|
CIIDAMADA GUMAYSIGA OO AWAAMIR CUSUB KU SOOROGAY BAABUURTA SOO GALAYSO DHULKA S/GALBEED EE LAGUMAYSTO |
Wararka naga soo gaadhayo Gobalada iyo Degmooyinka Dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa ku waramaya in Baadhitaano Xoogan lagu samaynayo Baabuurta halkaasi soo galayso ee Rarka usida iyada oo lakeenay Goobahaasi Rag Cusub oo Howshan loo soo Xilsaaray Waxaana Baabuurta amar lagu siiyay in ay iska soo Xaadiriyaan Xeryahan Milataiga Gumaysiga oo aysan Tagi karin Xeryaha Boolis ku sheega iyaga ka hoos shaqeeya.
Arintan ayaa lasoo sheegayaa in ay ka Dambeyaan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyaga oo Doonayo in ay Meesha ka saaraan Baabuurta Rarka u Sida Dhulka S/galbeed ee lagumaysto si Dadka halkaasi ku dhaqan u soo Food saarto Sixir Barar Dhanka Cuntada ah iyo dhibaatooyin kale.
Sidoo kale Arintan ayaa lasheegayaa in ay ku lug leedahay Khilaaf Xoogan oo u Dhexeeyo Ciidamada Gumaysiga iyo Maleeshiyaadka Cabdi Iley oo isku mari la, Baada baabuurtan laga qaato iyada oo Maal Mahan soo Shaac baxayay is Qab qabsi Dhexdooda ah.
Siwalbooy ahaataba arintan ayaa Sababi karta Sixir Barar ku yimaada Raashinka Quutal Daruuriga ah iyada oo Baabuur badan oo halkaasi aadi lahana ay isaga Baaqsadeen kadib markii ay ka warheleen Dhibaatooyinka Baabuurtaasi lagula kacayo. |
|
|