|
FAALLO & FAAQIDAAD |
|
|
Khamaarka Zenaawi iyo khiyaanada Ethiopia |
24 July 2006 Waxaa maalmahan saxaafadda Soomaaliya hadheeyey damaca waalan iyo gardarada aan geedka loogu gabban ee dawladda Ethiopia ay ku gashey dalka Somaliya iyadoo ay hadda qarka u saarantahey inuu qarxo dagaal adag kaasoo aan lagarankarin natiijada kasoo baxeysa iyo cidda guuleysan doonta ama la jabin doono.
Ujeeddada Ethiopia ama aan garano ama yaynaan garane waxey tahey, aheyd, ahaana doontaa inaan Soomaali helin maamul wanaagsan oo dareen leh. Markii uu shacabkii istaagey gartey ineysan intaas ka badan u dulqaadaneyn dhibka qabqablayaashii uu Zenaawi anqariyey ee ay iska saareen ayuu Ethiopia waagu ku baryay.
Waxaan maalmahan akhrinaa, maqalnaa in la is horfadhiyo. Waana qasab in isku dhac waliba aad u adag dhici doono todobaadyadan soo dhaw. Dawlado badan oo Afrikan iyo kuwa kaleba waxey ka dayriyeen kana digeen ineysan Ethiopia ciidankeeda geynin Somaliya. Waxey aqoonyahamiin culimo iyo waxgarad oo dhami sheegeen in Ethiopia haddey timaado dalka ilkaha lagula dagaali doono.
Dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisuba waxey wada ogyihiin iney leeyihiin hal cadow geeska Afrika. Ethiopiana waxey ogtahey iney leedahey hal cadow oo Soomaali ah. Labadii xaqiiqo ayaad mooddaa iney is taabteen qasabna ay tahey iney isku dhacaan.
Waxayse ku kala duwanaan karaan in Ethiopia uu yahey maamulka hadda jira cidda weerarka soo ah ee rabta iney dhabeyso burburinta Somalida iyo qalbigooda ama diintoodaba.
Dhanka kale Somalida oo dhan dal iyo dibadba waxey aaminsanyihiin in la isku raaco in cadowgaas lala jihaado marka laga reebo kuwa Ethiopia ay iyadu sameysatey.
Xabadda ugu horeysa ee qarxi doonta waxey saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geeska Afrika waxeyna halis khatar ah ku tahey dawladda Ethiopia.
Waxaa meesha ka baxay dawlad kusheeggi cabdulaahi yusuf waxeyna taaso hadda isu baddashey waxaan jirin ama Kililka 6aad oo ay ciidamadu iyo awoodda leeyihiin Tigreegu.
Khamaarka uu Zenaawi galayo labo waa miduun. Somali waxey lumin baa iska yar waxii malaggii galeyna waa uu dhiman iyagoo ilaahey kheyr ka rajeyn kuna dhawaaqaya Allahu Akbar.
Zenaawise haddii ciidamadiisa laga itaal roonaado waxey noqoneysaa gabagabadii ugu danbeysay ee Zenawi waxaana ay xabaddu ka dhici doontaa gudaha dalka Ethiopia.
Isagoo Zenaawi arintaas iyo waliba midda Erateriya og ayuu go aansadey inuu ciidamo soo diro. Rajadiisuna waxey tahey intaan iska fadhin lahaa ee Somali dawlad noqnn laheyd aan dabka galo si aana u shallaayin hadhoow.
Ugu danbeyn hila walba ka cabtaye, waa middii yaxaasku kaa qaadi lahaa.
Al-Haji
|
|
|
|