logo
FAALLO & FAAQIDAAD
Ururka UWSLF oo warsaxaafadeed kasoo saaray dagaalo baryahan kasoconayay wadanka S/galbeed.
Ciidamada Mujaahidiinta Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed UWSLF iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya oo uu Todobaadkani dagaalo culculusi ku dhex marayeen meelo badan oo kamid ah dhulka s/galbeed ayaa ilaa iyo hada ka soconaya meelo badan oo kamid ah dhulkaas.

Dagaaladaas oo intooda badan kadhacay gobolka Godey iyo Gobolka Nogbeed, ayaa billowday maalintii sabtida ahayd ee lasoo dhaafay oo ku aadan 17/1/09, dagaaladan ayay kuwii ugu cuslaa kadhaceen inta u dhaxaysa Tuulooyinka Carmaale iyo Elele, isagoo markii dambana ku fiday dhul badan oo kamid ah gobolada qoraxay,godey,iyo gobolka nogbeed, kuwaas oo uu ka dhashay khasaare labada dhinacba leh.

Weerarkan ay ciidamada gumaysigu kusoo qaadeen ciidamada mujaahidiinta ayay kaqayb qaateen Ciidanka cirka Itoobiya oo kaga qayb galay diyaaradaha Helicupter-ka, ciidanka dhulka iyo mukhaabaraad noocyo badanleh.

Ujeedada dagaalkan loogu qaaday mujaahidiinta ayaa ah in laga tirtiro mujaahidiinta UWSLF wadanka iyadoo uu intii aanu dagaalku dhicin ay qorshaha dagaalka wada dajiyeen Saraakiil ka tirsan sirdoonka Ciidamada Itoobiya iyo Adminal maxed cumar oo kulan ku yeeshay maamul goboleedka puntland. iyo gudaha wadanka S/galbeed isaga oo uu Admiraalku maalintii todobaad ku sugan yahay Magaalada dhagaxbuur xera ciidan oo kutaala isla magaaladaas iyadoo aanay ka warhaynin garabkiisa, shacabka iyo xiitaa ciidanka ilaalada ka ah xaruntaas.

Dagaalkani waa mid waji cusub leh oo lagu doonayo in lagu xareeyo Ururka ONLF garabka max'ed cumar,kadib markii uu mudo dheer howshaas soowaday, kana door biday xoraynta wadanka s/galbeed xuquuq uu uraadsado gumaysiga itoobiya.

Ciidamada mujaahidiinta ayaan marna ku niyad jabaynin dagaaladan iyo isbahaysiyadan cusub una arka wax kamid ah halganka ay ku jiraan.
Dagaaladaas iyo waxii khasaare ah ee ka dhashay iyo waxii warar ah ee kasoo kordha aagga dagaalka dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa inshaa allaah.