|
DHIIGYACAB ZANAWI OO SHAKI GALIYAY SAFARKIISII UU KU IMAAN LAHAA M/JIGJIGA CABSI UU KA QABO DHANKA AMAANKA |
Waxaa shaki lagaliyay Safar uu ku imaan lahaa Magaalada Jigjiga Dhiig yacab Zanawi 25 bishan january, kaas oo uu kaga soo Qayb gali lahaa Shir lagu sheegay in Looga Hadli Doono Arimaha Xoola Dhaqatada ku Nool Itoobiya, Baaqashada aan Rasmiga ahyn ee Kaligii Taliyahan ayaa lagu Micneeyay in uu Cabsi ka Qabo in Waxyeelo loogu gaysto inta uu ku suganyahay Magaalada Jigjiga.
Zanawi oo Markii hore shaaca ka qaaday in uu Goob Joog ka Noqon Doono Shir kusheegan Magaalada Jigjigo ka Dhici Doono ayay Fajac ku noqotay Baaqashadiisan Kooxda uu ku shaqaysto oo uu hogaamiyo Daa,uud Axmaar iyaga oo usii Gogal Xaadhayay Ninka Shacabka Xasuuqay ee Waqtigiisu Sii dhacayo.
Arinta ayaa ku Tusinayso halka Zanawi ka Taaganyahay Dhulka S/galbeed ee lagumaysto heer uu ka Gaadho in uu san meelaha qaar imaan karin ama Asaga Shakhsi ahaan uusan Danahiisa uusan ka fushan karin Taas oo Dhabar jab wayn ku ah Siyaasada Guracan ee Lagu hayo shacabka S/galbeed.
Maalma ka hor ayay ahayd markii uu Shaaca ka qaaday in aysan Dhulka S/galbeed ee lagumaysto aysan Wax Doorasha ah ka dhicin karin Sababo Amaan Dartood taas oo Dad badan u Iftiimisay in Zanawi Wadanka oo Dhan uusan wada Maamuli karin ama Wax uu rabo uusan ka Fushan karin. |
|
|