 |
QAAR
KA MID AH ARDAYDA WAX KA BARATA MAGAALADDA JIGJIGA OO LOO TAXAABAY
XABSIYADDA KU YAALA MAGAALADAAS.
Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya
in 4 Arday oo ka mid ah Ardayda wax ka barata Dugsiga sare ee
magaalada Jigjiga xabsiga loo taxaabay, ilaa iyo haddana lama
garanayo sababta keentay xadhiga Ardaydan..3/1/09
|
 |
MAXAABIIS
TIRO BADAN OO GOBALADDA LAGA SOO XIDHXIDHAY AYAA MAALAMAHAN BUUX
DHAAFIAYAY XABSIYO KUYAAALA MAGAALADDA JIGJIGA.
Inka badan 83 qof ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay
waxaa laga soo kala xidhay Gobolada uu ka kooban yahay Degaanku,
iyadoo dhammaan dadkan la soo qabqabtay la keenay Xabsiyada magaalada
Jigjiga, oo ay halkaas hadda ku jiraan, dadkan la soo qabqabtay
ayaa u badan Odayaal iyo dhalinyaro macna la'aan loo soo qabqabtay.3/1/09
|
 |
XAWAALADIHII
KUYAALAY MAGAALADDA GODEY OO DHAMAAN ALBAABADA LOOLAABAY.
War
Degdeg ah: War goor dhawayd soo gaadhay warsidaha Soomaaligalbeed
ayaa sheegaya in dhammaan Xawaaladihii magaalada Godey la wada
xidhay, lama garanayo sababta keentay Xadhiggan Xawaaladaha balse
warar aan wali la hubsan ayaa sheegaya in shaki dhinaca dawladda
ahi jiro taasna ay keentay in Albaabada loo xidho dhammaan xawaaladahan.2/1/09
|
 |
DHAMAANBA
XAWAALADIHII KU YAALAY MAGAALADDA QABRI DAHARE OO ALBAABADA LOO
LAABAY.
Waxaa
maalintii saddexaad Albaabadu u xidhan yihiin Xawaaladda Kaah
ee Qabridahare, iyadoo Masuulkeedii Macalin Ilyaasna uu Xabsiga
ku jiro, Xawaaladda Kaah ee Qabridahare ayay Ciidamada Tigreeggu
saddex maalmood ka hor xidheen, ilaa iyo haddana lama garanayo
sababta loo xidhay Xawaaladdan.30/12/0
|
 |
Wardegdeg ah:
Warar hordhaca oo naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto
ayaa sheegaya in uu maanta dagaal culusi dhexmaray Mujaahidiinta
Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed UWSLF iyo Ciidamadda Gumaysiga
itoobiya.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Nogbeed, waxaana
wararkan hordhaca ah aan ka helnay Saraakiil Sare oo sugan goobta
dagaalka kuwaasoo noo sheegay in uu wali dagaalku socdo khasaaraha
dhimasho iyo dhaawacna ay dib kasoo sheegi doonaan
wixii kasoo hordha dib ayaan idiinku soo gudbin doonaa Hadii Alle
idmo 29/12/0
|
 |
Warsaxaafadeed.
Ururka Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ( UWSLF ) waxuu warsaxaafadeed
kasoo saaray Dagaal khasaare ba'an gaystay oo dhexmaray ciidamada
mujaahidiinta S/galbeed iyo ONLF-ta garabka Max'ed Cumar Cusmaan,
dagaalkaas oo maalintii shalay iyo habeenkii xalay ahaa ka dhacay
Deegaano katirsan Gobolka Qoraxay ee dhulka S/galbeed, ayuu warsaxaafadeedkaasi
u qornaa sida tan:-28/12/0
|
 |
DAGAALO
KHASAARE XOOGLE GAYSTAY OO MAKALE DHEXMARAY ONLF GARABKA MAXAMED
CUMARM CISMAAN IYO MIDOWGA JABHADDA XORYNTA S/GALBEED UWSLF.
Warar
dheeri ah oo naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee dulman ayaa
sheegaya in dagaalkii ugu cuslaa oo gobalka Qoraxay ku dhexmaray
Ciidamadda Mujaahidiinta Midowga jabhadda Xoraynta S/galbeed UWSLF,
Guutada Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Ciidamo ka mar qaata ONLF
Garabka Maxamed Cumer Cismaan.28/12/0
|
 |
CABDI
ILAY OO AH NINKA WAKIILKA UGA AH GUMAYSIGA ARIMAHA NABADGALIYADDA
OO BOOQASHU KU TAGAY MAGAALADDA DHAGAXBUUR.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Dh/buur ayaa shegaya in dhawaan uu halkaa
soo gaadhay Cabdi Iley kaddib Xasuuqii ka dhacay Gobolkaas, sida
Caadada u ah Cabdi Iley imaanshihiisa Dhagaxbuur waxay salka ku
haysaa sidii uu Shacabka inta isaga aan taageersanayn uu usoo
xidhxidhi lahaa.24/12/0
|
 |
MAAMUL
KU SHEEGA MAGAALADDA JIGJIGA OO SHIRAR ISDABA JOOGA MAALMAHAN
UQABANAYAY SHACABKA KU DHAQAN MAGAALADAAS.
Waxaa
maalmihii u dambeeyay ka soconayay Magaalada Jigjiga Shirar uu
Maamul ku sheegga Kililku u qabanayay dhammaan Xaafadaha Magaalada
Jigjiga, Shirarkan oo gooni gooni loo qabanayay loona qabanayay
8 Xaafadood ee ay magaalada Jigjiga ka kooban tahay ayaa ahaa
kuwo u badan dhinaca Nabadgalyada.,24/12/0
|
 |
WARAR
DHEERI AH OO KASOO BAXAYA XASUUQII AY CIIDAMADDA GUMAYSIGU KA
GAYSTEEN DULEEDKA DAGMADDA ARAARSO EE GOBALKA DHAGAXBUUR.
Warar
dheeeraad ah oo ka soo baxaya Xasuuqii ay Ciidamada Guumaysigu
ka gaysteen meesha lagu magacaabo Mooyaha oo ka tirsan Dagmadda
Araarso ee Gobolka Dh/buur ayaa sheegaya in dhimashada dadkii
la xasuuqay ay sii kordhayso marba marka xiga,20/12/0
|
 |
CIIDAMADDA
GUMAYSIGA ITOOBIYA OO DAD SHACABA KU XASUUQAY DHUL BEEREED KA
TIRSAN DAGMADDA ARAARSO EE GOBALKA DHAGAXBUUR.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in tuulo
yar oo u dhaw Magaaladda Araarso oo ka tirsan gobalka Dhagaxbuur
ay Ciidamada Guumaysigu ku xasuuqeen dad Shacab ah, Warkan oo
hadda uun soo gaadhay Warsidaha Soomaaligalbeed ayaa sheegaya
in ugu yaraan 45 qof oo isugu jiray Rag iyo Haween iyo waliba
caruur yaryar ay ku naf waayeen... 19/12/0
|
 |
SHIL
BAABUUR OO KA DHACAY INTA UDHAXAYSA MAGAALOOYINKA QABRI-BAYAX
IYO JIGJIA OO DAD KU DHINTAY QAAR KALANA KU DHAAWACMEEN.
Wrarka
naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa sheegaya
in maalintii shalay uu Shil Baabuur ka dhagay inta udhaxaysa Dagmadda
Qabri Bayax iyo Magaaladda Jigjiga shilkan oo ka dhacay duleedka
tuuladda Xoodhlay oo udhaxaysa magaalooyinka Jigjiga iyo Qabri
Bayax ayaa naloo sheegay in uu keenay khasaare xoogan.18/12/0
|
 |
SHACABKA
KU DHAQAN MAGAALADDA JIGJIGA OO BARYAHAN DAMBE KA CABANAYA KORONTADA
MAGAALADDA OO LA SHEEGAY INAY HABEEN DHAAF UHELAAN.
Shirkadda
Korontada ee Itoobiya qeybta Jigjiga ayaa waxay dib u soo celisay
korontadii ay habeen dhaaf uga goyn jirtay magaalada Jigjiga,
Korontada ayaa habeenba xaafad ayay ka maqnaataa magaalada Jigjiga
iyadoo badanaa bilahan oo kale ay inta badan korontadu ka maqnataado
xaafadba habeen18/12/0.
|
 |
DADKA
KU DHAQAN MAGAALADDA JIGJIGA OO KACABAYA JAWAASIIS FARA BADAN
OO MAGAALADDA LAGA SOO BUUXIYAY BARYAHAN.
Wararka
ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in jawaasiis hor leh
lagu soo daayay magaalada, jawaasiistan ayaa waxaa laga kala soo
dhex xulay dhammaan gobolada uu ka kooban yahay Dhulka S/galbeed
ee la guumaysto, iyadoo maamul ku sheegga Kililkuna ugu talagalay
jawaasiistani inay xogo badan usoo ururiyaan Xafiiska lagu sheeggo
Nabadgalyada ee Cabdi Iley uu haysto..18/12/0
|
 |
DAD
SHACABA OO AY CIIDAMADDA MAAMULKA ISKU MAGACAABAY SOOMALILANDI
KU XIDHXIDHEEN MAGAALADDA WAJAALE.
Wararka
ka imaanaya magaalada Wajaale ayaa sheegaya in Maamulka lamagac
baxay S/land uu xalay fiidkii Muwaadiniin u dhalatay Dhulka Soomaaligalbeed
ku xidhxidhay magaaladaas, Dadka la xidhxidhay ayaa waxay kala
ahaayeen 3 Wiil iyo gabadh.18/12/0
|
 |
WARBIXIN
DHEER OO KAHADLAYSA DAGAALKII UGU KHASAARAHA BADNAA EE DHEX MARA
MUJAAHIDIINTA MIDOWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED UWSLF, IYO ONLF
GARABKA MAXAMED CUMAR CISMAAN.
Tuulada
goldalaaq oo ka tirsan deegaanka fiiq ee gobolka Nogbeed ayuu
daqaal xoog badani ku dhex maray ciidamada Mujaahidiinta UWSLF
iyo garab kamid ah garabyada Onlf ee uu hogaamiyo Maxed Cumar
Cusmaan.16/12/0
|
 |
DAD
BADAN OO SHACABA OO LAGU XIDHAY DAGMADDA GARBO OO KA TIRSAN GOBALKA
NOGBEED.
War
naga soo gaadhey Magaalada Garbo ayaa waxa uu sheegayaa in Magaalada
lagu xidhey 7 qof oo 6 dumar yihiin, Dadkan oo ah dad shacab ah
ayaa waxaa naloogu sheegay magacyadooda KUWAN .15/12/0
|
 |
NIN
KA MID AH GANACSATADA MAGAALADDA FIIQ OO XALAY AY KU DILEEN CIIDANKA
GUMAYSIGU DUKAANKIISA OO KU YAALAY MAGAALADDA FIIQ.
Wararka
ka imaanaya magaalada Fiiq ayaa sheegaya in Ciidamada Guumaysiga
ee jooga Fiiq ay xalay saqdii dhexe u dhaceen laba dukaan oo ku
yaalay cidhifka magaalada, kuwaas oo ay lahaayeen dad Shacab ahi,
Dukaamadan ayaa ahaa kuwo camiran isla markaana ay ku xidhnaayeen
xaafado badan oo u dhawaa dukaamadaas.14/12/0
|
 |
TIRO
KA MID AH MAXAABIISTII KU XIDHNAYD XABSIYADDA MAGAALADDA JIGJIGA
OO LASII DAAYAY.
Waxaa Xabsiyada magaalada Jigjiga laga siidaayay Maxaabiis dhawr
ah kuwaas oo muddooyin badan ku xidhnaan jiray Xabsiyada, Maxaabiistan
oo marka loo eego inta ku hadhay hadda Xabsiga u dhigmaysa wax
aad u yar ayaa dib u helay xoriyadoodii kaddib muddooyin badan
oo ay u xidhnaayeen maamulka Guumaysiga la shaqeeya ee Kililka.12/12/0
|
 |
DIYAARADAHA
GUMAYSIGA ITOOBIYA OO MARKALE GARAACAY DEEGAANO KA TIRSAN DHULKA
S/GALBEED EE LAGUMAYSTO.
Wararka
naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa sheegaya
in deegaano ka mid ah gobalka Qoraxay Ay maalintii shalay duqayn
ugaysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamadda Gumaysiga Itoobiya.11/12/0
|
 |
MAGAALADDA
QABRI DAHRE EE XARUNTA GOBALKA QORAXAY OO XALAY BANDOW LAGU SOO
ROGAY
Wararka ka imaanaya magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in ay
magaaladu caawa bandaw tahay isla markaana la joojiyay dhammaan
isu socodka magaalada Qabridahare, bandawdan Caawa la saaray magaalada
Qabridahare ayaa bilaabantay caawa fiidkii abaarihii 7:00PM.11/12/0
|
 |
FAAHFAAHIN
KU SAABSAN DAGAALKII DORAAD DHEXMARAY MUJAAHIDIINTA MIDOWGA JABHADDA
XORAYNTA S/GALBEED IYO CIIDANKA GUMAYSIGA.
Dagaalkii
bishan lixdeeda oo ku beegnayd maalintii doraad dhexmaray ciidamadda
Mujaahidiinta Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed UWSLF oo ayka
qayb qaateen Diyaaradaha Qumaatiga ukaca ee loo yaqaano Helicopter
ayaa la sheegayaa in uu gaystay khasaare xoogle oo isagu jira
dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay dhanka Mujaahidiinta S/galbeed.8/12/0
|
 |
DAA,UU
AXMAAR OO MASAAJIDADA MAGAALADDA JIGJIGA UGU GOODIYAY IN HADDA
KADIB LALA SOCON DOONO WAX WALBA KA SOCDA MASAAJIDDA.
.M/weyne
ku sheegga Degaanka Daa'uud ayaa Shiriyay dhammaan Xaafadaha magaalada
Jigjiga, isagoo kala hadlayay arrimo badan inkastoo hadaladiisa
badankood aan loo bogin, Daa'uud ayaa Shirkaas kala hadlayay dadka
arrimo ay ka mid ahaayeen dhinaca Nabadgalyada, waxa uuna shacabka
ku qasbay inay taageeraan had iyo jeer Guumaysiga oo ay soo sheegaan
qofka cusub ee xaafadooda ku soo biira.7/12/0
|
 |
DIYAARGAROWGA
CIIDA CARAFO OO SI WAYN LOOGA DAREEMAY MAGAALADA XARUNTA U AH
DHULKA S/GALBEED EE LAGUMAYSTO JIGJIGA.
Diyaargarawga
Ciida ayaa waxaa laga dareemayaa dhammaan Xaafadaha iyo Suuqyada
Magaalada Jigjiga, iyadoo dadku dhammaan isu diyaarinayaan soo
dhawaynta Ciidda oo ku beegan maalinta bari Isniita hadduu Alle
yidhaah, Xaafaduhu waxay ku hawlan yihiin soo dhawaynta Ciidda
.7/12/0
|
 |
DAGAAL
CULUS OO AY KA QAYB QAATEEN DIYAARAHA HELICOPTER KA OO DHEX MARAY
MUJAAHIDIINTA MIDOWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED UWSLF IYO CIIDAMADA
GUMAYSIGA ITOOBIYA.
Wararka
naga soo gaadhaya gobalo ka mid ah dhulka S/galbeed ee lagumaysto
ayaa sheegaya in maalintii shalay uu dagaal culisi dhexmaray Mujaahidiinta
Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed UWSLF, iyo Ciidamada gumaysiga
itoobiya.7/12/0
|
 |
BAKHAARO
AY GANACSATADA MAGAALADA JIGJIGA ALLAABOOYINKA KU GAYDSAN JIREEN
OO CIIDAMADA GUMAYSIGU DHAC UGAYSTEEN.
Wararka
naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Ciidamada
Guumaysiga gaar ahaan Askarta Booliska Fadaraalka, ayaa boob iyo
dhac waxay u gaysteen Dukaamo waaweyn oo ay lahaayeen dad Shacab
ahi, Dukaamadan ayaa waxay ku yaaleen xaafadaha cidhifka magaalada
Jigjiga ku yaal, Dukaamadan ayaa ahaa kuwo ganacsato ay lahaayeen
isla markaana ay ku xaraysan jireen alaabo kala geddisan.5/12/0
|
 |
UGAAS
MAXAMED DUULANE RAFLE OO LAGA SII DIIYAAY XABSIGA MAGAALADA JIGJIGA
ISAGOO MUDO KU XIDHNAA.
Waxaa
Xabsiga magaalada Jigjiga laga siidaayay Ugaas Maxamed Duulane
Rafle oo muddo ku jiray Xabsiga, Ugaaska ayaa la xidhay bilo ka
hor kaddib markii Odayaal badan laga xidhxidhay magaalada Q/dahar
isla markaana isaga laga xidhay magaalada Jigjiga xilli uu ku
sugnaa halkaas.5/12/0
|
 |
ONLF
OO LABA WIIL OO KA TIRSAN MIDOWGA JABAHADDA XORAYNTA S/GALBEED,
UWSLF MIDNA DISHAY MIDNA DHAAWACDAY.
Wararka
naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ayaa sheegaya in deegaanka
lagu magacaabo Mitiriyadda oo ka tirsan gobalka Nogbeed in habeenkii
xalay ONLF ku dishay deegaankaas wiil ka tirsan Mujaahidiinta
Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed kukala ay dhaawaceen.4/12/08
|
 |
DAGAAL
CULUS OO MAALINTII SHALAY DHEXMARAY MUJAAHIDIINTA MIDOWGA JABHADDA
XORAYNTA S/GALBEED UWSLF IYO CIIDANKA GUMAYSIGA.
Wararka
naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed lagumaysto ayaa sheegayaa in
maalintii shalay oo dagaal culusi dhexmaray Mujaahidiinta Midowga
Jabhadda Xoraynta S/galbeed UWSLF iyo ciidamadda Gumaysiga Itoobiya.4/12/08
|
 |
GUDOOMIYAHA
MIDOWGA JABHADDA XORAYNTA S/GALBEED UWSL, OO WARAYSI DHEER SIIYAY
SHABAKADA CAANKA AH EE SOMALIMIRROR.COM.
Guddoomiyaha
UWSLF Sheekh Ibraahim oo ka hadlayay isku dhaca UWSLF & ONLF:
haa waa la xallin karaa khilaafka haddii dhinaca kale laga
helo rabitaan dhab ah oo daacadnimo weheliso, gacmo shisheeyena
aysan meesha ku jirin.3/12/08
|
 |
CIIDAMADDA
GUMAYSIGA OO AFAR WIIL KU DILAY DEEGAANKA GOSOLALAY OO KA TIRSAN
GOBALKA DHAGAXBUUR.
Wararka naga soo gaadhay gobalo ka mid ah dhulka S/galbeed ee
lagumaysto ayaa sheegaya in ciidamadda gumaysigu dad shacaba ku
laayeeen gobaladda Qaar, halka kuwa kalana qaarna la jidhdilay
kuwana hantidoodii la dhacay kuwa badana Xabsiyada laga buuxiyay.2/12/08
|