logo
 
XUS KU SHEEGA MAALINTA XOOLA DHAQATA OO MAANTA KA FUMAY JIGJIGA.
Waxaa maanta si weyn looga xusay Magaalada Jigjiga Maalinta Xoola dhaqatada ee Itoobiya, Xuska Maalintan ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka kubadda cagta ee Jigjiga halkaas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u tiro badan oo isugu jiray Ardayda iyo dadka kale ee Xoola dhaqatada Degaanka ah, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Xuska maalintan Dad iyaguna Xoola dhaqato ah oo ka kala socday dhammaan Degaamada Itoobiya.

Sidoo kale Xuska ku sheega Maalintan Xoola dhaqatada waxaa iyagana ka soo qeyb galay Madaxda guumaysiga Itoobiya ugu sareeya sida : M/weyne ku sheegga Itoobiya Girma Wadha Giyoorgis, Dhiigya cab Malas Zinaawi, Ku xigeeenkiisa Addisu Lagese, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka ee Guumaysiga Shiferaw, La taliyaha Meles Abay Sahaye, iyo Madax kale oo Guumaysiga Wakiilo uga ah Degaamada Itoobiya.

Haddaba Xus kusheega ayaa waxaa furay Daa'uud Amxaar, kaddib waxaa hadalo maala yacni ah ka soo jeediyay Meles iyo Madaxdii kale ee Guumaysiga, Goobta Xuskan lagu qabanayay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Degaamadii isugu yimid oo qaarkood cawaan ahaa sida Degaanka Gaambeellaa iyo Shucuubta Konfurta Itoobiya oo ah dad qaawan balse Guumaysiga meesha ka jira iyo Dawladda Itoobiya ka jirta oo ah Dawlad Kiristan ah ayaa waxay soo bandhigtay Dadkan si dadku ugu fidnoobaan isla markaana uga dhigtay hiddo iyo dhaqan caadi ah.

Deegaamada kale sida Oromada oo kale iyagu hidde iyo dhaqankoodu waxaa uu ahaa labis iska caadi ah oo asturan oo aan ceeb lahayn, sidoo kale waxaa la soo bandhigay cunooyin iyo Alaabo kale oo Dhulka Soomaaligalbeed u leeyahay hidde iyo dhaqan gaar u ah kuwaas oo soo jiitay indhaha Dadkii halkaas isugu yimid.

Dhanka kale intii uu Xuskan socday ayaa waxaa meheradihii iyo goobihii kale ee ganacsiga ahaa loo diiday dadkii inay furtaan oo ay iska shaqaystaan marka laga reebo Bangiyada oo iyagu si caadi ah isooga shaqaynayay, magaaladana waxaa laga dareemayay cabsi buuxda oo waxaa si aan caadi ahayn u buuxiyay Askarta Guumaysiga iyo kuwa Fadaraalka ah.

Dhiigyacab Meles Zinaawi ayaa isagu Maanta galinkii dambe dib ugu laabtay Addis Ababa iyadoo la sheegay in lagu aamini waayay in uu caawa baryo Jigjiga si walboo Ammaanka Magaalada dartii loogu adkeeyay, Madaxda Maamul ku sheegga Kililku waxay rabeen in uu Malas baryo caawa Jigjiga laakiin cabsi uu Males ka qabay Magaalada iyo iyadoo culays kaga yimid dhanka Addis ababa darteed ayuu ugu nagaan waayay Jigjiga.

Si kastaba ha ahaatee Xuska maalintan ayaa ku soo beegmaya xilli Shacabka Soomaaligalbeed ee laguumaysto uu ku sugan yahay xaalad adag oo aad looga naxo oo Gaajo iyo Darxumo ka dhashay dhaqanka gumaysiga iyo Abaaro jira, waxaana la sheegayaa in Xoolihii iyo Kharashkii ku baxay Xuska maalintan ay aad u badnayd xaqna u lahaayeen Shacabka Degaanka ee dulman balse Madaxda Maamul ku sheegga Kililka ay kharashkaas oo dhan ku raalli galinayaan kuwa Guumaysiga Shacabkiina uu dhinac ka eegayo.

Xuskan ayaa wali socda socon doonana ilaa maalinta bari ah iyadoo la isweydaarsanayo qolo walba hidde iyo dhaqankay leedahay waxaana ilaa iyo hadda ugu wanaagsan soona jiitay indhaha dadki kasoo qeyb galay Xuskan Hidde iyo Dhaqanka ay leeyihiin Shacabka Soomaaligalbeed ee laguumaysto.


  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>