABA LAGU XIDHAY.

Wararka aan ka helayno Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo soomaali ah laga qabqabtay Xaafadaha ay Soomaalidu degto ee Magaalada Addis Ababa, Qabqabashada ayaa bilaabantay shalay waabarigii hore iyadoo la sheegayo in xitaa habeennimadii xalay ay socday qabqabashadu.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dadka la xidhxidhay ay u badan yihiin Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Addis Ababa ku noolayd kuwaasoo isugu jiray Arday iyo Dhalinyaro kale oo dhoof u joogay Magaalada Addis Ababa, Haddaba sida ay Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa qaarkood habeennimadii xalayba lagu xareeyay Xabsiyada ku yaala Magaalada Addis Ababa halka intii kale ee ka war heshay xadhiga wiilashan ay ka firxadeen guryahooda una carareen Xaafado kale oo ay ku nool yihiin Xabashi iyo Qowmiyado kale halkaasoo ay dhalinyartaasi ka raadsadeen meel ay ku ammaan helaan.

Xidhxidhitaanka ayaa socday ilaa Maanta galinkii dambe waxaana lagu qiyaasayaa Dadka ilaa haatan la xidhxidhay ku dhawaad 50 qof oo u badan dhalinyartii Xaafadaha, Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambaysay Xadhiga Dadkan waxaana la sheegayaa in dhalinyarta ama Dadkaas la xidhxidhay dhammaantood ahaayeen kuwo u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed ee laguumaysto.

Ma ahan markii u horeysay ee xadhig noocan oo kale ah loo gaysto Dhalinyarta Soomaaligalbeed ee ku nool Addis Ababa, haddaba Xadhigan u dambeeyay ayaa noqday mid fajac iyo argagax ku noqday Shacabkii deganaa Addis Ababa ee u dhashay Dhulka Soomaaligalbeed.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>