|
FAALLO & FAAQIDAAD |
|
|
Siraaca Diineed ee Geeska Afrika. |
Mahad balaarini waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, tagayna cirka iyo dhulka tiir la aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muhammad. Intaa kadib run ahaantii ehal uma ihi qoraalka, khibrad iyo waayo aragnimo igu filanna uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee , waxa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biirayo walalaha kale ee aan u dhuun daloolin taariikhda ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyada geeska Africa(Eithopia).
Loolanka colaadeed ee u dhaxeeya labada shucuub wuxuu soo maray marxalada kala duwan, oo ay ugu dambaysay marxalada aynu marayno iminka, hadaba arimahaa oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkeena hooyo ayaa igu dhaliyay in aan maqaalkan qoro ( Siraaca diineed ee geeska afrika).
Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa "geeridii laga sheegay galbeed gondahaada ka day", dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa uu salka ku hayo dagaalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida oo dul abaabaya caasimadii Somalia.
Sidaa owgeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, maadaama aynan suurtagal ahayn in lagu soo koobo moowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa. Boqortooyadii Xabashida.
Boqortooyada xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn xiriir wanagsana la lahayd boqortooyadii Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah Asia.
Waxaa hoos tagi jiray xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allah ku sheegay qurank, kuna halaagay abraha iyo wixii uu watay.
Hadaba markii lasoo sarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijradii koowaad ee asxaabtu ay usoo haajireen dhulki la oranjiray dhulkii xabishada , waxay kasoo dageen sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku nolaa qowmiyada fara badan oo ay kamid tahay Somali, Sidaamo, Cafar, Amaharo, Tigree, Oromo, Gaalo, Bani Shanqul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa dhulka xabashida .
Qorayaasha reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.
Hadaba su, aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga amainsanaa dhulka Xabashida? Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay buugiisa layiraahdo "Ethiopians"( kala saaristii diinta iyo dowladnimada "ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia waxay u qaybsanayeen kuwa aaminsan caqiidada mosame ama diintii mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darteed aad ayay ugu adkaatay diimihii Islamka iyo christiankuba in ay si sahlan ugu faafaan, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday diimahaasi dadkii laa diiniga ahaa(cawaan)".
Wuxuu kaloo sheegay in jiritaanka diimeed ee xabashi uu ahaa mid uu mugdi kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga. sidoo kale waxuu sheegay in Ethiopia laga caabudi jiray ( jinka, geedaha, qoraxda iyo cirka). Dhanka kale waxaa lagu turjumay buuga Injiilka luqadii tigreega qarnigii 5aad ee miilaadiga, kadib markii ay soo gaareen Eithopia wufuud ka socotay kaniisadihii Reer galbeedka kuwaas oo dhisay Kaniisado iyo meelo lagu faafiyo diinta masiixiga. |
|
|
|