|
FAALLO & FAAQIDAAD |
|
|
Maxay Maamulka Maqaarsaarka Kajira Wadanka S/galbeed Shaqadooda Kuwaayaan? |
Maamulka maqaarsaarka ah ee ka jira wadanka soomaaligalbeed ee lagumaysto ayaa inta badan waaya xilkii uu ku qaadan jiray xoogaaga Sandareerada uu gumaysigu ugu tala galay in uu kukala dilo kaasoo in badan la iswaydiiyo waxa sababa arintaas.
Hadaba Waa noocee Qiimeynta ka dhacda dhulka S/galbeed ee ay ItoobiyaGumaysato Jigjiga: 2008-02-29, Waxaan maqalnaa Qiimeyn lagu sameynayo laamaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya qiimeyntaas oo ay sameeyaan xubno cayiman.
QIIMEYN micnaheedu waa Shaqsigaas illaa heerkee? muxuu aamisan yahay ? muxuu qabtay ? daacadiisa? iyo qodobo kale.
Warar aanu helay ayaa sheegaya in Shaqsi kasta oo lasoo taago goobta QIIMEYN-tu yahay mid lasoo calaamadeeyey waxayna qiimeytiisu noqotaa inay seeftu la tagto iyo xarig ama in laga eryo shaqada xaquuq la`aan.
Sidoo kale shaqsigii ka leexda siyaasadda dowladda ee deegaankaas u degsan wuxuu mutaa oo lagu Qiimeeyaa dembiile.
Haddaba, waxaa isweydiin leh qiimeyntu goormay ka joogsaneysaa deegaankaas? goormaa wax lagu qiimeyn doonaa yaa wax u qabtay dalka iyo dadka? dadkan la qiimeynayaa ma waxaa qiimeynaya maxkamad mise ....? yaa ku guuleysan kara qiimeyntaas?.
|
|
|
|