logo
 
DAA,UUD AXMAAR OO SHALAY SHIR KULA YEESHAY JIGJIGA GUDOOMIYEYAASHA GOBALADDA GODEYIYO SHINIILE

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Daa'uud Amxaar uu maanta galinkii dambe Shir isugu yeedhay dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada kala ah, Gobolka Godey, Gobolka Dhagaxbuur, Gobolka Qoraxeey, Gobolka Jigjiga, Gobolka Wardheer, iyo Gobolka iyo Shiniile. Shirkan uu Daa'uud Axmaar isugu yeedhay Guddoomiyaashaas ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Daa'uud Axmaar ee Magaaladda Jigjiga oo ah Caasimadda Dhulka S/galbeed ee lagumaysto.

Waxyaabaha Shirkan maanta uu Daa'uud Axmaar kala hadlay Guddoomiyaasha Labada Gobal ee Godey iyo Shiniile ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu qabtay Miisaaniyaddii sannadkan bilihii aynu soo dhaafnay, iyagoo ka gaabsaday wax badan sheegayna inuu waxyaabo badani u qabsoomi wayday sababo ayna Cadayn.

Daa'uud Axmaar ayaa ku canaantay Guddoomiyaashaas waxqabadkooda hooseeya wuxuuna u sheegay in Guddoomiyihii aan shaqadiisa sifiican uga soo bixin isla markaana Miisaaniyadda Gobolkiisa aan wax la taaban karo ku qaban inuu la kulmi doono ciqaab adag iskatuuna sheegin waxa ay Ciqaabtaasi Noqon Doonto hadana Wax weyna kusoo kordhin mayso Hanjabaada Daa,uud Maamulka Gobaladaas waayo isaga laga Bilaabo Ilaa Gumaysiga Dalka Haysta waxaa heshiis lagu yahay Horu mar la,aanta Gobalkaas iyo Musuqmaasuqa inay yihiin wax la isla ogyahay.

Haddaba Shirkan oo maanta Galinkii dambe un ku ekaa ayaa ku dhammaaday si uusan jeclaysan Daa'uud Amxaar oo ahayd inuu ku khashifan yahay Miisaaniyaddii Deegaanka bilihii aynu soo dhaafnay oo wax la taaban karo aan lagu qaban, wuxuuna Daa'uud Axmaar rabay in Madaxda Guumaysiga uu ka dhaadhiciyo in wax walba sidii la rabay u qabsoomeen balse taasi ma dhicin oo Daa'uud ma jirto wax uu kala hortago Madaxda Guumaysiga ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Miisaaniyadda Degaanka ayaa badanaa ah mid afka un la marsado oo aan Shacabkii u baahnaa waxba loogu qaban, waxaana xusid mudan in Adeegyadii Bulshada dhammaantood ay dayacan yihiin lacagihii wax loogu qaban lahaana ay noqdeen wax lagu safro oo dibadaha kolba loogu kaco iyo wax la lunsado oo Madaxda Maamul ku sheeggu u tashadaan, kuwaasoo Magaaladda Jigjiga ka dhistay Guryo Waaweyn oo lagu raaxayso Guryahaasoo la sheegay inayna Magacyadoodu ku qorin oo ay badanaan Dad qaraabadooda ah ku qoraan.

  
     
 WARAR KALE




















<< Older ( 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 ) Newest >>