 |
Ciidamada
Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta s/galbeed oo Weerar
Dhabo Gal ah ku qaaday Gaadiid ay Leeyihiin Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada
Mujaahidiinta Midowga Jabhada xoraynta S/galbeed ayaa weerar
dhaba gal ah ku qaaday labo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada
gumaysiga itoobiya , oo marayay Tuulada Higlaale Biir oo katirsan
Degmada Dhanaan ee Wadanka S/galbeed.30/6/08
|
 |
Xoogagga
mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu
lahaa Yuusuf Dabageed
Xoogagga
mujaahidiinta MMI ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu
lahaa Yuusuf Dabageed oo mar horey u ahaa guddoomiyaha maamulkka
gobolka Hiiraan.30/6/08
|
 |
Mid
kamid ah wasiirada Dowlada Kumeelgaarka ah oo ku gacan Saydhay
Degmooyin uu Magacaabay C/hi yuusuf
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Muuse Nuur Amiin ayaa
ku gacan seyray magacaabistii shalay ee madaxweyne uu Yuusuf
uu magacaabay lix degmo oo lagu biiriyey degmooyinka gobolada
Galgaduud iyo Mudug.30/6/08
|
 |
Dagaal
Xoogan oo Xalay Kadhacay Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Dagaal
ayaa xalay habeenkii labaad ka dhacay degmada Guriceel ee
gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian
ah oo labo maalin ka hor halkaas gaaray.30/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Kabaxay Degmooyinka Dhowr ah oo kuyaala
Wadanka S/galbeed.
Ciidamada
Gumaysiga itoobiya ayaa ka baxay magaalooyin dhowr ah oo ku
yaala gudaha wadanka s/galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin
Degmooyinka Xamaro iyo Dhagaxmadow, oo ka kala tirsam Gobolada
Dhagaxbuur iyo Nogob ee dhulka S/galbeed.29/6/08
|
 |
Ciidamaga
Gumaysiga Itoobiya ee Kusugan Magaalooyinka Dhagaxbuur, Araarso
iyo Cobole oo u soo baxay Dhanka Bohollo.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka Araarso Cobole
iyo Dhagaxbuur ee wadanka s/galbeed ayaa usoo baxay dhanka
Togga Faafaneed gaar ahaa Dhanka Bohollo.29/6/08
|
 |
Magaalada
Guriceel ee Gobolka Galguduud oo uu Dagaal Xoogani xalay kadhacay.
Habeenkii
xalay ahaa ayaa waxa uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada
Guri ceel ee Gobolka Gal-Guduud Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed
iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo shalay halkaasi gaaray.29/6/08
|
 |
Magaalada
Baladwayne oo ay Ka khudbadeeyeen Madax sare oo ka tirsan
Isbahaysiga Dib Uxoraynta Soomaaliyeed.
Madax sare oo katirsan Isbahaysiga Dib uxoraynta Soomaaliyeed
ayaa gaarey xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyne ka dib markii
ciidamo xoogan oo ka tirsan MMI Soomaaliyeed shalay gebi ahaanba
si buuxda ula wareegeen magaalada Baladweyne.29/6/08
|
 |
Magaalada
Jigjiga ee Dhulka S/galbeed oo Lagu Xiray Hoggaankii Golaha
Arrimaha Islaamka ee Isla magaaladaas.
Waxaa
magaalada Jigjiga lagu xidhay Hoggaankii Golaha Arrimaha Islaamka
ee Jigjiga Shekh Cumar Faarax, Sheekh Cumar Faarax ayaa laga
qabtay xilli uu ku sugnaa Xafiiska Goluhu ku leeyahay magaalada
Jigjiga.28/6/08
|
 |
Dilal
kala duwan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Dad Shacab
ah ay ku dhinteen.
Dilal
kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo
illaa seddax qof oo rayid ah siyaabo kala duwan loogu dilay
qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.28/6/08
|
 |
Xoogagga
Mujaahidiinta Al-shabaab oo La wareegay Gacan ku heynta Degmada
Xudur.
Xoogagga
Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Xudur
kadib dagaal saakay ciidamada dowladda iyi xoogagga hubeysan
ee Al-shabaab ku dhexmaray degmadaas.28/6/08
|
 |
Dowlada
kenya oo Amar kubixisay In laxidho Idaacada Maxaliga aha ee
lagu Magacaabo kass.fm
kass.fm
waa idaacad maxali aha oo kutaala maagalada nairobi taas oo
kahowlgasha goobo badan oo kamid ah wadanka, iyadoo ku hadasha
luuqada kalenjinta ayaa waxaa logu eedeeyay in ay kaqaybqaadatay
dagaaladi hadheeyay wadanaka kenya horaantii sanadkan.
27/6/08
|
 |
Nin
hubaysan oo afka soo duubtay oo ciyaal ku laayey magaalada
Kismaayo.
Kismaayo:-Nin
afka iyo indhaha soo duubtay ayaa caruur ku laayey magaalada
Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, ninkaan ayaa waxaa uu weerar
ku soo qaaday gurigii ay caruurtaan deganaayeen waxaan uu
ku furay rasaas ,rasaasta uu furay waxaa ku dhintay 2 caruur
ah halka 2 kalena uu ku dhaawacmeen. 27/6/08
|
 |
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Estren Cape ee wadanka South Africa oo kaqayb
galay Xaflad Wayn oo lagu qabtay Magaalada Grahamston.
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee dalka k/afrika oo ka heshay martiqaad dawladda
k/afrika ayaa xalay kaga qeyb gashay furitaanka (NATIONAL
ARTS&CULTURE FESTIVAL) oo ka furmay magaaladda GRAHAMSTOWN
ee Gobolka Eastern cape ,shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay
in ka badan 15 kun oo ruux oo ka kala yimid dacaladda wadanka
k/afrika ,waxaa kale oo ka soo qeyb galay madaxda dawladda
qeebaheeda kala duwan iyo uruuradda bulshadda.27/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho oo
Hoobiyaal lagu Garaacay.
Tiro
hoobiyaal ah ayey kooxaha ka horjeeda dowladda waxa ay ku
weerareen xaruntii hore ee warshadda Baastada oo fariisin
u ah cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee jooga gudaha
Soomaaliya.26/6/08
|
 |
Baadhitaan
ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya kasameeyeen Magaalada Jigjiga
oo Dad badan oo Shacab ah Lagu Xidh xidhay.
Baadhitaannadii
habeen hore ka socday Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu qabqabtay
dad aad u tiro badan oo Shacab ahaa kuwaas u badnaa haween
iyo dad waayeel ahaa, baadhitaannadan ayaa si wada jir ah
waxaa u samaynayay Ciidamada Guumaysiga iyo Booliska Jigjiga
iyagoo dadka waydiinaya Waraaqaha Aqoonsiga qofkii ay ka waayaana
xabsiga u taxaabayay.26/6/08
|
|
|
Hay'adda
WFP oo Raashin mucaawino ah u qeybisay Dad Soomaaliyeed oo
ku dhibaateysan qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe.
Hay'adda
WFP ayaa raashin mucaawino ah u qeybisay dad Soomaaliyeed
oo ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe, xilli
ay sii kordhayaan dadka u geeriyoonaya gaajada iyo cudurada
ka jira dalka Soomaaliya.26/6/08
|
 |
Isbahaysiga
Dib Uxoraynta Soomaaliyeed ee uu Fadhigoodu yahay Asmara oo
War bixin dheer Kasoo saaray Haysashada Dhulka Soomaaliyeed.
Sida
la wada ogsoon yahay, laga soo bilaabo dhammaadkii sannadkii
2006dii wax aa loo geystay Soomaaliya masiibooyin shisheeye
soo maleegay oo ay sii murgiyeen hagrasho iyo danayn la aan
adduun weynaha oo dhegaha ka furaystay baaqyo isdaba jog ah
ee hayadaha Sama-falka iyo catawga Soomaalida la bara-kiciyay
oo tabaalaysan intaba.25/6/08
|
 |
Golaha
Dhaqanka Beesha Hawiye oo Dowladda KMG ah ugu Baaqay in ay
Dhibaatooyinka Ka deyso Shacabka Soomaaliyeed.
Golaha
dhaqanka Hawiye ayaa dowladda KMG ah ugu baaqay in ay dhibaatooyinka
ka deyso shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay markii
horeba la daalaa dhacayeen dhibaatooyin isbiirsaday oo ka
jira dalka Soomaaliya.25/6/08
|
 |
Gaari
Rakaab ah oo ka yimid Dhanka Magaalada Galkacyo kuna sii jeeday
Magaalada Muqdisho oo kooxo Burcad ah ay Rasaas Kufureen.
Gaari
rakaab ah oo ka yimid magaalada Galkacyo kuna soo jeeday magaalada
Muqdisho ayey kooxo burcad ah tacshiirad ku huwiyeen meel
u dhexeysa deegaanada Fiidow iyo Jimbiley ee bartamaha gobolka
Hiiraan.25/6/08
|
 |
Culumo
ku sheeg u Fadwooday Ciidamada Itoobiya In uusan xiligan jiri
Wax Jihaad ah.
Taliyaha
ciidamada gumeysiga itoobiya ee Gobolka Godey ee Dhulka S/galbeed
iyo dad lagu sheegay culimo ayaa maalin ka hor waxa ay isla
qaateen shir ay uga hadlayaan Ururada Xornimo doonka ah ee
ka dagaalama dhulka S/galbeed.24/6/08
|
 |
Xoogaga
mujaahidiinta soomaaliyeed oo Xoog ku qabsaday Goob Isbaaro
ah oo u tiilay Ciidamada DF.
Xoogaga
mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa weerar xoogan oo loo adeegsadey
hubka noocyadiisa kala duwan ku qaaday bar isbaaro oo ciidanka
DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya u taaley agagaarka
kuliyada jaale siyaad.24/6/08
|
|
URURKA
MJXSG OO TACSI TIIRAANYO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED GAAR
AHAAN KUWA S/GALBEED GEERIDII NAXDINTA LAHGAYD EE KU TIMID
SH IBRAAHIM SH CABDALLAAH MAAX.

|
 |
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Dalka k/afrika oo tacsi tiiraanyo leh u diraysa
Ummadda Soomaaliyeed.
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey tacsi tiiraanyo leh
u diraysaa ummadda soomaaliyeed & qaraabadii & eheladii
uu ka geeriyooday mujaahidkii weynaa & qoraakii caanka
ahaa sh. ibrahim cabdla23/6/08
|
 |
Nin
ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay
waxa ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha
Nin
ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay
waxa ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha meel ku dhow suuqa
sarifka ee Bakaaraha agagaarka daarta Cali Dheere.23/6/08
|
 |
Nin
Rayid ah oo lagu dilay Gudaha Magaalada Marka ee Xarun Gobolka
Sh/hoose
Nin
rayid ah ayaa lagu dilay magaalada Marka ee xarun goboleedka
gobolka Sh/hoose, iyadoo dilka ninkaas loo adeegsaday falaar
sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Marka 23/6/08
|
 |
Dagaal
laysku Adeegsaday Tooriyo oo Kadhacay Magaalada Gaarisa oo
ay Dad ku Dhaawacmeen.
In
kabadan 3 ruux ayaa kudhaawacamay dagaal 2 saf ahaa ookadhacay
magaalada Gaarissa,
Dagaalkan oo kadhashay muran iyo is qab qabsi lahaan shaha
dhul deegaameed kuyaala magaladaas.22/6/08
|
 |
Xoogagga
Hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab
oo Ka Mamnuucay Kaganacsiga Jaadka...
Xoogagga
hubeysan ee Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa amaro ku soo rogay
qeybo kamid ah gobolka Bay gaar ahaan deegaanka Bardaale .
Xoogagga ayaa mamnuucay ka ganansiga qaadka iyo keenistiida,
waxaana sidoo kalena ay mamnuuceen in haweenku ay shaaha ku
iibiyaan waddooyinka deegaanka Bardaale ee gobolka Bay.22/6/08
|
 |
Kooxo
hubeysan ayaa afduub u geystay madaxii hay'adda UNHCR ee magaalada
Muqdisho
Xasan Maxamed Cali oo ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala deegaanka
Ceelasha biyaha oo ah halka ugu badan oo ay ku barakeceen
dadkii ka cararay dhibaatooyinka ka aloosan magaalada Muqdisho.22/6/08
|
 |
Magaaladda
Adis ababa oo lagu Xidh xidhay Qaar kamid ah Madax Maamul
Isku sheega Kililka.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in halkaas
lagu qabqabtay Rag dhawr ahaa oo horey xilal kala duwan uga
soo qabtay Maamulka Kililka. kuwaas oo markii dambe laga qaaday
xilkii ay hayeen. Raggan Addis Ababa lagu qabqatay ayaa waxaa
ka mid ah Hoggaankii Nabadgalyada ee hore Jamiil gaas iyo
Mohamed Ibraahim oo isna haystay Booliska Jigjiga.22/6/08
|
 |
DUQII
HORE MAGALADA GARISSA OO SHIL BAABUR KU GALAY INTA UDHAXAYSA
BANGAL IYO TULLA.
Duqii hore magalada garissa SIYAAD OSMAN ayaa shalay galay
shilbabuur mar uu marahayay meel udhaxaysa BANGAL IYO TULA
shilkan ayaa ahaa mid kadhashay markii ay islagaleen madaxa
baabuur kuu watay siyaad iyo gadhi dhameer marahay wadada
dhaxdeeda meshaana waxaa ku naf waayay wiil dhlin yara ahaa
oo watay gadhi dameedka iyo waliba dameer kiisiiba 20/6/08
|
 |
Wadanka
Eritria oo Kaqaatay Safaaradiisii uu ku lahaa Wadanka Jabuuti.
Wadanka
Eritrea ayaa ka qaatay safaaradiisii uu ku lahaa wadanka Djibouti,
ka dib markii uu dagaal ku dhex maray xadka u dhaxeeya labada
dal , isla markaasna laysku dayay in la dhex dhexaadiyo labada
dal oo ay Eritrea diiday in ay wax wada hadal ah la gasho
Djibouti .20/6/08
|
 |
Sh.
Salmaan Ibnu Cabdullahi Ibnu Fahad Al-Cawdah oo Booqasho ku
yimid Wadanka Koonfur Afrika.
Waxaa
dhawaan booqasho ku yimid wadanka Koonfur Afrika Sh. Salmaan
Ibnu Cabdullahi Ibnu Fahad Al-Cawdah, isagoo ka helay casuumad
Shir uu qaban-qaabiyay Machadka Waxbarashada iyo Dhiirigalinta
ee Koonfur Afrika Cilmi ee saldhigiisu yahay magaalada
xeebta ku taala ee Durban 13-16/06/2008. Shirkaas oo ay isugu
yimaadeen culumo kala duwan kana kala socday Ingiriiska, Maraykanka,
Sacuudiga iyo Koonfur Afrika19/6/08
|
 |
Maciishada
Daruuriga ah oo Cirka isku shareertay Magaalooyin Badan oo
ka mid ah Dhulka Soomaaligalbeed.
Maciishada
daruuriga ah ayaa mar kale cirka isku shareertay magaalooyin
badan oo ka mid ah Dhulka Soomaaligalbeed, iyadoo shay walba
oo 3 jibaarmay intii uu maalmo ka hor ahaa. Waxyaabaha ugu
sii daran ee hadda qiimahoodu korka u kacay ayaa ka mid ah
cuntooyinka ay dadku quutaan sida Bariiska, Saliidda iyo Daqiiqda.19/6/08
|
 |
War
Degdeg ah: Labo Nin oo U dhalatay Wadanka S/galbeed oo ay
Maamulka S/land U dhiibeen Gumaysiga Itoobiya.
Warar
lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in labo nin oo u dhalatay
wadanka s/galbeed ay maamulka S/land ka qabteen boosteejo
baabuur " Meel baabuurta laga raaco" oo ku taala
magaalada Hargaysa.18/6/08
|
 |
C/raxmaan
Ibi oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku baxayaan Wakhtigii
loo qabtay.
Cabdi
Raxmaan xaaji Aadan Ibi oo xalay u waramayay qaar ka mid ah
warbaahinta muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee
xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
ay dalka Soomaaliya uga baxayaan mudadii loo qabtay iyaga
oo aan hal maalina ku darsan.18/6/08
|
 |
Guddiga
Dib u heshiisiinta DF oo Markii ugu horeysay Ku baaqay In
wada xaajood lala galo Dagaalyahanada Hubeysan ee Ururka Al-shabaab.
Guddiga
dib u heshiisiinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay ku baaqay
in wada xaajood lala galo dagaalyahanada hubeysan ee ururka
Al-shabaab oo kamid ah xoogagga dagaalka kula jira dwladda
KMG ah iyo ciidamada Ethiopia. 18/6/08
|
 |
Baabuur
Shacab ah oo Ku gadoomay Inta u dhaxaysa Magaalooyinka Fiiq
iyo Baabili ee Wadanka S/galbeed.
Shil
Baabuur ayaa waxaa uu ka dhacay jidka u dhaxeeya Baabili iyo
Fiiq ee Dhulka Soomaaligalbeed, halkaas oo dadkii baabuurkaas
saarnaa intoodii badnayd ay soo gaadhay dhaawacyo sahlan,
mana jirin qof ku dhintay Shilkaas Baabuur.17/6/08
|
 |
Hawlgalkii
Ururka Codka Nabd raadinta Ogadenia uu ku Tagay Washington
DC.
Ururka
codka nabad-radinta Ogadenia (Ogaden Voice for Peace-OVP)
ayaa hawlgal taariikhi ah socdayna muddo 6 maalmood kuna salaysnaa
baadigoobka xaqa aayo ka tashi ee gobolka Ogaden & u ololeynta
xuquuqda bulshada ku nool gobolkaa kaga soo noqday caasimadda
dalka maraykanka Washington DC.17/6/08
|
 |
Raisul
Wazaraha Wadanka Kenya mr RAILA ODINGA oo u Ambabaxay Wadanak
Maraykanka.
Raisul
wazaraha wadanka kenya mr RAILA ODINGA ayaa u ambabaxay wadanak
maraykanka halkaas oo lafilayo in uu laqaato shirar kaladuwan
xubno katirsan dowlada maraykanka ayada oo si;gaar aha farta
loogu fiiqayo in uu lakulmi doono ninka isudiyaarinhaya in
uu noqdo madaxwaynaha dalkaas BRAK OBAMA oo ay isku jifayihiin
MR ODINGA
MR:ODINGA.17/6/08
|
 |
War
deg degah:
Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG oo Kudabaal degaya magaalada
Galaalshe Kadib markii ay Isaga Carareen Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Galaalshe ee Gobolka
Nogbeed ee wadanka S/galbeed ayaa iska cararay magaaladaas
oo ay mudooyinkanba degenaayeen, kadib markii ay ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG ay soo kor dageen magaaladaas..16/6/08
|
 |
Saraakiil
Ka tirsan Ciidanka Booliska DFoo Siminaar Siminaar Uga furmay
Magaalada Kambala ee Dalka Ugandha.
Saraakiil
ka tirsan ciidanka booliska dowladda Soomaaliya ayaa waxa
uu siminaar uga furmay magaalada Kambala ee dalka Ugandha,
iyadoo saraakiisha siminaarka lagu bari doono waxyaabo badan
oo quseeya ciidanka booliska Soomaaliyeed.16/6/08
|
 |
Culumaa'udiinka
ku dhaqan Deegaanka Xarayaale ee Degmada Wardhiigley oo Ugu
baaqay Dowladda KMG ah in ay siidayso Mu'adinkii Masaajidka
Xaafadda Xararyaale.
Culumaa'udiinka
ku dhaqan deegaanka Xarayaale ee degmada Wardhiigley ayaa
ugu baaqay dowladda KMG ah in ay siidayso mu'adinkii masaajidka
xaafadda Xararyaale Sheekh Xuseen Muuse Hiraabe kaas oo todobaadyo
ka hor ay ciidamada dowladdu ka kexeysteen masaajidka Xararyaale.16/6/08
|
 |
Rabshado
Xalay Kadhacay Magaalada Kismaayo oo ay Dad ku dhinteen Qaarna
Kudhaawacmeen.
Dhimasho
iyo dhaawac ayaa ka dhashay habeenkii xalay ahaa magaalada
kismaayo kadib markii kooxo Maleeshiyaad ah ay weerar ku qaadeen
Xero ciidan oo ku taala Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.15/6/08
|
 |
Qaar
kamid ah Saraakiisha Ciidamada MMIS oo Shaaca Kaqaaday in
ay Dagaalka ay kala soo horjeedaan Gumaysiga Itoobiya ay Siiwadi
doonaaan.
Saraakiisha
Ciidanka Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya
ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay sii wadayaan dagaalka ay
kula jiraan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah.14/6/08
|
  |
DAWLADAHA
KENYA IYO MASAR OO GAADHAY HESHIIS ISKAASHI OO DHANKA CAAFIMAAD
KA AHA.
Wadamada
Masar iyo kenya ayaa heshiis iskaashi dhanka caafimaadka ah
gaaadhay, kuwaas oo uu dhanka wadanka kenya shaaciyay waziirka
caafimaadka dalka kenya YAN YON isagoo uu wasiirku sheegay
in heshiiskan ay gaadheen labada dal ay faaiido wayn utahay
wadanka kenya.14/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Kaguuray Gudaha Magaalada B/weyne.
Ciidamada
Ethiopia ee todobaadyadii ina dhaafay ku sugnaa gudaha magaalada
Baledweyne ayaa halkaasi faaruqiyey iyagoo ka guuray saldhigga
ciidanka ee magaalada Baledweyne iyo buundada Liiqliiqato
oo dhawaanahaan ay ku sugnaayeen.14/6/08
|
 |
Todobaadka
Iyo Shirarkii Magaalada Jigjiga oo Rag Caan ahaa Lagu xidhay
.
Toddobaadkii
aynu soo dhaafnay bilowgiisii ayaa Shir waxaa uu uga furmay
Madaxda Kililka magaalada Jigjiga, Shirkan oo ahaa mid ay
uga dan lahaayeen Madaxda Guumaysiga la shaqeysa ee ku sugan
Jigjiga inay ku ogaadaan dadka iyaga ka soo horjeeda siyaasad
ahaan isla markaana Guumaysigu ku tuhmayo inay xidhiidh la
leeyihiin Jabhadaha ka soo horjeeda Maamulka Kililka ee ka
dagaallama Dhulka S/galbeed.13/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dil iyo Xarigba kagaystay Tuulooyinka
Firdiidaha, Daalo
Tayawga iyo Dhankayrka.
9/6/08
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa dil iyo xarigba u gaystay
dadka ku dhaqan Tuulada FIRDIIDAHA oo katirsam magaalada GALAALSHE
ee Gobolka Nogbeed ee wadanka S/galbeed.13/6/08
|
 |
DORASHOOYIN
KII KURAASTA BAR LAMAAN KA DALKA KENYA GOOBIHII LAYSKU HAYSTAY
IYO MIISAANIYADA WADANKA OO LASHAACIYAY.
Lagabillaabo
shalay subaxnimadii illaa maanta galin kii hore ayaa waxaa
socotay codbixin loogu codayn hayay kuraas tii barlamaanka
ee dhimanayd ee ay gudiga doorashooyinka wadanka kenya dib
udhigeen markii ay arkeen isqabqabsi iyo amaan xumo kajirtay
meelahaas12/6/08
|
 |
Maydad
Dad Soomaaliyeed oo Laga helay Xeebaha Jazeerada Malta Iyagoo
u socday Dhanka Yemen..
Meydadka
tahriibayaal Soomaali ah ayaa laga helay meel ku dhow jaziirada
Malta kadib markii ay soo caariyeen iyadoo meydadkaan la helay
ay qeyb ka yihiin tiro dad Soomaali ah oo weli nolol iyo geeri
aan lagu heynin.12/6/08
|
 |
Dagaal
Xooggan oo U dhexeeya Ciidamada Dowlada FD, Kuwa Ethiopia,
Ciidamada AMISOM oo Isku garab ah iyo Muqaawamada Soomaaliyeed
oo Ka qarxay Isgoyska KM4.
Dagaal
xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowlada, ciidamada Ethiopia,
ciidamada AMISOM oo isku garab ah iyo kooxaha ka horjeeda
ayaa ka qarxay isgoyska KM4 illaa wadada maka al-mukarama
ee magaalada Muqdisho.12/6/08
|
 |
Dowladda
Ruushka oo Markii ugu Horeysay Shaaca Ka qaaday in ay Caawinta
Dadka Soomaaliyeed.
Dowladda
Ruushka ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay qeyb
ka qaadaneyso caawinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan
gudaha dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay
wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.11/6/08
|
 |
Dagaal
u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea oo Ka qarxay Xadka
ay Wadaagaan Labadaasi Dal.
Dagaal
u dhexeeya dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa ka qarxay xadka
ay wadaagaan labadaasi dal, kadib markii ciidamo ka soo goostay
dalka Eretrea ay gudaha u galeen dalka Jabuuti taas oo dhalisay
muran iyo isqabqabsi.11/6/08
|
 |
Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay oo Soo dhaweeyey Heshiiskii Dalka
Jabuutgi
.
Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii
ay dhawaan dalka Jabuutgi ku gaareen dowladda KMG ah iyo isbeheysiga
dib u xoreynta Soomaaliya kuwaas oo muddo wada hadalo uu dhex
dhexaadinayey wakiilka gaarka ah ee Qaraama Midoobay ku lahaa
dalka Jabuuti11/6/08
|
 |
Dowladda
Mareykanka oo Soo dhaweysay Heshiiskii ay Dhinacyada Dowladda
KMG ah iyo Qaar kamid ah Isbeheysiga Dib u xoreynta Ku wada
gaareen Magaalada Jabuuti .
Dowladda
mareykanka ayaa soo dhaweysay heshiiskii ay dhawaan dhinacyada
dowladda KMG ah iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta
ku wada gaareen magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.11/6/08
|
 |
Wardegdeg
ah: In kabadan 100 qof oo suudaaniin ah oo caawa ku
dhimatay Diyaarad rakaab oo ay lahaayeen wadanka suudaan oo
katimid dhanka wadanka camaan oo uu dab qabsaday kuna gubatay
garaanka khartuum dhexdiisa.
Diyaaradan oo uu dabxoogan qabsaday kana qabsaday meeshii
ay rakaabku sasoo dagi lahaayeen ayaa sababay in uu dadkii
diyaarada ku jiray oo 200 oo qof ahaa ay u sooro gashashay
in ay 100 00 kaliya ay kabad baadaan intii kalana ay ku geeriyooto
diyaatada gudaheeda.
Ciidamada Dab damiska wadanka Suudaan ayay usuuro gali wayday
in ay diyaaradaas damiyaan oo ay badbaadiyaan rakaabkii ku
dhex xayirmay gudaha diyaarada.11/6/08
|
 |
Xabsiga
Lagu Magacaabo Neefdiid ee Kuyaala Magaalada Dhanaan oo 20
qof in kabadan Lagu xidh xidhay.
Ciidamada
gumaysiga Itoobiya oo ay lashaqaynayaan qaar calooshood ushaqaystayaal
ah oo isku magacaabay maamulka Degmada dhanaan iyo tuulada
Burqayar ayaa in kabadan 20 qof oo shacab ah oo ay kamid yihiin
dumar Umulo ah ka soo aruuriyay deegaankaas oo xabsiga aan
meel duleesha lahayn ku aruuriyay.10/6/08
|
 |
Ciidamo
ka tirsan dowladda KMG oo Maanta Siyaabo kala duwan Toogasho
ugu Dilay Labo qof oo Rayid ah Magaalada Muqdisho iyo Degmada
Afgooye.
Ciidamo
ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta siyaabo kala duwan toogasho
ugu dilay labo qof oo rayid ah magaalada Muqdisho iyo degmada
Afgooye oo ka kala tirsan gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.10/6/08
|
 |
Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo Wax kama jiraan ku tilmaamay Heshiiskii
ay Dalka Jabuuti ku wada gaareen Dowladda KMG ah iyo Mucaaradka.
Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga Asma ayaa wax
kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay dalka Jabuuti ku wada
gaareen dowladda KMG ah iyo mucaaradka ku bohoobay isbeheysiga
dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara.10/6/08
|
 |
Qodobada
ugu muhiimsan ee heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen dowladda
KMG iyo isbeheysiga dib u xoreynta.
Heshiis ayey ku gaareen magaalada Jabuuti ee xarunta dalka
Jabuuti dowladda KMG ah iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta
Soomaaliya kadib markii beesha caalamku ay muddo dhex dhexaadinayeen
labada dhinac.10/6/08
|
 |
Shirwayne
loogu Magac daray Walaaleeynta
Bulshadda k/afrika & La dagaalanka Jinsi naceeybka oo
ka dhacay Wadanka K/Afrika.
port
elizabeth: shir weyn oo shalay ka dhacay magaaladda port
elizabeth ee gobolka Eastern cape ooy ka soo qeyb galeen qeybaha
gala duwan ee dowladda Gobolka iyo dhamaan hay'addaha Rayidka
ayuu cinwaankiisu ahaa( walaaleeynta bulshadda k/afrika &
la dagaalanka jinsi naceeybka)9/6/08
|
 |
Magaalada
Galaalshe ee Gobolka Nogbeed ee Wadanka S/galbeed oo Dad shacab
ah lagu xir xiray.
Wararka
naga soo gaadhaya mid kamid ah Wariyaasha ciidanka MJXSG oo
lagu magacaabo Gamaadiid oo ku sugan aaga magaalada Galaashe
ee gobolka Nogbeed ee wadanka s/galabeed ayaa sheegaya in
dad shacab ah oo safar ahaa tiradooduna ay ahayd 10 qof laga
qab qabtay wada dheer ee dhex marta magaaladaas ee isku xidha
qaar kamid ah magaalooyinka wadanka.9/6/08
|
 |
Tuulada
Laanqayrta ee Gobolka Qoraxay oo 7 Qof oo shacab ah lagu xidh
xidhay
Wararka
aan kahelayno wariye Dabcasar oo katirsan ciidamada MJXSG
oo ku sugan aaga Gobolka Qoraxay gaar ahaan Tuulada Laanqayrta
ayaa noo sheegay in la xidh xidhay dadbadan oo katirsanaa
dadka shacabka ah ee degenaa Tuuladaas, dadkaas oo ay tiradoodu
dhantahay 7ruux oo ay midi haweenay tahay.9/6/08
|
 |
Goobihii
uu Dagaalkii Shalay kadhacay ee Magaalada Muqdisho oo Saaka
Degen.
Goobihii
ay shalay dagaaladu ka dheceen ayaa saakay ah kuwo deggan
oo aaney ka jirin wax dagaallo ah waxaana dib u bilowday ganacsigii
iyo isu socodkii gaadiidka iyo dadweyanaha.9/6/08
|
 |
WARSAXAAFADEED
KU SAABSAN CAMBAAREYNTA DUQEYNTA AY CIIDAMADA ETHIOPIA KA
GEYSTEEN MAGAALADA MUQDISHO.
Isbahaysiga
Dib u Xoreynta Xoomaaliya wuxuu cambaareynayaa duqeynta ba'an
ee ciidamda Ethiopia la beegsadeen maanta magaalada muqdisho
gaar ahaan suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kaas
oo sababay dhimashada in ka badan 20 qof iyo dhaawac fara
badan oo soo gaaray dadka rayidka ah oo ay ku jiraan caruur
iyo haween ku sugnaa goobaha la duqeeyey. 9/6/08
|
 |
Warsaxaafadeed
ay soo saareen Midawga Ardayda Gobolka Banadir
Hadii aan nahay ardayda gobolka bandir waxkubarta waxaan canbaareyn
dusha uga tuurnay xasuuqiii maanta ka dhacay suuqa weyn ee bakaaraha
iyo Madafiicda aan loomeeldayin ee si arxan la aanta ah loo
sootuurayay. 9/6/08
|
 |
14
Arday oo ufadhiday Imtixaankii Fasalka 10aad ee Dugsiga Sare
oo Xabsiga Ladhigay iyaga iyo Waraaqahoodii Imtixaanka.
Ugu
yaraan 14 Arday ah oo wakhtigaa u fadhiday Imtixaanaadka fasalka
10aad ayaa Xabsiga magaalada Jigjiga loo taxaabay, Ardaydan
oo isugu jira kuwo ka kala yimid Degmooyinka uu Degaanku ka
kooban yahay ayaa caawa xabsiga ku jira.7/6/08
|
 |
Shir
ay Yeesheen Qaar Kamid ah Hay'adaha Samafalka iyo Males oo
ku soo ku dhamaaday Hanjabaad.
Madaxa
ugu sareeya taliska Guumaysiga Malas ayaa shir waxaa uu dhawaan
la yeeshay masuulyiin dhawr hay'adood oo samafal ah, kuwaas
oo uu kala hadlay waxyaabo badan oo ku xidhan qaabkii ay uga
shaqayn lahaayeen dhulka Itoobiya.7/6/08
|
 |
Kitaabka
Qur'aanka Kariimka oo Kor u akhrintiisa Jaamicadaha la isaga
SaarayoDalka Itoobiya.
Jaamacadaha
ku yaal Magaalada Maqale ayaa dhibaato weyni waxay ka haysataa
Ardayda wax ka barata Jaamacadahaas siiba kuwooda Muslimiinta
ah, iyadoo si gaar ah loo takooro Ardayda Muslimiinta ah ee
wax ka barta Jaamcadaha magaalada Maqale ee dhulka Tigeegga.7/6/08
|
 |
Xamaro
oo ay Ku dagalameen Kooxo Daba qoodhi ah Waxna iska dilay.
Ciidamada
calooshood ushaqaystayaasha gumaysi kalkaalka ah ee lagu magacaabo
DABAQOODHIGA ayuu dagaal ku dhexmaray magaalada xamaro ee
gobolka nogbeed ee wadanka s/galbeed.7/6/08
|
 |
Burqayar
oo uu Cadawgu ku Xidh xidhay Dad badan oo shacab ah.
Magaalada
Burqayar ee katirsan Degmada Dhanaan ee Gobolka Godey ee wadanka
s/galbeed ayaa lagu xidhxidhay dad badan oo shacab ah oo ay
ku jiraan haween umulo ah.7/6/08
|
 |
Magaalada
Baabili ee Wadanka S/galbeed oo Dad Ganacsato ah Lagu xidh
xidhay Xoolahoodiina Lagu dhacay.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ayaa dadbadan oo ganacsato ah oo xoolo
u iibgeeyay magaalada Baabili oo ay saylad xoolaad kafuran
tahay ku xidh xidhay magaaladaas, xoolahoodiina kadhacay.7/6/08
|
 |
Guddoomiye
Ku xigeenka Isbaheysiga Dib u Xoreynta Somaliya oo Si kulul
u weeraray Madaxda Isbaheysiga ee ku Sugan dalka Jabuuti.
Guddoomiye
ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya ayaa si kulul
waxa uu u Weeraray madaxda Isbaheysiga isagoo ku eedeeyay
in ay galeen qiyaano qaran oo ka dhan ah Isbaheysiga dib u
Xoreynta Somaliya.6/6/08
|
 |
Gumaadka
Qarsoodiga ah ee Lagu hayo Shacabka Magaalada Muqdisho oo
Siibadanaya.
Meydadka
seddax qof oo rayid ah oo xalay lagu dilay qeybo kamid ah
magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala suwan saakay loogu arkay
magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.5/6/08
|
 |
Labada
Garab ee Ku hiraya Wadanka Jabuuti oo Ku heshiiyayin laysaga
Dhex baxo.
Dhinacyada
ku shirsan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa
isku afgartay in safiirada shisheeye laga saaro shirka uga
socda magaalada Jabuuti kadib markii uu shirka maalintii shalay
hareeyey khilaaf ka dhashay ka qeybgalka shirka ee safiirka
dowladda Ethiopia u fadhiya dalka Jabuuti.5/6/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dad Shacab ah Kugumaaday Degmada Galaalshe
ee Wadanka S/galbeed.
2/6/08
Ciidamada Cumaysiga Itoobiya ayaa dad shacab ah ku laayay
degmada galaalshe ee Gobolka Nogbeed ee Dhulka s/galbeed.
Shacabka ku dhaqan magaalada galaalshe iyo Agagaarkeeda ayaa
aad uga argagaxay sida bahalnimada ah ee ay sameeyeen ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga degmada Galaalshe4/6/08
|
 |
Tuulada
Sanxaskule ee Degmada Garbo oo ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
Kaqafaasheen 3 Nin oo Caan ka ahaa Tuuladaas.
3/6/08
Tuuladda Sanxaskulle ee Degmada Garbo ee Gobolka Nogbeed ee
Wadanka S/galbeed ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya oo marayay
tuuladaas waxay ka kaxaysteen sadex nin oo uu kamid ahaa KAAMIL
SH XAYDAR oo ah nin caan ka ah tuuladaas iyo agagaarkeeda.4/6/08
|
 |
Roobyaraan
Kajirta Wadanka S/galbeed oo sasabay in aan Labeeranin Dhulkii
Beereedkii Caanka ka ahaa wadanka S/galbeed.
Dhulka
S/galbeed ayaa laga soo sheegayaa roobyaraan ba'an kuwaas
oo dhulkii labeeran jiray aan maanta labeeranin. Wararka aan
kahelayno Tuulooyinka hoostaga Degmada Gunagado, sida BOODHLAY,
WARGAADSAN, IYO BALISAREEDO. ayaa lagu soo waramayaa in ay
oon ba'ani kajirto deegaankaas oo dad iyo duunyo waxii kunoolaa
ay kahayaamayaan.4/6/08
|
 |
Dadka
ku dhaqan Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose oo Udiyaar
garoobay Weerar Kaga yimaada Dhanka Ciidamada Kenya.
Dadka
ku dhaqan degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda hoose ayaa
u diyaar garoobay weerar kaga yimaada dhanka ciidamada kenya,
kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ee wadanka kenya ay shalay
ku dulwareegeen magaladas iyagoo joog hoose ku socda.4/6/08
|
 |
Diyaaradaha
Dagaalka oo Maalintii labaad Dulheehaabaya Magaalada Dgooblay
ee G/J/Hoose.
Diyaaradaha
dagaalka dalka Kenya oo joog hoose ku duulaya ayaa maalintii
labaad dul heehaabaya deegaanka Dhoobley oo ku yaala xadka
ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.4/6/08
|
 |
Siday
u arkaan Dadka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya Shirkii Jabuuti.
Shacabka
ku dhaqan dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arka shirka ka
socda magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti iyo natiijada
ka soo bixi karta.3/6/08
|
 |
Kooxo
Hubeysan oo Maanta Toogasho Ku dilay Allaha u Naxariitsee
Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Kooxo
hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay allaha u naxariitsee
afhayeenkii ganacsatada gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale
isagoo maraya meel ku dhow isgoyska Bakaaraha ee magaalada
Muqdisho.3/6/08
|
 |
Xoogaga
Middowga Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed oo lawareegay Xarunta
Manaas.
Xoogag
taabacsan maxkamadaha islaamka ayaa dagaal kula wareegay xerada
tababarka ciidamada Manaas oo ku taala gobolka Bay qiyaastiina
magaalada Beydhabo u jirta 45 KM.
3/6/08
|
 |
C/laahi
Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo oo Saakay Aroortii ka soo
Degay garoonka Magaalada Muqdisho.
C/laahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay aroortii
ka soo degay garoonka weyn ee magaalada kadib markii uu ka
soo duulay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti halkaas
oo uu kaga soo qeyb galay kulan ay safiirada golaha amaanka
la qaateen dowladda iyo mucaaradkeeda
3 /6/08
|
 |
Qarax
Xalay lala Beegsaday Goob Shaneemo ah oo Kutaala Gaalkacyo
oo ay Dadku dhinteen.
Faah
faahin dheeraad ah ayaa ka soo bexeysa khasaaraha ka dhashay
bam gacmeed xalay fiidkii hore lagu tuuray goob aflaanta lagu
daawado oo ku taala magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka
Mudug halkaas oo dadna ay ku dhinteen kuwa kale ay ku dhaawacmeen
3/6/08
|
 |
Mujaahidiinta
koonfurta Soomaaliya oo xalay Maxaabiis Kasoo daystay saldhiga
Dhajabuula ee Dalka Kenya.
Mujaahidiinta
koonfurta Soomaaliyeed ayaa xalay abaare 02:00 saq Dhexe weerar
qorshaysan ku qaaday Tuulada Dhadajabuula oo 15km
ujirta magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose.1/6/08
|
 |
Mujaahidiinta
Soomaaliyeed oo Hoobiyaal ku garaacay garoonka Diraaradaha
Muqdisho.
Kooxaha
hubeysan ee ka horjeeda siyaasadda dowladda ayaa madaafiic
aan tiradooda la heynin ku weeraray garoonka magaalada Muqdisho
xilli wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Yuusuf ay ka dhoofayeen
garoonak diyaaradaha.1 |