logo
 
DAD GAADHAYA SAGAASHAN AYAA LA SHEEGAYAA INAY KU DHINTEEN BURBURKII DIYAARAD LAGA LAHAA DALKA ITOOBIYA.
Waxaa Saaka Aroortii ku dul burburtay Badda Midhitereeniyaanka Diyaar ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Dalka Itoobiya taasoo la sheegay inay ku dhnteen dhmaanba Rakaabkii Saarnaa Diyaaradda oo lagu sheegay ilaa 90 qod oo ukal dhashay Dalal kala Duwan.

Diyaarad laga lahaa Itoobiya (Ethiopian Airline) oo nooceedu ahaa Jet ET 409 ay ku dhacday bada Midhitereeniyaanka waxyar uun kadib markii ay kasoo duushay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bayruut Caasimada Libnaan hawada oo xumayd awgeed.

Diyaaradan ayaa sida lasheegay ay saaraayeen 90 qof oo ay kamid ahaayeen 23 Itoobiyaan iyo inta kale oo isugu jiray Lubnaaniyiin, Turki, Faransis, Kanadiyaan, Raashiyaan, Suriyaan iyo Ciraaqiyiin oo ay ubadnyihiin Libnaaniyiintu.

Dadkan Itoobiyaanka aha ayaa waxaa kamid ahaa 8 qof ahaa shaqaalhii diyaarada. Waxaa sidookale lasheegayaa in ay kujirtay xaaskii safiirka Faransiiska ee Bayruut, Marla Pietton.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>