logo
 
AMAANKA MAGAALADDA JIJGIGA OO AAD LOO ADKEEYAY IYO MALASE ZINAAWI OO LAFILAYO INUU SOO GAADHO JIGJIGA MAALMAHA SOO SOCDA.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Maanta guud ahaanba la joojiyay Adeeggii Gaadiidka ee Magaalada ka dhex shaqayn jiray, iyadoo Dad badani Maanta lugahooda maalayaan kaddib markii la hakiyay Tagaasidii iyo Basaskii ka dhex shaqaysan jiray Magaalada dhexdeeda.

Gaadiidkan la hakiyay ayaa sabab looga dhigayaa inay ka dambeeyaan Booliska Magaalada Jigjiga oo Taraafikada amar ku siiyay inay guud ahaanba joojiyaan Gaadiidka Shacabka ee Magaalada ka dhex shaqeeya, waxayna kusoo beegantay xali lafilayo imaanshaha Dhagar qabe Malase Zinaawi oo lafilayo in uu yimaado Magaaladda Jijgjia Maalamaha fooda inagu soo haya si Shikraas uga qayb galo.

Haddaba sababta loo joojiyay Gaadiidkan ayaa lagu sheegayaa inay tahay iyadoo maalinta bari ah uu Shir Xoola dhaqatada Itoobiya lagu qaban doono Magaalada Jigjiga isla markaana ay ka soo qayb galayaan Madaxd badan oo kuwa gumasyiga ah iyo kuwa Degaanada kale ee Itoobiya taasoo si Ammaanka Magaalada loo adkeeyo loo joojiyay isu socodkii dhanka Gaadiidka oo la sheegay in ilaa 4 Maalmood ay sidaa ahaan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Arrintan ayaa waxay saameyn buuxda ku yeelanaysaa Shacabka Magaalada iyadoo waagii hore ugu yaraan la heli jiray Basaska yarar ee Miinibaaska loo yaqaano oo Dadku iska raaci jiray markay waayaan Baajaajta oo xilliyada qaar kaligeed la joojiyo.

Balse hadda waxay noqotay inaysan helinba xitaa Basaskii yaryaraa oo ay lugtooda maalaan, waxaanad arkaysaa Dadkoo aad ugu badan waddooyinka iyo Suuqaba ileen Dadka waxaa kala qarin jiray Gawaadhida markii la waayayna waxay noqotay inay Dadku qaarkoodna iska lugeeyaan qaarna halkooda iskaba joogaan.

Dhanka kale Magaalada Jigjiga ayaa waxaa laga yaabaa inay Bandaw noqoto ilaa Arbacada soo socota, oo Magaaladu ay cidlo noqoto lana arki karin qof iska dhex socda Magaalada dhexdeeda sidoo kale waxaa la joojin doonaa iyagana Gaadiidka soo gala Magaalada iyo kan ka baxayaba ilaa Arbacada soo socota laga gaadhayo taasoo sabab looga dhigayo Shirka Xoola dhaqatada Itoobiya uga bilaabanaya Magaalada Jigjiga maalinta bari ah.

Wixii Faahfaahin ah amase ka soo kordha Arrimahan Shirarka ku saabsan waxaan idinku soo gudbin doonaa Wararkeena dambe.

Kala Soco Www.soomaaligalbeed.com


  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>