|
YUHUUDA OO DIB UBILAWDAY DAAD GURAYNTA QOWMIYADA FALASHAMURA EE KUNOOL ITOOBIYA |
Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Adis-ababa ee Xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa ku waramaya in Yuhuuda halkaasi dib uga Bilaawday Barnaamijkii lagudaad guraynayay Qowmiyad kamid ah Qowmiyadaha Halkaasi Daga oo lagu Magacaabo Falashamura, Wararka ayaa intaa ku Daraya in Garoonka Magaalada Adhis-ababa laga Duuliayay in kabadan 140 Qof oo laga Dajiyay Magalaada Talaabiib ee Dhulka Yuhuuda Xooga ku haysato.
Arintan ayaa ka dambaysay kadib Markii Wasiirka Arimaha Gudaha ee Yuhuuda uu safar ku yimid Magaalada Adhis-ababa isaga oo shaaca ka Qaaday in Sanadkan Gudihiisa ladaad Gurayndoono ilaa 600 oo Qof oo katirsan isla Qowmiyadan Falashamura halka 2000 oo kalana ladiiwaan Galiyay balse ma uusan Sheegin Xiliga iyagana laqaadi Doono.
Sidoo kale Dowlada Yuhuuda ayaa ku Howlan sidii ay Mashaariic uga fushan lahayd Gudaha Dhulka S/galbeed ee lagumaysto iyada oo ay Gumaysiga ku Wareejiyeen Dhulbeereed Baaxad Wayn oo ku yaalo Gobalka Shiniile ee Dhulka S/galbeed ee Gumaysiga Xooga ku haysto iyada oo ku Howlan sidii ay Barnaamijkaa u Fushan lahayd.
Siwalbooy ahaataba Waxaa muuqato in Yuhuuda Barnaamijteedii Guracanaa ee ay kawaday bariga Dhexe in ay lasoo gashay Dhulka S/galbeed ee lagumaysto lamana oga Sida ay ugu Hirgali Doonto in Dad Masaakiin ah Beerahooda ay lawareegto iyada oo Dadka Shacabka ah ee halkaasi ku dhaqana ay Arintani walaac ka muujiyeen.> |
|
|