 |
DADKA
DANYARTA MAGAALADA JIGJIGA OO NOQDAY DADKA UGU SAHLAN EE XABSIYADALAGEEYO.
Ciidamada
Guumaysiga ayaa maalin dhawayd waxay Xabsiga Jigjiga dhigeen Gabadh
xoogsato ahayd oo ciyaalkeeda suuqa uga xamaali jirtay, Gabadhan
aya ahayd gabadh suuqa ku leh maqaaxi yar isla markaana ahayd Gabadh
Maskiin ah oo quutal ciyaalkeeda uga raadin jirtay maqaaxidaas.19/8/08
|
 |
DAD
KA SOO BARAKACAY S/GALBEED OO SOOGAADHAY XERYAHA QAXOOTIGA DADAB
EE
WADANKA KENYA
.
Waxaa
waayahanba kusoo qulqulayay xeryaha qaxootiga ee ku yaala wadanka
kenya dad kasoo barakacay gabolada uu kakooban yahay wadanka s/galbeed.19/8/08
|
 |
MID
KAMID AH ISBAHAYSIGII ISLAAM LADIRIRKA SOOMAALIYA OO LADILAY.
Mid
kamid ah shaqsiyaadkii ku bohoobay isbeheysigii argagixiso la dirirka
ayaa lagu dilay deegaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.18/8/08
|
 |
XAFLAD
LAGU SOO GABAGABEEYAY KOOBKII KUBADDA CAGTA EE GOBOLKA ESTRENCAPE
EE WADANKA SOUTH AFRICA OO AY KU GUULAYSATAY KOOX LOOYAQAANO AL-SHABAAB.
Xaflad
aad loosoo agaasimay oo lugu maamusayo munaasabad lugu xiraayo horyalkii
Gobalka Eastern Cape ee Cariga K/Africa ayaa waxaa lugu qabtay Xafiiska
Jaaliyada (SASA) Ee Gobalka Eastern Cape.18/8/08
|
 |
MADAXDA
MAAMULKA KILILKA OO LAGU GAMGAMAYNAYO MAGAALADA ADIS ABABA.
Waxaad
waayo joogtaba marbuu wiishku kula kici!!.
Sida ay wararku tibaaxayaan waxuu shir gam game ah uga socdaa magaalada
adis ababa madaxdii daba qoodhiga ee kililka oo ay maanta marayso
in ay is fashiliyaan , cadeeyaana midkoodii nabad diid ah hadii
kale ay mudanayaaan ciqaab waajib kooda ah..18/8/08
|
 |
KHILAAFKA
U DHAXEEYA MAAMULKA KILILKA OO CIRKA ISKU SHAREERAY.
Waxaa maalmahan dambe Khilaaf xoogani u dhaxeeyay Madaxda sarsare
ee Maamulka Lugbuur kuwaas oo si xun isku haystay isla markaana
u jirsaday inay gacanta isu qaadaan, Khilaafkan ayaa waxaa uu kala
ahaa laba saf, waxaa dhinac iskula jiray Lugbuur iyo C/fataax Sh.
C/laahi oo ah Ninka haysta Xisbiga Sheegta Magaca Soomaaliga ee
Guumaysiga u adeegga..17/8/08
|
 |
CANBAAREEYN
KU AADAN XASUUQII KA DHACAY CARBISKA
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey canbaareeyneysaa falkii waxshi
nimada ahaa ee ku kaceen ciidamadda Ethiopia ee ku sugan agagaarka
magaaladda afgooye taas ooy xabad iskaga fureen baabuurta shacabka
BL-ka loo yaqaano.17/8/08
|
 |
DADKA
U KALA GOOSHA MAGAALOOYINKA MUQDISHO IYO AFGOOYE OO XAYIRAAD LAGU
SOO ROGAY.
Wadada
isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa maalintii 2-aad
u xiran ciidamada Itoobiya oo shalay wadadaas qaraxyo iyo iska horimaad
lagula beegsaday.16/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY MAGAALADA BALADWEYNE.
Ciidamada
mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada
gumaysiga itoobiya ku leeyihiin gudaha magaalada baladweyne ee caasimada
golbolka hiiraan.16/8/08
|
 |
MID
KAMID AH DIYAARADAHA QAADKA GEEYA SOOMAALIYA OO BURBURTAY.
Mid
kamid ah diyaaraha qaadka ka keena dalka Kenya ayaa saaka ku dhacday
garoonka Number 50 ee gobolka Sh/hoose.13/8/08
|
 |
MID
KAMID AH MAS'UULIYIINTA MAGAALADA MUQDISHO OO LADHAAWACAY.
Guddoomiye
waaxeedkii waaxda Hilaac ee degmada Xamarweyne ayaa kooxo hubeysan
saaka waaberigii waxa ay ku dhaaweceen qeybo kamid ah degmada Xamarweyne
ee magaalada Muqdisho. 13/8/08
|
 |
KOOXO
HUBAYSAN OO DAD SHACAB AH KU DILAY INTA U DHAXAYSAGOSHA IYO KISMAAYO.
Kooxo
burcad ah ayaa tacshiirad ku furay gaariga rakaab ah oo marayey
meel u dhexeysa deegaanka Mareerey iyo magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka J/hoose.12/8/08
|
 |
MAAMULKA
LUGBUUR OO ALBAABADA U XIRAY LABO HAY,ADOOD OO SAMAFAL AH.
Maamulka
Cabdulaahi Lugbuur ayaa waxay Albaabada u xidheen Laba Hay'adood
oo wakhtiyo dhaadheer ka hawlgali jiray meelo badan oo ka mid ah
Dhulka Soomaaligalbeed, labadan Hay'adood oo magacdooda la kala
yidhaahdo HOPE FOR THE HORN iyo AL-NAJAX.12/8/08
|
 |
MADRASADA
CUMAR BIN KHADAAB OO UU MAAMULKA LUGBUUR UFARA QANIINAYO INUU XIDHO.
Madrasada
Cumar Binu-khadaab oo ak mid ah Madaarista waaweyn ee caanka ka
ah magaalada Jigjiga ayaa waxaa looga cabsi qabaa in Maamulka Lugbuur
xidho madrasadaas, kaddib markii maamulkaasi ku eedeeyay Macalimiinta
Madrasadaas inay xidhiidho la leeyihiin Jabhadaha ka dagaallma Degaanka.11/8/08
|
 |
DHIBADADA
LAGU HAYO MUSLIMIINTA KENYA OO MARAYSA MESHII OOGU XUMAYD
Ayada
ooy wayahanba laguhayay cadadsi aad uba,an muslimiinta kenya aya
waxa hada oogu dambaysay wiil dhalinyara oo habeenkii xalay haa
loogaystay tacadi kii oguxumaa.11/8/08
|
| |
CIIDAMADA
KENYA OO DHALIN YARO REER GAARISA AH XABSIGA U TAXAABAY.
Mararka
naga soo gadhaya magalada garisa ee xarunta gobalak waqooyi bari
kenya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in shalay galin kii danbe lagaqabatay
goob lagaraaco gawaadhida ukala gooshta magalada garisa iyo xeryaha
qaxotiga ee dhadhab 4 ruux, waxa naloo xaqiiyay in ay ciidanka boliska
ah ee lootababaray in ay kahortagan argagixisadain in ay qabteen
4 ruux oo aha kuwo sugahayay gadhi,dadkan laqabatay aya waxaa kujira
wiil dhalinyara aha oo caanka ka aha magalada garisa kaas oo lagumagacaabo
MAXAMED MANSUUR11/8/08
|
 |
CIIDAMADA
GUMAYSIGA ITOOBIYA OO XASUUQ KAGAYSTAY DEGMADA WANLAWAYN.
Ciidamada
Itoobiya ayaa maanta dad rayid ah ku laayey degmada Wanlaweyne ee
gobolka Sh/hoose halkaas oo qarax lagula beegsaday maanta.11/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY XARUN AY DEGENAAYEEN
CIIDAMADAGUMAYSIGA ITOOBIYA.
Xoogagga
hubeysan ee ka horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa barqadii maanta
weerar waxa ay ku qaadeen fariisinka ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa
dowladda KMG ah ay ku leeyihiin xaruntii hore ee warshadda Baastada.11/8/08
|
 |
ASKARI
KATIRSAN CIIDAMADA GUMAYSI KAL KAALKA OO QOF RAYID AH KU DILAY MAGAALADA
MUQDISHO.
Askari
katirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa maanta nin rayid ah ku
dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.11/8/08
|
 |
QAAR
KAMID AH BAABUURTA ITOOBIYAANKA OO LAGU GUBAY INTA UDHAXAYSA AFGOOYE
IYO XAMAR.
Labo
kamid ah gawaarida ay inta badan adeegsadaan ciidamada Itoobiya
ee loo yaqaan Uralka ayaa xalay lagu gubay meel u dhexeysa deegaanada
Siinka Dheere iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.11/8/08
|
 |
XOOGGA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY KULIYADII JAALE SIYAAD.
Waaberigii
hore ee saaka ayaa xoogagga hubeysan ee Al-shabaab waxa ay weerar
ku qaadeen fariisin ay ciidamada Copy-ga Itoobiya ku leeyihiin xaruntii
hore ee kuliyadda Jaalle Siyaad.11/8/08
|
 |
KOOXO
HUBAYSAN OO NIN KU DILAY DEGMADA MADIINAEE MAGAALADA MUQDISHO.
Kooxo
hubeysan ayaa xalay fiidkii abaaro 7:00 nin ku dilay xaafadda
Macmacaanka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.11/8/08
|
 |
ISKUULKA
OOGU CAANSAN GOBOLKA WAQOOYI BARI EE KENYA OO LA ISKU HAYSTO LAHAANSHIHIISA
Magaalada
Gaarisa oo aha caasimada gobalka waqooyi bari ayaa waxaa dhawaanahanba
kataagnaa isqabqabsi dhanka dhulka aha iyada ooy taas jirto ayaa
waxaa hada soo ifbaxday in iskuulka oogu caansan uguna da,da wayn
gobalka waqoyibari in ay sheegteen ganacasto rer gaarisa ah lahaanshihiisa.9/8/08
|
 |
Xoogagga
Al-Shabaab oo la wareegay Maanta Magaalada Xuduree Gobolka Bakool.
Dagaalyahannada
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta
Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyada oo Maamulkii DFKMG
ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya uga wakiilka ahaana isaga baxeen.8/8/08
|
 |
Ganacsatada
Magaalada Jigjiga oo lakala Dooransiiyay ama Xabsi ama Shirka oo
ay Udareeraan iyagoo Albaabada ulaabay Ganacsigooda.
Maamulka
Lugbuur ayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga amar ku bixiyay
inay ka soo qayb galaan Shirarka ka kala socda dhammaan Xaafadaha
magaalada Jigjiga, Shirarkan oo Xaafad walba goonideed loogu qabanayo
ayaa waxaa qasab lagaga dhigay Shacabka inay ka soo qayb galaan
isla markaana Albaabada u xidhaan meheradahooda.7/8/08
|
 |
Magaaladda
Fiiq oo ay kataagan tahay Caryaa hadla oon laxidhin!!.
Wararka
aanu ka helayno magaalada Fiiq ayaa sheegaya in Shirkii dhawaan
Maamulka Lugbuur u qabtay Shaqaalaha Degmadaas uu wali socdo iyadoo
intii uu shirkaasi socdayna dad badan xabsiga loo taxaabay kuwaas
oo Maamulka Lugbuur ku eedeeyay inay Xidhiidh la leeyihiin Jabhadaha
Degaanka ka dagaalama.7/8/08
|
 |
Magaalooyinka
Wadanka S/galbeed oo ay Raashiin La'aani Kajirto.
Magaalooyinkii
waawaynaa eewadanka s/galbeed sida Qabridahare, wardheer, jigjiga,
Dhagaxbuur, Godey iyo Fiiq, oo dhammaantoodba ah magaalo madaxyada
gobolada ay ciidamadagumaysiga Itoobiya ay cuna qabataynta ku hayaan.6/8/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Labo macalin Qur'aan kala baxay Magaalada
Jigjiga.
Ciidamada
Guumaysiga ayaa habeen hore waxay magaalada Jigjiga ka xidheen 2
Macalimiin Qur'aan ahaa kuwaas oo Madraso ka dhigi jiray xaafadda
8aad ee magaalada Jigjiga, macalimiintan ayay Guumaysigu qabteen
xilli ay ku sugnaayeen gudaha madrasada oo ay Arday Quraanka u dhigayeen,
loomana sheegin waxa lagu xidhayo balse amar umbaa lagu siiyay inay
xidhaan madrasada isla markaana ay soo raacaan iyagu Askarta.4/8/08
|
 |
Dadka
kasoo Cararaya Maalulka Zenawi oo kusoo badanaya Wadanka Kenya.
Magaalada
Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Kanya oo buuxdhaafay dadkii kasoo
cararayay Xukuumada Itobiya iyo maamulka camiilka ah ee kajira Kilika.
Warayse uu layeeshay warsidaha S/galbeed qaar kamid ah dadkaas buux
dhaafiyay magaalooyinka kinya yaa waxay kusheegeen sababta ay usoo
cararayaan hada kahorba way joogi jireene dhibkuna wuu jiraye in
aytahay Ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maamul kusheega kililka
oo si xad dhaaf ah isaga xidhxidhaya dadweenaha iyo kuwa maamulka
kujiraba.4/8/08
|
 |
Maxaabiistii
lagu aruuriyay Magaalada fiiq oo loo furay wax layiraahdo gamgame.
Wararka
nagasoo gaadhiya gobalka Nogbeed ee wadanka S/galbeed ayaa sheegaya
in maxaabiis badan oo laga soo qaaday Degmada Dhuxun ee isla gobolkaas
loona gudbiyay magaala madaxda gobalka ee Fiiq, uu halkaas kafurmay
waxa loo yaqaano gamgame oo ah in qof walba uu qirto waxa lagu soo
eedeeyay hadii ay jirto iyo hadii aysan jirinba.3/8/08
|
 |
In
kabadan 11 Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda Nuur Cadde oo Iscasishay
Waxaa
maanta oo ku beegan 2 bisha Augast ee 2008 xilkoodii iska casilay
12 wasiir oo ka mid ah golaha Xukuumadda Nuur Cadde ee la shaqaysa
gumaysiga Itoobiya.2/8/08
|
 |
MAXAA
KALAHAYSTA ASKARTA KENYA IYO QAXOOTIGA SOMALIYEED EE KUSUGAN MAGALADA
NAIROBI?
Dadka
qaxootiga ah ee sida sharci darada aha kujooga magalada nairobi
khasatan xafada islii ayaa waxaa haysta dhibaatoyin dhowr aha, waxaan
kamid aha dhinaca dhaqalaha ,amaanka iyo waliba caafimaadka.2/8/08
|
 |
War
Degdeg ah:
Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG iyo Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Fooda Isku daray Meel udhaw Buurta Koojaar.
Ciidamada mujaahidiinta MJXSG iyo cutub katirsan Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo kayimid dhanka Magaalada Garbo ayaa fooda
isku daray meel u dhaw buurta Koojaar ee u dhay magaalad Garbo ee
gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed.1/8/08
|
 |
Shil
baabuur oo Ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo Jigjiga.
Shil
baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo
Jigjiga ayaa waxaa ku geeryooday Wakiilkii Xawaaladda Dahabshiil
u joogay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar1/8/08
|
 |
Tacsi
Tiiraanyo leh
Waxaan eeba u wadiinayna Janidii Fardawso inu kawaraabiyo Marxuum
Iidle Geedi Cabdi (Iidle Garoore) oo ku geriyooday Magalada Dhoobley
Ee Gobalka J/hoose shalay oy tarikhdu aheed 31/07/2008 Eheladii
iyo Qarabii uu katagayna samir iyo iimaan Allaah hakasiyo Ammiiiiiiiin
AAmiiiiiiiiin 1/8/08
|
 |
Qaar
Ka mid ah Imaamyada Magaaladda Jigjiga oo ay CiidamadaGumaysiga
Itoobiya Xabsiga u Taxaabeen.
Wararka
ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Xabsiga magaalada
Jigjiga loo taxaabay dhawr Culimada Jigjiga ka mid ah, Culimada
xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ka mid ah, Sheekhii masaajidka Sheekh
C/salaam ee Jigjiga oo lagu magacaabo Sh. Cabdulqaadir, iyo Sheekh
Abubakar oo isna ahaa Gudoomiyaha masaajidka Anwar, sidoo kale waxaa
isna xabsiga la dhigay dhawr kale oo dhammaantood isugu jira Culimo
iyo dad caan ka ah magaalada sida Mohamed Soomaali oo isagu ka mid
ahaa Gudida masaajidka Fooqa ee Jigjiga.31/7/08
|
 |
Shacabka
Magaalada Muqdisho iyo Agagaarkiisa oo Soodhaweeyay Xilkaqaadista
Max'ed Dheere.
Dibed
baxyo lagu taageerayo xilka ka qaadistii lagu sameeyey Maxamed Dheere
oo maanta ka kala dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho
30/7/08
|
 |
Tiro
Caruur ah oo Gaajo iyo Oon ugu Geeriyooday Meelo Kamid ah Gobolka
Hiiraan.
7-caruur
ah ayaa gaajo iyoi haraad ugu geeriyootay duleedka koonfureed ee
magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay qoysas
badan dhawaan ku barakeceen. 29/7/08
|
 |
Maxaa
Loogu yeedhay Imaamada Masaajidada Wadanka S/galbeed maxaase Laga
rabaa Culimadda?.
Waxaa
la soo gabagabeeyay Shirkii magaalada Jigjiga uga socday Culimaa'uddiinka
Degaanka kaas oo uu soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah Madaxda Maamulka
Degaanka, iyadoo Shirkan lagu lafa guray waxyaabo badan oo dhinaca
Nabagalyada ah isla markaana ujeedadiisu ahayd sidii Culimadaas
qaarkood isku fashilin lahaayeen oo ay u sheegan lahaayeen waxay
Dawladdu ka rabto oo ah inay ka mid yihiin ama taageeraan Jabhadaha
ku kacsan maamulka.29/7/08
|
 |
Shir
lagu Waxyeelaynayo Culumada S/galbeed oo ka furmay MagaaladaJigjiga.
Shir
ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Guumaysiga iyo Maamulka Lugbuur oo
lagu waxyeeleynayo Culimada magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka furmay
magaalada Jigjiga ee Dhulka S/galbeed, Shirkan ayaa ahaa mid la
isugu yeedhay dhammaan Mashaa'ikhda magaalada siiba kuwooda waaweyn.28/7/08
|
 |
Dad
u dhashay Wadanka S/galbeed oo Lagu Xidhxidhay Magaalada Mandheera
ee Wadanka Kenya.
Dad
rayid ah oo udhashay wadanka s/galbeed ayaa lagu xidhxidhay
magalada MANDERA ee kutaala xadka ay wadagaan wadanka s/galbeed
iyo kenya,dadkan rayidka ah ayaa ahaa kuwo kasoo baxsaday falalka
cadawtinimada aha iyo cidhibgooynta ay gumaysiga ethopia kuhayso
shacabka s/galbeed, dadkan ayaa isugu jira rag iyo dumarba kuwaas
oo qaarkood lasiidayay kadib markii laguxukamay lacago ganaax aha.28/7/08
|
 |
Ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG oo Baabuur Zuu ah ku gubay Duleedka Magaalada
Barmiil.
Ciidamadda Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed ee
ka howlgala Gobalka Nogbeed dhulka S/Galbeed ee lahaysto ayaa maanta
27/7/008 ka gubay Ciidmadda gumaysiga mid ka mid ah baabuurta dagaalka
duleedka tuulada Barmiilka oo ka tirsan Dagmadda Dhuxun ee gobalka
Nogbeed.27/7/08
|
 |
Ardayda
Dhigata Iskuulada Dugsiga Sare ee Wadanka Kenya oo Rabshado Sameeyay.
Inkabada
217 oo kamid aha iskuulada sare ee wadanaka kenya ayaa albaabada
loolaabay kadib markii ay arday gadoodsan kasameeyeen mudaaharaadyo
iyo rabshado isku xig xigay oo ay kukaceen aradayda wax kabarata
tugsiyadaas.26/7/08
|
 |
Ugaas
Cabdi Mux'ed Qani oo Isagoo Garbaduuban Xalay lagu soo xidhay Magaalada
Jigjiga.
Warar
lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ugaas Cabdi Ugaas Muhumed Qani
xalay Fiidkii la keenay Xabsiga weyn ee ku yaal magaalada Jigjiga,
Ugaaska ayaa horey waxaa uu ugu xidhnaa magaalada Godey halkaas
oo maamulka Lugbuur uu dhawaan ku xidhay Ugaaska.24/7/08
|
 |
Ciidamada
Guumaysiga oo Habeennimadii xalay ahaa Baadhitaanno Ka sameynayeen
Qaybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Jigjiga.
Ciidamada Guumaysiga ayaa habeennimadii xalay waxay baadhitaanno
ka sameynayeen qaybo ka mid ah Xaafadaha magaalada Jigjiga siiba
xaafadaha ku dhex yaal badhtamaha magaalada, baadhitaankan ayaa
waxaa uu bilowday salaaddii maqrib isagoo uu socday ilaa habeen
badhkii, dadka lugta ah ayaa meel kasta lagu baadhayay isla markaana
la waydiinayay Waraaqaha Aqoonsiga.24/7/08
|
 |
Wiil
Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Rastanbark ee Wadanka S/afrika
Ayada
oy sii kordhaysay dhibaada laguhayo dadka qaxootiga ku aha k/afrika
ayaa waxaa noqday qofkii udambeeyay ee lagu dilo wadankaas wiil
dhaliyara aha oo lagu magacaabi jiray MAXAMD DEEQ OMAR IBRAHIM xili
uu kusugnaa tukaan kuyaala magalada macadanta iyo maarta laga qodo
ee RASTAN BARK taas oo kutaala waqooyi galbeed ee wadanka k/afrika.24/7/08
|
 |
Markab
laga leeyahay Australia oo Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay Afduubteen.
Markab laga leeyahay dalka Australia ayaa kooxo burcad badeed Soomaali
ah waxa ay ku afduubteen xeebaha u dhexeeya dalka Yemen iyo maamulka
Puntland.23/7/08
|
 |
Tuulada
Horato oo ay Ciidamada Itoobiya Kafureen Kawaankii dadka ee Todobaadkan.
Illeen
hadaadan waxba kacabsanaynin Dilka dadku Beer lajafay Kaagama Duwana.
Ciidamada gumaysiga itoobiya oo ay maxkamada wadankoodu ufasaxday
in ay maalin walba laayaan shacabka s/galbeed si aysan marnaba u
hilmaamin in lagumaysanayo, ayaymaalinba tuulo ugu dhaqaaqaan in
ay gumaadaan.....23/7/08
|
 |
Ciidamada
Looyaqaano fadanoo oo cidleeyay magaalada Xamaro.
Ciidamada
looyaqaano fadanoo ee uu gumaysiga Itoobiya ku soo aruuriyay wadanka
s/galbeed ayaa baryahanba wadan in ay ka baxsadaan dhibaatada aan
dhamaadka lahayn ee kajirta s/galbeed.22/7/08
|
 |
Shacabka
Kudhaqan Magaalada Godey oo Ka walbahaaray Dilka 3 Dhalinyaro ah
oo ay Ciidamada Itoobiyaanku si kas ah Utoogteen.
Wararka
ka imaanaya magaalada Godey ayaa sheegaya in Ciidamada Guumaysigu
habeen hore ku dhex dileen magaaladaas 3 qof oo Shacab ah kaddib
markay rasaas oodda kaga qaadeen dadkan iyadoo magaaladu bandaw
tahay. Saddexdan qof ayaa ahaa wiilal yaryar oo dhalinyarada magaalada
ah.21/7/08
|
 |
Maxaabiista
Kujirta Xabsiga Magaalada Jigjiga oo Farta wadnaha Kuhaya.
Wararka
aanu ka helayno magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Maxaabiis gaadhaysa
6 qof oo ku xidhnaan jiray Xabsiga magaalada Jigjiga xalay fiidkii
lagala baxay Xabsigii ay ku jireen iyadoo loo qaaday dhinaca Itoobiyada
dhexe gaar ahaan Xabsiga uu Guumaysigu samaystay ee loo yaqaano
Zuway.21/7/08
|
 |
Dadka
kudhaqan Magaalada Dhagaxbuur oo Udhaga taagaya Waxay kudambaynayaan
Dad laga qafaashay Magaaladaas.
Wararka
ka imaanaya Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Guumaysiga Itoobiya
uu dad badan oo Shacabka magaalada ah ka soo qabqabtay magaaladaas,
isla markaana dadkaas maanta la keenay magaalada Jigjiga.21/7/08
|
 |
Dadka
Kunool Gobolka Sh/hoose Oon xalay kaseexan Guuxa Diyaaradaha.
Diyaarado
joog hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay qeybo kamid ah gobolka
Sh/hoose gaar ahaan deeganaada Wanlaweyn, Leego iyo Yaaqbari weyne.21/7/08
|
 |
Dagaalkii
Xalay kadhacay Deegaanka Leego oo ay Sheegteen Mujaahidiinta Alshabaab.
Ururka
hubeysan ee Al-shabaab ayaa sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay
deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose kaas oo u dhexeeyey ciidanka
dowladda KMG ah ee Itoobiya lagu soo tababaray oo ay kaabayaan ciidamada
Itoobiya iyo xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.21/7/08
|
 |
WASIIR
KUXIGEENKA MAALIYADA KENYA UHURU ODINGA OO KABADBADAY DIL.
Dablay
aanan lagaranaynin ayaa rasaas ooda kagaqaaday waziir kuxigeenka
maliyada ninka lagumagacaabo UHURU ODINGA xili uu kusiijeeday gurigiisa
oo kuyaala magalada kisumu.20/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga itoobiya oo barakicin ku haya shacabka s/galbeed.
Ciddamada gumaysiga itoobiya ayaa barakicin iyo baa bi'in dhulbeereedka
ku haya shacabka s/galbeed iyagoo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ay
ka dhaceen meelahan hoos ku qoran; 20/7/08
|
 |
Shir
ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye
oo ka hadlay dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Gobolada Dalka
Soomaaliya.
Ref
GDH&MBH0098 ............................................Date:
19/07/2008
WARSAXAAFADEED
Shir
ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye
waxa ay kaga hadleen dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Gobolada
Dalka Soomaaliya, waxa ayna soo saareen Qodobadan:-19/7/08
|
 |
Golaha
beesha absame ee wadanka K/afrika oo Canbaareeyay Xadhiga Ugaas
C/raxmaan Ugaas Muxumed Qani.
PORT
ELIZABETH: Golaha Beesha Absame ee Gobolka Eastern Cape oo canbaareeyay
xadhiga Ugaas c/raxmaan ugaas muxumed qani ee magaaladda godey ,
kaas ooy ku tilmaameen inuu yahay xadgudub loo geysanayo siyaasiyeenta
& ugaasyadda dalka.19/7/08
|
 |
Golaha
Beesha Absame ee Gobolka Eastern cape ee Wadanka k/afrika oo Gudoomiye
Cusub ku doortay Shirweynihii golaha.
Golaha
beesha absame ee gobolka Eastern cape ee dalka k/afrika ayaa ku
doortay shirweynihii golaha ee dhacay 16-07-2008, mudane : c/qaadir
axmed c/laahi (toolmaan) oo ku dhashay tuuladda haarcadeey ee degmada
dhanaan una jirta 5km magaaladda dhanaan sannadku markuu ahaa 1972.19/7/08
|
 |
Kaalmaha
Shidaalka ee Magaalada Jigjiga
oo Albaabada loo Xiray.
Kaalmaha
Shidaalka ee magaalada Jigjiga ayaa adeeggoodii joojiyay kaddib
markii ay soo foodsaartay shidaal la'aan isla markaana qiimihii
Shidaalku hawada isku shareeray, Total, Shel, Ageb dhammaan Kaalmahani
ma shaqaynayn maalmahan Shidaal yari darteed marka laga reebo NOC
oo iyada Baabuurtu saf ugu jirto Shidaalka.18/7/08
|
 |
Shirweynaha
Beesha Absame ee Gobalkan Eetern cape ee dalka south Africa oo lagu
qabtay Magaalada Uitnehage.
UITENHAGE:
Shirweynaha beesha Absame ee gobalkan Eetern cape ee dalka south
Africa oo lagu qabtay magaalada uitnehage. Shirwaynahan oo ay kasoo
qayb galeen dad aad u tira badan ayaa Waxaa lagu dhisay gole ka
kooban 25 xubnood oo hoos imanaya jaaliyada beesha absame ee dalka
K/ Afrika, xubnahaas oo ka kalayimid dhamaan daafaha gobalkan eastern
cape .18/7/08
|
 |
Intii
Dhiig lahaay Kaca!!!!
Ururku
MJXSG ayaa Labadii Todobaad ee ugu dambeeyay Dagaalo dhowr ah ku
qaaday goobo uu cadawgu degenaa oo ku yaala wadanka gudihiisa kadib
markii ay ciidamada Itoobiya ee goobahaas degani ay gumaad u gaysteen
dadkii ay xooga ku haysteen .18/7/08
|
 |
Shacabka
S/galbeed oo Xiniin Noolaystay, kana Banaan baxay xadhigii Ugaas
C/raxmaan.
Shacabka
s/galabeed ayaa xiniin noolaystay oo ku hor banaan baxay xarumaha
maamulka dabaqoodhiga, burburna ugaystay xafiiska xisbiga dabaqoodhiga
males ujooga magaalada goday. iyagoo ka banaanbaxaya Xadhigii loo
gaystay Ugaas C/raxmaan Ugaas Mux'ed Qani.17/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo shan Qof ku dilay Dooxada mulla ee Togga Faafaneed
ee wadanka S/galbeed.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ayaa shan qof oo shacab ah ku laayay Dooxada
mulla ee togga faafaneed ee wadanka s/galbeed, kuwaas oo ay ku jiraan
rag caan ka ahaa deegaankaas iyo kuwo dad' ah.16/7/08
|
 |
Heshiis
dhaxmaray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka k/afrika & Laanta
socdaalka Wadankaas oo
shalay kadhacay magaalada Port
elizabeth.
Port
elizabeth: Shir ay maanta iskugu yimaadeen hay'adda socdaalka dalka
k/afrika qeybteeda Gobolka Eastern cape(home affairs) & jaaliyadda
soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) qeybteeda gobolka Eastern
cape ayay maanta ku sixiixeen heshiis dhigaya in jaaliyadda lagu
soo wareejiyo dadka cusub ee soo galootiga ah.16/7/08
|
 |
War
Degdeg ah:
Cabdikariin
Qalinle oo ay Ciidamada Guumaysiga Itoobiya ku xidheen magaalada
Jigjiga.
Ciidamada
Guumaysiga ee jooga magaalada Jigjiga ayaa waxay xidheen Cabdikariin
Qalinle xilli uu ku sugnaa magaalada Jigjiga, iyada oo sida wararku
sheegayaan lala xidhay dhawr dhalin yar ah oo ku nool magaalada
Jigjiga, lamana garanayo sababta loo xidhay C/kariin iyo Wiilashaas.15/7/08
|
  |
Ciidamada
Daba Qoodhiga ee ka hoos shaqeeya Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Gabadh
ku dilay Tuulada Barataale.
Ciidamada
dabaqoodhiga loo yaqaano ee caanka ku ah dhibaataynta shacabka s/galbeed
ee ka hoos shaqeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa gabadh ku
dilay tuulada Barataale ee gobolka wardheer ee wadanka s/galbeed.14/7/08
|
 |
MAXAABIIS
SOOMALIYEED OO KUXIDHAN TANZANIA OO DHIBAATO LASOO GUDBOONAATAY.
Inkbadan
600 oo maxabiis soomaali ahoo kujira xabsiyada Tanzania ayaa waxaa
soo foodsaaratay dhibatooyin aad uba,an dadka maxaabiista ah ayaa
waxay kabaxsanahayeen xasuuqa iyo dhibatada hadheyay dhamaan gayiga
soomalyeed kadib dagaalo daba dheeraday iyo cadawga kuhabsaday wadanka
soomaliya14/7/08
|
 |
Tahriibayaal
Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyo ku yaala dalka Sudan.
Tahriibayaal Soomaali ah ayaa laga sii daayey xabsiyo
ku yaala dalka Sudan halkaas oo in muddo ay ku xirnaayeen.14/7/08
|
 |
Meydadka
dhowr ah oo Laga Helay Agagaarka Warshadii Baastada.
Meydadka
3 Qof oo Rayid ah, ayaa meydkooda Maanta lagu arkey inta u dhaxeysa
Masjidka Dabaqeynka iyo xaruntii hore ee Warshada Baastada oo hadda
fadhiisin u ah ciidamada gumeysiga Itoobiya14/7/08
|
 |
Dilal
kala duwan oo xalay ka kala dhacay qeybo kamid ah gobolada koonfureed
ee dalka Soomaaliya
Dilal kala duwan ayaa xalay ka kala dhacay qeybo kamid
ah gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dilalka qaar
ay geysteen kooxo hubeysan.14/7/08
|
 |
Maraakiib
laga leeyahay dalka Canada oo ku soo wajahan xeebaha dalka Soomaaliya.
Maraakiib laga leeyahay dalka Canada ayaa ku soo wajahan
xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntland halkaas oo
kamid ah goobaha ay sida xooggan kooxaha burcad badeedda ah uag
howlgalaan.14/7/08
|
 |
War
degdeg ah:
Ciidamadda Gumaysiga Itoobiyaoo Dad shacab ah Ku xasuuqay Deegaanka
lagu magacaabo Bulodaridda oo Katirsan Togga Faafan ee Gobolka Jigjiga.
Ciidamadda gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga dhulka
S/galbeed ayaa dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka lagu magacaabo
Bulodaridda oo ah dhulbeereed ku yaala Togga Faafan ee Gobalka
Jigjiga.13/7/08
|
|

Ref:/uwslf321/08...........................................................................................Date/12/7/08

|

|
Middowga
jabhada Xoraynta S/galbeed oo warsaxaafadeed kasoo saaray Dagaladii
ugu dambeeyay ee ay lagaleen ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo guulihii
ay kasoo hoyeen.
Middowga
Jabhada Xoraynta S/galbeed ( MJXSG / UWSLF )oo warbixin Dheer kasoo
saaray Dagaaladii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya lagaleen Todobaadkii
lasoo dhaafay, Iyo Khasaarihii kadhashay, iyo cambaarayn ay u soo
jeediyeen Gumaadka Bahalnimo ay ciidamada gumaysiga ku hayaan shacabka
s/galbeed iyo sidoo kale baaq ay u soojeediyeen Shacabka s/galbeed
in ay u istaagaan sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumaysiga..12/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo xasuuq ba'an kagaystay Magaalada Galaalshe
ee Wadanka S/galbeed.
7-7-08
Ciidamada Gumaysiga itoobiya ayaa xasuuq ba'an ka gaystay magaalada
galaalshe ee wadanka s/galbeed, kadib markii ay ciidamadaasi rasaas
ooda uga qaadeen labo reerood oo reer miyi ah oo degenaa duleedka
magaalada galaalshe.11/7/08
|
 |
Ciidamada
Mujaahidiinta Middowga Labhada Xoraynta S/galbeed oo Weerar dhabo
gal ah ku qaaday Kolonyo Baabuur ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed
ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socda
kolonyo inta u dhaxaysa Laandheer iyo Gabagabo10/7/08
|
 |
Madixii
Shirkadda Biyaha Magaalada Galkacyo oo ay Kooxo Hubeysani Toogasho
ku dileen.
Madixii
shirkadda biyaha magaalada Galkacyo ayey kooxo hubeysan toogasho
ku dileen aroornimadii hore ee saaka bartamaha magaalada Galkacyo
ee xarunta gobolka mudug.9/7/08
|
 |
Bayuur
Makaraacday Jarmal 'Xeebaha Soomaaliyaan ka ilaalinayaa Bucdhac
Badeed".
Dowlada
Jarmalka oo kamid ahayd dowladihii u soo tafa xaytay budhcad badeedka
soomaaliyeed iyo in ay maraakiibtooda ka ilaaliyaan in wax lagu
yeelo badaha soomaaliya ayaa markab ay lahaayeen jarmalka lagu afduubay
xeebaha soomaaliya oo ayna afduubeen budhcadkii ay uyimaadeen in
ay ka ilaaliyaan maraakiibta, oo ay walibana ku bixiyaan lacag in
lasiidaayo markab kooda.9/7/08
|
 |
Hay'adda
Agoonta Mujaahidiinta S/galbeed oo Diyaar garowga Bisha Ramadhaan
Codsi Afurin Agoonta S/galbeed u diraysa Dunida Dacaladeeda.
Hay'adda Agoonta S/galbeed ee ay aabayaashood Kushihiideen Dagaalka
ay kula jireen Ciidamada Gumaysiga Itoobiya , oo ay hay'addani mudo
dheer gacanta ku soo haysay ayay codsi Afurin bisha Ramadhaan ee
inagu soo dhow u diraysaa dhammaanba dadka muslimiinta ah, gaar
ahaan dadka soomaaliyeed ee Samafalka Jecel.9/7/08
|
 |
Jamciyadda
Al tacaawun Alkhayriya ee gacanta ku haysa Agoonta Mujaahidiinta
S/galbeed oo Kafaalo 20 ilmood Codsigood u diraysa Dunida dacaladeeda.
Walaalahayaga Muslimka ahaw yaa noo kafaalo qaadaya labaatan ilmood
oo agoon ah oo ay aabayaashood ku shihiideen dagaalka ay ciidamada
Mujaahidiinta S/galbeed kula jiraan Ciidamada Gummaysiga Itoobiya.
9/7/08
|
 |
Maalmihii
lasoo dhaafay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dilal iyo Xarigba u gaystay Shacabka S/galbeed
.
Ciidamada
gumaysiga itoobiya ayaa dhibaatada uu ku hayo shacabka s/galbeed
ay maalinba maalinta kasii dambaysa ay kasii badanaysaa iyadoo dhibaatadii
ugu dambaysay meelihii ay ka kala gaysteen ay kamid ahaayeen8/7/08
|
 |
Ciidamada
dowladda KMG oo Saaka baaritaano ka sameeyey Qeybo kamid ah Degmada
Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada
dowladda KMG. ayaa saaka baaritaano ka sameeyey qeybo kamid ah degmada
Yaaqshid ee magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada Towfiiq illaa
Fagax.8/7/08
|
 |
Dhibaatadii
Kadhalatay Iibkii Hotelka Grand Regency oo Cirka Isku Shareertay.
Waayahanba
waxaa wadanaka kenay kataagnaa xisado kusaabsan fadeexadii hotelka
GARAND RAGENY, kadib markii ay soo shaac baxday in si qarsoodi
ah looga iibiyay hotelka caanka ah ee GARAND REGENCY shirkad lagumaga
caabo LIBIA ARAB AFRICAN INVESMENTS CAMPANY.LMT. 8/7/08
|
 |
Dowlada
kenya oo Sharci Cusub kusoorogatay in aan lagucabi Karin Sigaar
Goobaha ay kubadan yihiin Dadaku.
Dowlada
kenya ayaa waxay kusoorogatay sharci cusub in aan lagucabin
sigaar goobaha ay kubadan yihiin dadaka, sharciagan aya waxa uudhigayaa
nin kii lagu helo asaga oo kucabaya sigaar goobaha ay kamidka yihiin
HOTELADA GURYAHA WADOOYINKA FADHI KUDIRIYADA GAWAADHIDA DHEXDOODA
XAFIISYADA IYO GOOBAHA WAX LAGUBARTO8/7/08
|
 |
Xoogagga
mujaahidiinta Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday magaalada Beydhabo
Xoogagga
hubeysan ee Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Beydhabo,
iyagoo bartilmaameedsaday xarumo gaar ah oo ku yaala magaalada Beydhabo
ee xarunta barlamaanka Soomaaliya.8/7/08
|
 |
Mu'tamar
Islaami ah oo lagu Qabtay Wadanka Sweden oo ay Ka soo qayb galeen
Culimo Caan ah oo la soo gabagabeeyey.
Mutamar Islaamiga ee kasocdey caasimada dalka Sweden ee Stockholma
ayaa maalintii shalay aheyd lasoo gabagabeeyey iyadoo tirada dadka
kasoo qeyb galay lagu qiyaasey ilaa iyo 2000 oo ruux kuwaasoo intooda
badan kakala yimid wadamada Skaanideefiyaanka. 7/7/08
|
 |
Ciidamada
Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed oo Maalintii shalay ahayd Weerar
ku qaadeen Ciidamo Katirsan kuwa gumaysiga itoobiya oo Marayay Tuulada
Malayko.
Ciidamada Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa maalintii
shalay ahayd waxay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa gumaysiga
itoobiya oo marayay Tuulada malayko oo katirsan degmada Garbo ee
Gobolka Nogbeed ee dhulka s/galbeed .7/7/08
|
 |
Dagaal
aad u culus oo u Dhaxeeya Labo Maleeshiyo oo Ka dhacay Degmada Cadaado
ee Gobolka Galgaduud.
Dagaal
aad u culus ayaa waxa uu ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud,
iyadoo dagaalka uu ahaa mid la isku adeegsanayey hubka nuucyadiisa
kala duwan.6/7/08
|
 |
Ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG oo Weerer Mir ah Kuqaaday Degmada Dhuxun ee
Gobolka Nogbeed.
Ciidamada
Mujaahidiin Middowga jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa habeen hore
weerar mir ah ku qaaday ciidamada gumaysiga itoobiya oo kusugnaa
saldhig ay ku lahaayeen Degmada Dhuxun ee gobolka Nogbeed ee wadanka
s/galbeed.5/7/08
|
 |
Gudoomiye
Ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid ooLagu
Dilay Qarax Miinooo Kadhacay Isla Degmadaas .
Gudoomiye
xigeenkii Degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday qarax Miino oo kula
qaraxday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Gudoomiye xigeenka
Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta qarax miino ugu
geeriyooday xili uu marayay agagaarka Xaafada jiiro Garoob ee u
dhexeeysa isgoyska Towfiiq iyo Fagax ee degmada Yaashiid.5/7/08
|
 |
Cudurka
shuban Biyoodka oo Dad Kulaayay Bartamaha Gobolka Hiiraan.
Caruur
iyo dad waaweeyn ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday deegaano
hoos taga gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya. Tirada Caruurta iyo
dadka dada ah ee u geeriyoonaya cudurka shuban biyoodka iyo
macluusha kana mid ah dadka ku jira xerooyinka dadka soo barakacay
ee ku yaala gudah magaalada Baladweyne5/7/08
|
 |
Mujaahidiinta
Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo Weerar gaadmo ah kuqaaday Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya ee Kusugan Gobolka Hiiraan.
Saaka
waabarigii hore ayay mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga
Soomaaliyeed waxa ay weerar gaadmo ah kula beegsadeen Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya halka lagu magacaabo Buurta dib gab
oo ku taala inta u dhaxeysa Fariisinka Kalabeyr iyo Magaalada Feer
feer ee dhulka s/galbeed. Afahayeenka Ciidamada MMIS C/raxiim Ciise
Cadow oo u waramay warbaahinta Muqdisho5/7/08
|
 |
Qaraxmiino
oo Lala beegsaday Ciidamada Puntland oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Qarax
miino oo lala beegsaday gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamada
Booliiska Maamul Goboleedka Puntland ayaa xalay ka dhacay Xaafada
Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaal-kacyo . 5/7/08
|
 |
ABAARO
BA,AN OO KAJIRA GOBALKA WAQOOYI BARI EE KENAY.
Dad
ka reer guuraaga ah ee kudhaqan gobolka waqooyi bari ayaa waxa lasoo
daristay xalad adag, Xalaadan adag ayaa ka dhalatay markii roobabkii
guga ay daba mareen wakhtigii ay di,ijireen.3/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo 18
Qof oo Shacab ah Ka qabqabtay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Howlgallo
ay maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ka sameeyeen
magaalada Muqdisho ayey ku qabqabteen dad shacab ah oo gaaraya 18-qof
kuwaas oo ay ka qabqabteen qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho.2/7/08
|
  |
Tahriibayaal
Soomaali ah oo Ku geeriyooday Saxaraha U dhexeeya Dalalka Sudan
iyo Liibiya.
Tahriibayaal
Soomaali ayaa ku geeriyooday saxaraha u dhexeeya dalalka Sudan iyo
Liibiya xilli ay sii kordhayaan dadka Soomaaliyeed ee sida tahriibka
ah natdooda ku biimeynaya.2/7/08
|
 |
Sheekh
Xasan Daahir oo Markii ugu horeysay Qiray in dowaladda Yemen ay
Dhex dhexaadinayso Isbeheysia Dib u Xoreynta Soomaaliyeed.
Sheekh
Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay qiray in dowaladda Yemen
ay heshiis ka dhex wado labada garab ee uu u qeybsamay isbeheysia
dib u xoreynta dalka Soomaaliya.2/7/08
|
 |
Wadanka
Kenya oo ay Kataagantahay Fadeexad Kadhalatay Hotel Caan ahaa oo
Hoos Looga Gaday Shirkad Libyaan ah.
kadib
markii ay soo shaac baxday in mid kamid ah hotelada ugu caansan
wadanka kenya oo lagu magacaabo GARAND REGENCY laga ii biyay shirkad
liibaayan ah, ayaa waxaa wadanka kenya hal mar ka istaagay qaylo
iyo hadal haynta khayaamadaas.2/7/08
|
 |
Maraakiibta
Dagaalka ee Dalka Jarmalka oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Ka billaabay Xeebaha
Dalka Soomaaliya.
Maraakiibta
dagaalka ee dalka Jarmalka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxa ay ka wadaan
xeebaha dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda
Jarmalka.2/7/08
|
 |
Shir
lagu Bahdilayo Ganacsatada Qandaraaska kaqaadata Maamulka Jigjiga
oo Maalmahanba Kasocda Magaalada Jigjiga.
Qandaraaslayda
Magaalada Jigjiga ayaa maalmahanba waxaa u socday Shir kaas oo qiimeyn
uu maamulka Kililku ku samaynayay Qandaraaslaydan, sidoo kale waxaa
uu Shir intiisa badan ahaa mid qof waliba uu sheeganayo wixii uu
ku nabad gali lahaa isagoo dadka qaarkii ay sheeganayeen inay ka
tirsanaan jireen Jabhadaha ku kacsan maamulka balse hadda ay ka
baxeen.1/7/08
|
 |
MMI
oo Shaaciyay in ay Guul ka soo hoyeen Dagaalkii ay ciidamada Gumaysiga
Itoobiya Kula Galeen Matabaan.
Afhayeenka
dhinaca howlgalada maxkamadaha islaamka oo ka hadlay dagaalka ka
socda deegaanka Matabaan markii ugu horeysay ayaa sheegay inay go'doomiyeen
ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee ka soo baxay degmada Guriceel ee
gobolka Galgaduud.1/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo sadex Qof oo Rayid ah ku dilay, Guryana ku
gubay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Nogbeed ee Wadanka S/galbeed.
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Tuulada Dudumo caday ee gobolka
Nogbeed ee wadanka s/galbeed, ayaa sadex qof oo rayid ah ku dilay
tuuladaas, iyagoo guryahooda jooga. Warar
lagu kalsoon yahay ayaa website ka soomaaligalbeed u xaqiijiyay
in dadka lalaayay ay ahaayeen sadex nin oo rayid ah oo aanaan magac
yadooda wali helin, ragan ayay wararku ku sheegayaan in ay ahaayeen
odoyaal katirsanaa magaaladaas oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya
ku eedeeyeen in aanay lashaqaynaynin, sidaas darteedna ay yihiin
nabad diidyo.1/7/08
|
 |
Shir
Balaaran oo ay Isugu yimaadeen 8 hay'addood oo Maanta Ka dhacay
Xarunta Socdaalka ee Magaaladda port elizabeth
ee Wadanka South Africa.
PORT
ELIZABETH: Shir balaaran ooy iskugu yimaadeen 8 hay'addood oo maanta
ka dhacay xarunta laanta socdaalka ee magaaladda port elizabeth(department
home affairs ,office of refugee reception centre: port elizabeth)
.1/7/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Dhufaysyo kadhex Qotay Gudaha Magaalada Jigjiga
.
Askarta
Ciidamada Guumaysiga ayaa dhufaysyo dhawr ah waxay ka dhex
samaysteen gudaha Magaalada Jigjiga taas oo xilliyada habeenkii
ah ay galaan, meelaha ay Dhufaysyada ka samaysteen ayaa u badan
Gurigii uu degganaan jiray Ninkii Guumaysiga u joogi jiray Jigjiga
ee dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa. sidoo kale waxay dhufays
kale ka samaysteen meel isgoys ah oo u dhaw Xabsiga ay leeyihiin
Askartaas oo ku dhex yaalla magaalada dhexdeeda1/7/08
|
 |
Kolonyadii
Ciidamada Itoobiya ee ay Mujaahidiinta MJXSG dhexda ugaleen oo lasheegay
in ay Maxaabiis wadeen.
CiidamadaGumaysiga
Itoobiya ee ay mujaahidiintu dhexda ugaleen kana gubeen baabuurka
Zuuga ah ayaa laxaqiijiyay in ay wadeen maxaabiisay kasoo qaadeen
dhanka magaalada Dhuxun iyagoo usii waday xarunta gobolka Nogob
ee magaalada Fiiq ee wadanka s/galbeed..31/7/08
|