|
WAXAA GALABTA GAROONKA DIYAARADAHA JIGJIGA KASOO DAGAY MADAX BADAN OO AH KUWA GUMAYSIGA. |
War goordhawayd soo gaadhay Shabakadda Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in hadda dhawr daqiiqo ka hor ay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ka soo dageen Wafdigii heer Fadaraal ee Guumaysiga madaxda u ahaa oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne ku sheega Itoobiya Girma waldha giyoorgis iyo Dhagar qabe Meles Zinaawi.
Wafdigan ayaa u imaaday si ay uga qeyb galaan Shirka maalinta bari ah Xoola dhaqatada Itoobiya, haddaba Wafdigan ayaa markay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga ka soo dageen waxaa soo dhaweeyay Daa'uud Axmaar oo Garoonka kaga hortagay.
Waxaana aad loo adkeeyay Garoonka iyo hareerihiisa oo buux dhaafiyeen Askar badan oo ka tirsan kuwa loo yaqaano Fadaral Booliska, Waxaana dhammaan la xidhay waddooyinka yaryar ee soo gala waddada weyn ee Magaalada Jigjiga halkaas oo Wafdi ku sheegu marayay. Wafdi ku sheegan waxaa ladajiyay Guri gaar ah oo ku dhex yaalla Xerada Kililka dhexdiisa oo si gaar ah loogu habeeyay iyaga, halka Wufuuda kale ee Degaamada Itoobiya ka socda iyagu ay dageen Guriga Martida ee Magaalada Jigjiga. |
|
|