ANAGA
IYO XABASHI
TAARIIKHDA
DAHSOON EE SOOMAALIDA & XABASHIDA
Qeybtii-
1aad
GOGOLDHIG
TAARIIKHEED
Waxaa Soomaalidu
wada ogsoontahay yar iyo wayn in xabashidu shacbiga soomaaliyeed cadow
u tahay. Cadaawaddaasu waxay salka ku haysaa diin, waana mid soo jireen
ah oo quruumo badan soo taxnayd.
Xabashida gaalada
ahi waxay ka mid yihiin kirishtaanka kuwa ugu macangagsan ee loo yaqaano
"ORTHODOX", waxay isku meel kawada cabbaan SERBIYIINTA. Shacbiga
soomaaliyeedna waa mid muslim ah oo sunna ah. Waxaa kaloo xaqiiqa ah
in xabashida gaalada ihi ay cadaawaddaas u hayso muslimiinta ku nool
Itoobiya iyo inta deriska la ah iyo muslimiinta meel kastoo ay joogaan.
Iyadoo qof kastoo
soomaali ihi ogsoonyahay xaqiiqadaas, oo naaska hooyadiis uu ka nuugay,
ayaa soomaalidu marar badan arintaas halmaantaa. Xabashiduse ma illowdo.Waxaa
isxasuusin mudan: maxay ka qabtaa gaalada xabashidu soomaaliya, dad
iyo dalba? Waxaa haboon in taariikhda dib loo eego.
In la tix raaco
dagaalka qotada dheer,ee taxanaha ahaa ee Soomaaliya iyo xabashida dhex
yaaley quruun badan, hadba mar laba kaclaynaayey, maantana marxalad
cusub ku jira.
Loolankii dhex
maray muslimiinta iyo gaalada Itoobiya dhamaadkii qarnigii 19aad
Waxay Itoobiya keli la tahay in kaniisadeeda arthodokiska ahi ay tahay
tan nasaarada Afrika ugu qadiimsan marka laga reebo kaniisadda hooyo
ee Qibdiga ah ee Masar.
Waxaa Itoobiya gaar
ahaan qowmiyadda tigreedu, leedahay caqiido ku dhisan boqoro iskala
dhaxla oo ay rumaynsanyihiin inay farac ka yihiin Nabi sulaymaan iyo
boqoradii Bilqiis. Sidaas ayaa cilaaqa wayn uga dhexaysaa kaniisada
Itoobiya iyo boqoradeeda ama madaxdeeda,waxayna ku shaqeeyaan casabiyad
diineed oo ay isu haystaan inay shucuubta kale ee la nool ka sareeyaan.
Taasi waxay dhalisay
in maadaama ay dowlada islaami ihi ku hareeraysan yihiin inay dhulballaarsi
galaan. Iyadoo ku xiran boqortooyadii Yurubta, waxay taageero u fidisay
nasaaradii Yaman, sanadihii 523-525 miilaadiga boqorkii Eksuum (kaalb),
itoobiyiintuna u yaqaaniin (asbaxa) wuxuu qaaday dagaal badda ah oo
uu ugu aarayay nasaaradii Yaman.
Boqorkii kale ee
Eskuum (Gabramaaskal) wuxuu Abraha u diray 570kii inuu Kacbada soo dumiyo,
waa tii Illaahay quraanka kaga sheekeeyay jabkii ku dhacay, waana sanadkii
nabigu dhashay (Nabad iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee).
waxaana ku xigtay
in eskuumiyiintii uu Yaman ka saaray Seyf Bin Dii Yazin isagoo kaashanaya
Dawladdii Faarisiyiinta, markuu Islaamku soo shaac baxayna wuxuu ku
faafay hareeraha Xabashida oo dhan ilaa ay ka dhasheen dawlado islaamiya
oo todobo lagu sheego loona yaqaan " Dawladihii Diraaska Islaamiga"
.
Taasina muddo dheer
waxay dhalisay dagaallo isdaba jooga ee quruun badan socday inay Muslimiinta
iyo gaalada Xabashida ay dhexmareen guushuna hadba dhinac ayay ahayd.
Xoogeeduna wuxuu
bilowday markii boqorkii (YEKUNO AMALAK) xukunka qabtay 1270 suldaankii
(Ufat), iyo suldaankii (DAWAARA) inkastoo Itoobiya ka adkaatay oo masaajidadii
gubtay dad badanna gumaysatey. Waxaa jihaadkii sii wadey (XAQUDDIIN
2) iyo walaalkiis (SACADUDDIIN) iyagana waxay ku dhammaatay in laga
adkaaday oo Itoobiya saldhigoodii (ZEYLAC ) qabsatay sanadkii 1402m
.
Laakiin Muslimiintu way soo rogaal celiyeen oo ( HARAR) ayey markaan
saldhig ka dhigteen , waxayna dhiseen imaaradii la oran jiray (CADL),
taasoo hiil iyo taageero u noqotay muslimiinta Itoobiya. Waxayna isku
biirsatay shucuubtii dagaalka qaraarayd ee Soomaalida iyo Cafarta.
Dagaaladii dhexmaray
iyaga iyo Itoobiyana ilaa laba boqor oo Itoobiyaan ah ayaa ku nafwaayey
1412 - 1430 m . laakiin muslimiintana waxaa gaaray khasaarooyin iyo
jabab badan oo ay ku dhinteen dhowr suldaan ilaa 1445 m .
Mudadii u dhaxaysay
1434 - 1468 m waxay ahayd waqtigii ay ugu xoogweynayd dawladda Itoobiya
xagga dagaalka iyo siyaasadda maxaa yeelay intii ka dambaysey boqorada
Itoobiya waxay ku jireen difaacid duulaamada isdaba jooga ah ee muslimiinta.
Isbeddelkaa xagga
Itoobiya waxaa la socday isbeddel xagga muslimiinta ah ee suldadii nimanka
madaxdaa ee Itoobiya heshiiskeeda waday ku daciiftay , kuna weynaatey
awooddii nimankii ducaadda iyo culimada ahaa ee shacabka badidiisa ixtiraam
iyo kalsooni ka haystay .
Taasina muddo kadib
waxay dhalisay inay soo baxaan rag madaxa oo nin walbaa la baxo (IMAAM)
ummaddana ugu yeeraya in gaalada Xabashida jihaadka aan laga joojin.
JIHAADKII IMAAM AXMED GUREY ( 1506 - 1542 m)
Wuxuu ahaa imaamku raggii ducaadda ahaa ee aadka uga soo horjeeday in
jihaadka laga joojiyo gaalada Itoobiya waxa ay muslimiinta u geysanayaan
awgeed , taasoo keentay in muslimiinta (JIZYA) laga qaado .
dagaalo badan kadib
Imaam Axmad Gurey wuxuu la wareegay HARAR, dabadeedna wuxuu bilaabay
weerara jihaad oo isdaba jooga. 15 sano ayuu wuxuu Itoobiya la galay
dagaallo ba'an oon la arag oo laga sheekayn karin .
Taasu waxay dhalisay
in muslimiintii muddada dheer gumaysiga ku jiray ay dhiiranaan iyo farxad
galiso, ciidamadii imaamkana waxaa loogu soo biiray si xad dhaafa.
Dabadeedna waxay bilaabeen ciidamadii muslimiintu inay cagta mariyaan
gobolladii Itoobiya oo dhan Amhara, Laasta, Shawa, boqorkii Itoobiyana
Eksuum u cararo , muslimiintuna cagta cagta u saaraan , ilaa ay Eksuum
, gobolka Tigray galeen , oo kaniisadihii iyo xoolihii iyo dahabkii
qaniimaysteen , meel kastana Imaamku wuxuu ka taagay maamul JIZYADA
ururiya , umuurtana nidaamiya.
W/Q : Abuu
Cabdi shakuur
Waa
socotaa
.Qeybtii 2aad
TAARIIKHDA CASRIGA AH
Intaasu hordhac noogaga filan taariikhda hore ee na dhex taal anaga
iyo xabashi. hadaba su'aashu waxa weeye: Ma halkaasay ku dhamaatay sida
dadka qaarkood qabaan? Mise taariikhdaasi wali way socotaa Jawaabtu
waa maya.Bal aan aragno.
MENELIK
2AAD 1883
Boqorkii xabashida Menelik 2 wuxuu warqad u qoray 1883 dowladaha reer
yurub ee kirishtaanka ah, isagoo u sheegaya xuduuda dalka xabashida-sida
uu u arko -wuxuu yiri:
"waxay ka bilaabataa
xuduudayada dhabta ahi Badda-cas ilaa Badyarada sanburu(dhulka hadda
keenya):
hadii ilaahay nafta ii daayana waxaan ka shaqayn doonaa sidaan boqortooyadayda
ugu soo celin lahaa xuduudeedii u dhexaysay Khartuum ilaa badyarada
nianza.
Waxay Itoobiya ahayd jasiirad kirishtaana oo ku dhextaal badwayn...(
islaam ah) 14qarni.
Haddaba iyadoo maanta
aaney niyadda nagaga jirin inaan dhulkayagaas xoog ku qaadano, waxaan
rumaysanahay in rabbigu dowladaha kiristaanka ah noo soo hanuunin doono
inay noo soo celiyaan xuduudayadii badda ama qayb ka mid ah"1.
Arintaas uu shaaca ka qaaday menelik maaha mid uu kaligiis qabay, balse
waa mid uu ku taahayo nin kasta oo madax ka noqda dalka xabashida, Menelik
ilaa Melez Zenawi. Waxay kuligood qabaan caqiida ahaana urumaysanyihiin,
in dhulka soomaalida ay xabashidu leedahay siduu u dhanyahay.
Waxay kaloo rumaynsan
yihiin, diin ahaana uqabaan, camalkoodana ka muuqata, in ay waajib ku
tahay inay geeska afrika ka tirtiraan magaca muslimka.
KHUDBADII
RA'IISUL WASAARAHA XABASHIDA SHIRKII XABASHIDA SHIRKII ADDIS ABBA (MAY1963)
Shirkii dowlada
Afrika ee ka dhacay Addis Ababa 1963, madaxwaynaha Jumhuuriyadda soomaalidu
wuxuu ka jeediyay hadal uu ku dalbaayo taageerada midaynta shanta soomaliya.
Wuxuuna yiri:
"Ma jeclin
inaanu durkino khilaafka xuduudeed ee soomaalida iyo dowladda martida
loo yahay, laakiin waxaanu ku gaabsanaynaa in aanu caddayno mowqifkayaga,
kaasoo ah in Itoobiya ay qabsatay dhul balaaran oo soomaalidu leedahay,
iyadoo haba yaraatee wax ogolaansha ah aan ka helin dadka dagan, oo
aan waliba dhag ujalaqsiin ra'yigooda.
Mana dhamaanayso
xaalada daganaan la'aantu, iney korodha maahane, haddaan si cadaalada
arinta loo dhamayn. Hadaan boogta la daawayn waxaan shaki ku jirin in
ay noqon doonto mid had iyo jeer kicisa qas iyo deganaanla'aan. Dowladda
soomaaliya malaha damac dhul balaarsi, laakiin yaan laga filanin shacbiga
Jumhuuriydda soomaaliya inuu dareen la'aan ufadhiyo gacmahana ka laabto
qayla dhaanka dhanka walaalihiis ka soo gaaraya " .
intaa markuu yiri
madaxweynuhu , waxaa hadalkii qaatay Ra'iisul wasaaarahii Xabashida
wuxuuna yiri :
" Aad ayaan
ula yaabanahay hadalka uu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Waxaad moodaa
in wufuudda Soomaalidu beryahan dambe shir kasta ku shaqayneysey maahmaahdii
ahayd : haddaad dhooba badan tuurto waxaa laga yaabaa in qaarkeed dhego"
.
Hase yeeshee waxaan
jeclahay inaan dhawr arrimood oo dhaba tilmaamo:
Itoobiya waxay dawlad madaxbanaan ahayd muddo 3000 oo sano ka badan
. taasu waa xaqiiqada koowaad. midda labaadna waxa weeye in xuduudda
taariikhiga ah ee Itoobiya tahay inta u dhexeysa badda Cas iyo badweynta
Hindiya , iyadoo ay ku jirto inta dhul u dhexeysa oo dhan labadaas badood.
Xaqiiqada saddexaadna waxa weeye inaan taariikhda laguba hayn wax sheegaaya
jiritaanka dawlad amase ummad Soomaaliyeed. Sidaas weeye waaqica runta
ahi anigoo ka xun caddayntiisa . Markuu isticmaarku yimid Afrikana Itoobiya
waxay weydey xeebeheedii iyo Ereteriya iyo Soomaaliya iyo mandiqada
kale oo laga goostay".
Hadalka Boqorkii Menelik iyo kan Ra'iisul wasaarihii Xayle Salaase waxaa
u dhexeeya muddo 80 sano ah , mana isbedelin maskaxdii iyo caqiidadii
madaxda Itoobiya .
MINGISTE
1991
Waxaa laga weriyey
Col. Mingiste Xayle Maryaam inuu yiri markuu ka baxayay Itoobiya : "
Waxaan Itoobiya u qabtay wax aanu u qaban madaxweyne iga horreeyey .
waxaan burburiyey cadowgii 1aad ee Itoobiya , waa dawladdii Soomaaliyeed".
Qeybtii
3aad
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA IYO
ITOOBIYA 1960 - 1997
waxaa la yaab leh , dad badan oo Soomaali ahi inaaney kala saari karin
Diinta, Qaranimada, iyo maslaxadda shakhsiga ah . Shareecada Islaamka
asaasyadeeda waxaa ka mida: "Dhibka gaarka ah waxaa looga dul qaataa
dhibka guud". In qofku isaga ama reerkiisa ama xisbigiisa dhib
soo gaaro waxaa ka weyn in ummadda oo dhan iyo qaranka dhib soo gaaro.
QIIRADA
& WADANINIMADA DHIMATAY
Ka hadli mayno dareenka
diiniga ah, laakiin bal kii wadaninimada ahaa ayaa maanta iilka lagu
duugay.
Dad badan oo dhalinyaro ah, amase taariikhda soomaalida aan wax badan
xog ogaal uga ahayn, ma oga qiirada iyo wadaninimada ay soomaalidu lahaan
jirtay. Maanta se daahiyad baa naheshay oo daad baa naqaaday. Bal hadaba
aan hal baal taariikhda dhow kasoo rogno, ee ka mid ah siraacii noo
dhaxeeyay anaga iyo xabashida, iyo sideey soomaalidu u qaabili jirtay
dad iyo dowladba.
3) 30 jan 1960 shirkii shucuubta Afrika ee lagu qabtay Tuunis , wuxuu
aduun waynaha ugu baaqay in uu taageero halganka umadda Soomaaliyeed
iyo midaynta shanta soomaaliya ee la kala jaray.
2) qodobka 6aad ee dastuurkii Soomaaliya 1 Julay 1960 wuxuu caddeeyay
midaynta dhulka soomaalida oo dhan.
3) 1961 wasaarada warfaafinta Itoobiya waxay soo saartay warbixn ay
ku leedahay :
"waxaad moodaa dacaayada & halgansiinta soomaalidu ineyan xal
lahayn. Madaxda soomaalida iyo shacabkeeduba waxay kordhiyeen cadaawada
ay u hayaan Itoobiya, waxayna taas ku raali galinayaan dhul balaadhsiga
ay soomaalidu ku taahayso"
hadalkan waxaa xabashida ka keenay wixii warbaahinta soomaaliya ka bixi
jiray gabay, geeraar, buraanbur, iyo kicin dareenka soomaalida.
4) Maarso 1962 Ururada Soomaalida ee NFD waxay soo saareen baaq ay ku
leeyihiin :
" Haddaanu nahay ururada siyaasiga ah ee mandiqada Waqooyi bari
ee Keenya , ma u ogolaaneyno cid kastoo Yurub iyo Afrika ahi iney aaya-tiinkayaga
ka taliso. Ma aha inaanu rabno keliya inaanu ka xorowno Isticmaarka
waqooyiga bari ee Kenya , laakiinse waxaanu milicsaneynaa inaanu ku
biirno walaalahayaga Soomaali weyn"
5) Maarso 1963 dowlada soomaalidu waxay xiriirka u jartay Ingiriiska
ka dib markay xukuumadda Ingiriisku diidey inay xoriyad siiso shacbiga
soomaalida Enefdii. Waxaana Muqdisho ka aloosantay caro iyo dhiidhi.
Waxayna dowladda soomaaliya ku cambaaraysay Ingiriiska inuu u madax
salaaxo Keenya soomaalidana uu maja xaabinayo.
6) May 1963 shirkii Addisabab wuxuu madaxwaynihii soomaalidu ka cadeeyay:
"Midnimadda soomaalidu waa mid ku dhisan inay yihiin Ummad keliya
oo isku diin iyo luqo iyo dhaqan ah. Wuxuuna shaaca ka qaaday inaan
dowladda soomalidu gacmaha ka laabanayn qaylada kasoo yeeraysa dadka
soomaaliyeed ee isticmaarka Itoobiya ku nool" . Horay ayaan u soo
sheegnay jawaabtii Itoobiya".
7)isla shirkaas Addis 1963 wuxuu wafdiga Kenya ka yiri :
"soomaalida Kenya marna laguma soo dari jirin : AFRIKAAN ASALA.waxaana
isticmaarku ula dhaqmi jiray inaanay Afrikaan ahayn inkastoo aan sida
reer yurub iyo reer aasiya ama xataa Carabta loola dhaqmi jirin. Sidaas
darteed kuma milmin soomaalidu shucuubta Afrika ee keenya. Xukuumadda
Soomaaliya waa inay joojisaa hubaka iyo xoolaha ay ku daldalayso kooxaha
soomaaliyeed ee falaagada ah. Soomaliada Keenya waxaanu leenahay siduu
yiri Jome Kenyatta: ku milma shucuubta keenya ee Afrikaanka ah ama geeliina
kaxaysta oo dalkayaga nooga baxa oo soomaliya aada. Taas kaliya ayaanu
u ogolnahay".
8) Julay 1963 Itoobiya iyo Kenya waxay saxeexdeen heshiis xaga difaaca
oo ay isaga kaashanayaan soomaaliya.
9) Febauary 1964 waxaa dhacay dagaalkii soomaaliya iyo Itoobiya.
10) Sept. 1966 wuxuu Xayle salaase ku andacooday in loo soo celiyo soomaalida
Faransiga ah (Jabuuti) maxaa yeelay waa dhul Ioobiya leedahay.
11) March 20, 1964 waxaa heshiis soomaalida iyo Itoobiya ku saxeexdeen
Khartoum kaasoo lagu joojinayay dagaalka.
12) Oct.23,1965 waxaa Itoobiya iyo soomaalidu saxiixeen heshiis kale
magaalada Acra ee Ghana .
13) 10 June 1967 wuxuu sii daayay Ra'iisul wasaaraha cusub ee soomaaliya
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal warbixin uu ku leeyahay:
"Sidaad ogtihiin jiiraankayaga Afrikaanka ah ee Itoobiya iyo keenya
waxay ku dayanayaan saadada reer Yurub ee gumaysata xeebta Soomaalida
ee Jabuuti. Mana ogola inay siiyaan shacabka soomaalida ee ku nool dhulka
soomaaliyeed ee ay haystaan xorriyad ay aayo-tiinkooda kaga taliyaan.
Xukuumadaydu waxay ku soconaysaa siyaasadii xukuumadahii iga horeeyay.
Mana ka suulayno inaanu culays kasta saarno dowladahaas si aanu hadafkaa
u gaarno. Waana nacasnimo in loo maleeyo shacabiga soomaaliyeed inuu
iska fiirsado halganka ay ku jiraan walaalahayaga gumaysiga la galiyay.
Balse waxaanu caddaynaynaa inaanu taageeri doono halgankaas intii tabartayada
ah, goob kastana qadiyadooda waanu ka difaacaynaa.".
2) Julay 13,1977 waxaa bilowday dagaalkii soomaaliya iyo Itoobiya, markii
soomaalidu ku guulaysatayna waxaa Itoobiya u hiiliyay Ruushka iyo Kuuba
iyo intii la socotay. Dagaalkiina Soomaalida waa lagu gembiyay .
lug iyo gacana soomaalida looma kala furin. Ameerika oo mengisti ka
eryay Itoobiya xataa waxay arkaysay in maslaxadeeda fogi ku jirto Itoobiya
maxaa yeelay waa isku diin, oo maruun bey Itoobiya dhabta Ameerika ku
soo fariisan. Sidaa darteed wey is hortaagtay Ameerika in soomaalidu
hub hesho.
Waa socotaa
W/Q:Abu-cabdishakuur
Back