ANAGA IYO XABASHI

TAARIIKHDA DAHSOON EE SOOMAALIDA & XABASHIDA

Qeybtii- 1aad

GOGOLDHIG TAARIIKHEED

Waxaa Soomaalidu wada ogsoontahay yar iyo wayn in xabashidu shacbiga soomaaliyeed cadow u tahay. Cadaawaddaasu waxay salka ku haysaa diin, waana mid soo jireen ah oo quruumo badan soo taxnayd.

Xabashida gaalada ahi waxay ka mid yihiin kirishtaanka kuwa ugu macangagsan ee loo yaqaano "ORTHODOX", waxay isku meel kawada cabbaan SERBIYIINTA. Shacbiga soomaaliyeedna waa mid muslim ah oo sunna ah. Waxaa kaloo xaqiiqa ah in xabashida gaalada ihi ay cadaawaddaas u hayso muslimiinta ku nool Itoobiya iyo inta deriska la ah iyo muslimiinta meel kastoo ay joogaan.

Iyadoo qof kastoo soomaali ihi ogsoonyahay xaqiiqadaas, oo naaska hooyadiis uu ka nuugay, ayaa soomaalidu marar badan arintaas halmaantaa. Xabashiduse ma illowdo.Waxaa isxasuusin mudan: maxay ka qabtaa gaalada xabashidu soomaaliya, dad iyo dalba? Waxaa haboon in taariikhda dib loo eego.

In la tix raaco dagaalka qotada dheer,ee taxanaha ahaa ee Soomaaliya iyo xabashida dhex yaaley quruun badan, hadba mar laba kaclaynaayey, maantana marxalad cusub ku jira.

Loolankii dhex maray muslimiinta iyo gaalada Itoobiya dhamaadkii qarnigii 19aad
Waxay Itoobiya keli la tahay in kaniisadeeda arthodokiska ahi ay tahay tan nasaarada Afrika ugu qadiimsan marka laga reebo kaniisadda hooyo ee Qibdiga ah ee Masar.

Waxaa Itoobiya gaar ahaan qowmiyadda tigreedu, leedahay caqiido ku dhisan boqoro iskala dhaxla oo ay rumaynsanyihiin inay farac ka yihiin Nabi sulaymaan iyo boqoradii Bilqiis. Sidaas ayaa cilaaqa wayn uga dhexaysaa kaniisada Itoobiya iyo boqoradeeda ama madaxdeeda,waxayna ku shaqeeyaan casabiyad diineed oo ay isu haystaan inay shucuubta kale ee la nool ka sareeyaan.

Taasi waxay dhalisay in maadaama ay dowlada islaami ihi ku hareeraysan yihiin inay dhulballaarsi galaan. Iyadoo ku xiran boqortooyadii Yurubta, waxay taageero u fidisay nasaaradii Yaman, sanadihii 523-525 miilaadiga boqorkii Eksuum (kaalb), itoobiyiintuna u yaqaaniin (asbaxa) wuxuu qaaday dagaal badda ah oo uu ugu aarayay nasaaradii Yaman.

Boqorkii kale ee Eskuum (Gabramaaskal) wuxuu Abraha u diray 570kii inuu Kacbada soo dumiyo, waa tii Illaahay quraanka kaga sheekeeyay jabkii ku dhacay, waana sanadkii nabigu dhashay (Nabad iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee).

waxaana ku xigtay in eskuumiyiintii uu Yaman ka saaray Seyf Bin Dii Yazin isagoo kaashanaya Dawladdii Faarisiyiinta, markuu Islaamku soo shaac baxayna wuxuu ku faafay hareeraha Xabashida oo dhan ilaa ay ka dhasheen dawlado islaamiya oo todobo lagu sheego loona yaqaan " Dawladihii Diraaska Islaamiga" .

Taasina muddo dheer waxay dhalisay dagaallo isdaba jooga ee quruun badan socday inay Muslimiinta iyo gaalada Xabashida ay dhexmareen guushuna hadba dhinac ayay ahayd.

Xoogeeduna wuxuu bilowday markii boqorkii (YEKUNO AMALAK) xukunka qabtay 1270 suldaankii (Ufat), iyo suldaankii (DAWAARA) inkastoo Itoobiya ka adkaatay oo masaajidadii gubtay dad badanna gumaysatey. Waxaa jihaadkii sii wadey (XAQUDDIIN 2) iyo walaalkiis (SACADUDDIIN) iyagana waxay ku dhammaatay in laga adkaaday oo Itoobiya saldhigoodii (ZEYLAC ) qabsatay sanadkii 1402m .


Laakiin Muslimiintu way soo rogaal celiyeen oo ( HARAR) ayey markaan saldhig ka dhigteen , waxayna dhiseen imaaradii la oran jiray (CADL), taasoo hiil iyo taageero u noqotay muslimiinta Itoobiya. Waxayna isku biirsatay shucuubtii dagaalka qaraarayd ee Soomaalida iyo Cafarta.

Dagaaladii dhexmaray iyaga iyo Itoobiyana ilaa laba boqor oo Itoobiyaan ah ayaa ku nafwaayey 1412 - 1430 m . laakiin muslimiintana waxaa gaaray khasaarooyin iyo jabab badan oo ay ku dhinteen dhowr suldaan ilaa 1445 m .

Mudadii u dhaxaysay 1434 - 1468 m waxay ahayd waqtigii ay ugu xoogweynayd dawladda Itoobiya xagga dagaalka iyo siyaasadda maxaa yeelay intii ka dambaysey boqorada Itoobiya waxay ku jireen difaacid duulaamada isdaba jooga ah ee muslimiinta.

Isbeddelkaa xagga Itoobiya waxaa la socday isbeddel xagga muslimiinta ah ee suldadii nimanka madaxdaa ee Itoobiya heshiiskeeda waday ku daciiftay , kuna weynaatey awooddii nimankii ducaadda iyo culimada ahaa ee shacabka badidiisa ixtiraam iyo kalsooni ka haystay .

Taasina muddo kadib waxay dhalisay inay soo baxaan rag madaxa oo nin walbaa la baxo (IMAAM) ummaddana ugu yeeraya in gaalada Xabashida jihaadka aan laga joojin.


JIHAADKII IMAAM AXMED GUREY ( 1506 - 1542 m)
Wuxuu ahaa imaamku raggii ducaadda ahaa ee aadka uga soo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada Itoobiya waxa ay muslimiinta u geysanayaan awgeed , taasoo keentay in muslimiinta (JIZYA) laga qaado .

dagaalo badan kadib Imaam Axmad Gurey wuxuu la wareegay HARAR, dabadeedna wuxuu bilaabay weerara jihaad oo isdaba jooga. 15 sano ayuu wuxuu Itoobiya la galay dagaallo ba'an oon la arag oo laga sheekayn karin .

Taasu waxay dhalisay in muslimiintii muddada dheer gumaysiga ku jiray ay dhiiranaan iyo farxad galiso, ciidamadii imaamkana waxaa loogu soo biiray si xad dhaafa.


Dabadeedna waxay bilaabeen ciidamadii muslimiintu inay cagta mariyaan gobolladii Itoobiya oo dhan Amhara, Laasta, Shawa, boqorkii Itoobiyana Eksuum u cararo , muslimiintuna cagta cagta u saaraan , ilaa ay Eksuum , gobolka Tigray galeen , oo kaniisadihii iyo xoolihii iyo dahabkii qaniimaysteen , meel kastana Imaamku wuxuu ka taagay maamul JIZYADA ururiya , umuurtana nidaamiya.

W/Q : Abuu Cabdi shakuur

Waa socotaa………


.Qeybtii 2aad


TAARIIKHDA CASRIGA AH
Intaasu hordhac noogaga filan taariikhda hore ee na dhex taal anaga iyo xabashi. hadaba su'aashu waxa weeye: Ma halkaasay ku dhamaatay sida dadka qaarkood qabaan? Mise taariikhdaasi wali way socotaa Jawaabtu waa maya.Bal aan aragno.

MENELIK 2AAD 1883
Boqorkii xabashida Menelik 2 wuxuu warqad u qoray 1883 dowladaha reer yurub ee kirishtaanka ah, isagoo u sheegaya xuduuda dalka xabashida-sida uu u arko -wuxuu yiri:

"waxay ka bilaabataa xuduudayada dhabta ahi Badda-cas ilaa Badyarada sanburu(dhulka hadda keenya):
hadii ilaahay nafta ii daayana waxaan ka shaqayn doonaa sidaan boqortooyadayda ugu soo celin lahaa xuduudeedii u dhexaysay Khartuum ilaa badyarada nianza.
Waxay Itoobiya ahayd jasiirad kirishtaana oo ku dhextaal badwayn...( islaam ah) 14qarni.

Haddaba iyadoo maanta aaney niyadda nagaga jirin inaan dhulkayagaas xoog ku qaadano, waxaan rumaysanahay in rabbigu dowladaha kiristaanka ah noo soo hanuunin doono inay noo soo celiyaan xuduudayadii badda ama qayb ka mid ah"1.
Arintaas uu shaaca ka qaaday menelik maaha mid uu kaligiis qabay, balse waa mid uu ku taahayo nin kasta oo madax ka noqda dalka xabashida, Menelik ilaa Melez Zenawi. Waxay kuligood qabaan caqiida ahaana urumaysanyihiin, in dhulka soomaalida ay xabashidu leedahay siduu u dhanyahay.

Waxay kaloo rumaynsan yihiin, diin ahaana uqabaan, camalkoodana ka muuqata, in ay waajib ku tahay inay geeska afrika ka tirtiraan magaca muslimka.

KHUDBADII RA'IISUL WASAARAHA XABASHIDA SHIRKII XABASHIDA SHIRKII ADDIS ABBA (MAY1963)

Shirkii dowlada Afrika ee ka dhacay Addis Ababa 1963, madaxwaynaha Jumhuuriyadda soomaalidu wuxuu ka jeediyay hadal uu ku dalbaayo taageerada midaynta shanta soomaliya. Wuxuuna yiri:

"Ma jeclin inaanu durkino khilaafka xuduudeed ee soomaalida iyo dowladda martida loo yahay, laakiin waxaanu ku gaabsanaynaa in aanu caddayno mowqifkayaga, kaasoo ah in Itoobiya ay qabsatay dhul balaaran oo soomaalidu leedahay, iyadoo haba yaraatee wax ogolaansha ah aan ka helin dadka dagan, oo aan waliba dhag ujalaqsiin ra'yigooda.

Mana dhamaanayso xaalada daganaan la'aantu, iney korodha maahane, haddaan si cadaalada arinta loo dhamayn. Hadaan boogta la daawayn waxaan shaki ku jirin in ay noqon doonto mid had iyo jeer kicisa qas iyo deganaanla'aan. Dowladda soomaaliya malaha damac dhul balaarsi, laakiin yaan laga filanin shacbiga Jumhuuriydda soomaaliya inuu dareen la'aan ufadhiyo gacmahana ka laabto qayla dhaanka dhanka walaalihiis ka soo gaaraya " .

intaa markuu yiri madaxweynuhu , waxaa hadalkii qaatay Ra'iisul wasaaarahii Xabashida wuxuuna yiri :

" Aad ayaan ula yaabanahay hadalka uu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Waxaad moodaa in wufuudda Soomaalidu beryahan dambe shir kasta ku shaqayneysey maahmaahdii ahayd : haddaad dhooba badan tuurto waxaa laga yaabaa in qaarkeed dhego" .

Hase yeeshee waxaan jeclahay inaan dhawr arrimood oo dhaba tilmaamo:
Itoobiya waxay dawlad madaxbanaan ahayd muddo 3000 oo sano ka badan . taasu waa xaqiiqada koowaad. midda labaadna waxa weeye in xuduudda taariikhiga ah ee Itoobiya tahay inta u dhexeysa badda Cas iyo badweynta Hindiya , iyadoo ay ku jirto inta dhul u dhexeysa oo dhan labadaas badood.


Xaqiiqada saddexaadna waxa weeye inaan taariikhda laguba hayn wax sheegaaya jiritaanka dawlad amase ummad Soomaaliyeed. Sidaas weeye waaqica runta ahi anigoo ka xun caddayntiisa . Markuu isticmaarku yimid Afrikana Itoobiya waxay weydey xeebeheedii iyo Ereteriya iyo Soomaaliya iyo mandiqada kale oo laga goostay".


Hadalka Boqorkii Menelik iyo kan Ra'iisul wasaarihii Xayle Salaase waxaa u dhexeeya muddo 80 sano ah , mana isbedelin maskaxdii iyo caqiidadii madaxda Itoobiya .

MINGISTE 1991

Waxaa laga weriyey Col. Mingiste Xayle Maryaam inuu yiri markuu ka baxayay Itoobiya : " Waxaan Itoobiya u qabtay wax aanu u qaban madaxweyne iga horreeyey . waxaan burburiyey cadowgii 1aad ee Itoobiya , waa dawladdii Soomaaliyeed".

Qeybtii 3aad


JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA 1960 - 1997
waxaa la yaab leh , dad badan oo Soomaali ahi inaaney kala saari karin Diinta, Qaranimada, iyo maslaxadda shakhsiga ah . Shareecada Islaamka asaasyadeeda waxaa ka mida: "Dhibka gaarka ah waxaa looga dul qaataa dhibka guud". In qofku isaga ama reerkiisa ama xisbigiisa dhib soo gaaro waxaa ka weyn in ummadda oo dhan iyo qaranka dhib soo gaaro.

QIIRADA & WADANINIMADA DHIMATAY

Ka hadli mayno dareenka diiniga ah, laakiin bal kii wadaninimada ahaa ayaa maanta iilka lagu duugay.


Dad badan oo dhalinyaro ah, amase taariikhda soomaalida aan wax badan xog ogaal uga ahayn, ma oga qiirada iyo wadaninimada ay soomaalidu lahaan jirtay. Maanta se daahiyad baa naheshay oo daad baa naqaaday. Bal hadaba aan hal baal taariikhda dhow kasoo rogno, ee ka mid ah siraacii noo dhaxeeyay anaga iyo xabashida, iyo sideey soomaalidu u qaabili jirtay dad iyo dowladba.


3) 30 jan 1960 shirkii shucuubta Afrika ee lagu qabtay Tuunis , wuxuu aduun waynaha ugu baaqay in uu taageero halganka umadda Soomaaliyeed iyo midaynta shanta soomaaliya ee la kala jaray.


2) qodobka 6aad ee dastuurkii Soomaaliya 1 Julay 1960 wuxuu caddeeyay midaynta dhulka soomaalida oo dhan.


3) 1961 wasaarada warfaafinta Itoobiya waxay soo saartay warbixn ay ku leedahay :
"waxaad moodaa dacaayada & halgansiinta soomaalidu ineyan xal lahayn. Madaxda soomaalida iyo shacabkeeduba waxay kordhiyeen cadaawada ay u hayaan Itoobiya, waxayna taas ku raali galinayaan dhul balaadhsiga ay soomaalidu ku taahayso"
hadalkan waxaa xabashida ka keenay wixii warbaahinta soomaaliya ka bixi jiray gabay, geeraar, buraanbur, iyo kicin dareenka soomaalida.


4) Maarso 1962 Ururada Soomaalida ee NFD waxay soo saareen baaq ay ku leeyihiin :
" Haddaanu nahay ururada siyaasiga ah ee mandiqada Waqooyi bari ee Keenya , ma u ogolaaneyno cid kastoo Yurub iyo Afrika ahi iney aaya-tiinkayaga ka taliso. Ma aha inaanu rabno keliya inaanu ka xorowno Isticmaarka waqooyiga bari ee Kenya , laakiinse waxaanu milicsaneynaa inaanu ku biirno walaalahayaga Soomaali weyn"


5) Maarso 1963 dowlada soomaalidu waxay xiriirka u jartay Ingiriiska ka dib markay xukuumadda Ingiriisku diidey inay xoriyad siiso shacbiga soomaalida Enefdii. Waxaana Muqdisho ka aloosantay caro iyo dhiidhi. Waxayna dowladda soomaaliya ku cambaaraysay Ingiriiska inuu u madax salaaxo Keenya soomaalidana uu maja xaabinayo.


6) May 1963 shirkii Addisabab wuxuu madaxwaynihii soomaalidu ka cadeeyay:
"Midnimadda soomaalidu waa mid ku dhisan inay yihiin Ummad keliya oo isku diin iyo luqo iyo dhaqan ah. Wuxuuna shaaca ka qaaday inaan dowladda soomalidu gacmaha ka laabanayn qaylada kasoo yeeraysa dadka soomaaliyeed ee isticmaarka Itoobiya ku nool" . Horay ayaan u soo sheegnay jawaabtii Itoobiya".


7)isla shirkaas Addis 1963 wuxuu wafdiga Kenya ka yiri :
"soomaalida Kenya marna laguma soo dari jirin : AFRIKAAN ASALA.waxaana isticmaarku ula dhaqmi jiray inaanay Afrikaan ahayn inkastoo aan sida reer yurub iyo reer aasiya ama xataa Carabta loola dhaqmi jirin. Sidaas darteed kuma milmin soomaalidu shucuubta Afrika ee keenya. Xukuumadda Soomaaliya waa inay joojisaa hubaka iyo xoolaha ay ku daldalayso kooxaha soomaaliyeed ee falaagada ah. Soomaliada Keenya waxaanu leenahay siduu yiri Jome Kenyatta: ku milma shucuubta keenya ee Afrikaanka ah ama geeliina kaxaysta oo dalkayaga nooga baxa oo soomaliya aada. Taas kaliya ayaanu u ogolnahay".


8) Julay 1963 Itoobiya iyo Kenya waxay saxeexdeen heshiis xaga difaaca oo ay isaga kaashanayaan soomaaliya.


9) Febauary 1964 waxaa dhacay dagaalkii soomaaliya iyo Itoobiya.


10) Sept. 1966 wuxuu Xayle salaase ku andacooday in loo soo celiyo soomaalida Faransiga ah (Jabuuti) maxaa yeelay waa dhul Ioobiya leedahay.


11) March 20, 1964 waxaa heshiis soomaalida iyo Itoobiya ku saxeexdeen Khartoum kaasoo lagu joojinayay dagaalka.


12) Oct.23,1965 waxaa Itoobiya iyo soomaalidu saxiixeen heshiis kale magaalada Acra ee Ghana .


13) 10 June 1967 wuxuu sii daayay Ra'iisul wasaaraha cusub ee soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal warbixin uu ku leeyahay:


"Sidaad ogtihiin jiiraankayaga Afrikaanka ah ee Itoobiya iyo keenya waxay ku dayanayaan saadada reer Yurub ee gumaysata xeebta Soomaalida ee Jabuuti. Mana ogola inay siiyaan shacabka soomaalida ee ku nool dhulka soomaaliyeed ee ay haystaan xorriyad ay aayo-tiinkooda kaga taliyaan. Xukuumadaydu waxay ku soconaysaa siyaasadii xukuumadahii iga horeeyay. Mana ka suulayno inaanu culays kasta saarno dowladahaas si aanu hadafkaa u gaarno. Waana nacasnimo in loo maleeyo shacabiga soomaaliyeed inuu iska fiirsado halganka ay ku jiraan walaalahayaga gumaysiga la galiyay. Balse waxaanu caddaynaynaa inaanu taageeri doono halgankaas intii tabartayada ah, goob kastana qadiyadooda waanu ka difaacaynaa.".


2) Julay 13,1977 waxaa bilowday dagaalkii soomaaliya iyo Itoobiya, markii soomaalidu ku guulaysatayna waxaa Itoobiya u hiiliyay Ruushka iyo Kuuba iyo intii la socotay. Dagaalkiina Soomaalida waa lagu gembiyay .
lug iyo gacana soomaalida looma kala furin. Ameerika oo mengisti ka eryay Itoobiya xataa waxay arkaysay in maslaxadeeda fogi ku jirto Itoobiya maxaa yeelay waa isku diin, oo maruun bey Itoobiya dhabta Ameerika ku soo fariisan. Sidaa darteed wey is hortaagtay Ameerika in soomaalidu hub hesho.
Waa socotaa………


W/Q:Abu-cabdishakuur

Back